“Haddii Jawaari uu guuleystaa kama dhigna guusha Xasan Sheikh”

Muqidsho (Caasimada Online) – Waxaa maanta la filayaa in doorashada guddoonka baarlamaanka ay ka dhacdo xarunta golaha shacabka ee magaalada Muqdisho.

Doorashadaasi ayaa xiiso gaar ah yeelanayso maadaama musharixiin badan ay ku tartamayaan waxaana aad loo hadal hayaa guddoonka soo baxa inuu go’aamin doono cidda madaxweyne noqoneyso.

Laakiin qaar kamid ah dadka falanqeeya siyaasada ayaa sheegaya in haddii Jawaari uu kusoo baxaa doorashada maanya aysan la mid aheyn soo laabashada Xasan Sheikh oo aad loo hadal hayo.

Dr Ibraahim Bursaliid oo falanqeeya arimaha siyaasada africa ayaa sheegay in Jawaari uu yahay shaqsiga kaliya ee ka yimid dowladii dhexe ee dalka uuna soo qabtay xilal kala duwan.

Bursaliid, ayaa sidoo kale sheegay in Jawaari uu xilal kala duwan soo qabtay tan iyo burburkii dowladdii dhexe, haddana uu ka fakari doono arimaha Soomaalida danta ugu jirto.

Wuxuu cadeeyay in Jawaari haddii uu guuleystaa uu wax badan sanadkaan ka badali doono baarlamaanka, uuna ka fakari doono hogaamiye kale uu la shaqeyn karo.

Caasimada Onlne
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com