“Haddii Puntland ay Jubaland dhistay HirShabeelle Banaadir State ayuu dhisayaa”

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka HirShabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble oo ka qeyb galayay munaasabad ka dhacday magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa sheegay inay dhisayaan maamulka Banaadir State.

Wuxuu sheegay in Nidaamka federaalka uusan aheyn wax Soomaali isku raacday, islamarkaana Soomaalida aysan ka baaraan dagin, taasi oo la micno ah inuu dhibaato ku yahay shacabka Soomaaliyeed.

“Xaqiiqdu waxay tahay labo gobol iyo wixii ka badan intaan la dhihin, ummad waxay wax usameysata siday isku raaci karto, qaab aysan isu raaci karin mahan in la dhaho nidaamka federaalka qaabkaasi buu ahaanaaya idinkuna ma buuxin kartaan shuruudaasi ee idinka sidaasi baa la idiin maamulaya”ayuu yiri madaxweynaha Hirshabeelle.

“Gobolka Banaadir waxaa ku nool dad ka badan saddex milyan oo qof , dad ka badan dadka gobolada oo la isku dardaray ayaa ku nool , suuragalna mahan in la dhaho dowladda dhexe cod kuma lahaanayaan”

“Dulmi ma wadno, Gobolka Banaadir waa State waana la dhisaya state-kaasi, weliba waxaan idiin sheegaya haday Puntland ay jubaland dhistay, Hirshabelle ayaad dhisaysa Gobolka Banaadir, weliba waxan idiin sheegay gogoshu waa balcad”ayuu hadalkiisa kusoo gabo gabeeyay madaxweynaha HirShabelle.

Todobaadyadii ugu dambeeyay waxaa magaalada Muqdisho ka socday kulamo kala duwan oo ay yeelanayeen beelaha daga gobolka Banaadir kuwaasi  oo doonaya inay dhisaan maamul goboleedka Banaadir State.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com