Warbixin: Halista ku hoos duugan saldhiga Imaaraatka ee Berbera

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar kamid ah Culumada Soomaaliyeed ayaa digniin kasoo saaray halista kooxda Xuutiyiinta ay ku yeelan karaan Soomaaliya.

Culimada ku nool deegaanada Somaliland ayaa sheegay in Somaliland ay halis uga imaan karto saldhiga meletari ee Imaaraatka Carabta doonayo inuu ka furmo magaalada Berbera.

Aadan Seeraar oo kamid ah culumada Somaliland ayaa sheegay in saldhigaasi uu halis ku yahay xasiloonida iyo nada Somaliland.

Wuxuu sheegay in qorshaha uu yahay in lagu wiiqo awooda iyo isku xirnaanshaha Shacabka Somaliland.

Wuxuu sheegay in saldhigaasi haddii laga dhisaa Berbera in Somaliland ay yeelan doonto cadow aysan hadda laheyn, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale Aadan Seeraar, ayaa soo jeediyay in Somaliland aysan fara gashan colaadaha caalamka ka jira, taasi oo sababi doonto in Xuutiyiinta iyaga oo marmarsiiyo sameysanaya inay Yemen kaga soo gudbaan Somaliland.

Somaliland ayaa dhowaan heshiis la gashay Imaaraadka Carabta, kaasi oo ku saabsanaa in Imaaraadka carabta uu xarun Ciidan ka sameysto Magaalada Berbera, oo uu ka taliyo Maamulkaasi.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com