Muqdishlo (Caasimadda Onlin) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxmed C/llaahi Farmaajo ayaa la sheegay in uu dib u dhigay booqosho uu ku tagi lahaa deegaanada maamulka Puntland taas oo lagu wday in ay noqoto Maamaha soo socda.
Saraakiil ka tirsan Xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in Arimaha ka soo cusboonaaday Puntland ay sabab u tahay dib u dhaca ku yimid booqasada Madaxweynaha uu ku tagi lahaa Magaalooyin ka tirsan Puntland.
Sida aan Wararka ku helnay Madaxtooyada Puntland ayaa Madaxweyne Farmaajo ka codsatay in safarkii uu ku imaan lahaa Puntland dib loo dhigo, waxaana sababta safarka dib loogu dhigay lagu sheegay isbadalka siyaasadeed ee ku yimid maamulkaasi oo Kalsoonida lagala noqday golihiisa Wasiirada.
Guddiga qaban qaabada Safraka Madaxweynaha Soomaaliya iyo soo dhaweynta ayaa u badnaa golihii Wasiirada Puntland ee lakala diray, waxaana hada joogsaday qaban qaabadii soo dhaweynta Madaxweynaha Soomaaliya.
Madaxtooyada Puntland ayaa Madaxweynaha ka codsatay in booqashadiisa dib u dhigo ilaa inta ay ka dageyso siyaasada kacsan ee Puntland, lamana oga waqti uu Madaxweynaha Soomaaliya booqan doono deegaanada Puntland.
Warar kale oo aan la hubin ayaa soo sheegaya in ay socoto qorshe kale oo safarka Madaxweynaha loogu badalaayo Maamulka Hirshabeelle.
Ogeysiis
Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.
Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka. HALKAN CLICK SII
iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com