Halka wax ee ka hortaagan Farmaajo iyo Kheyre inay booqdaan Puntland

Sida aan ognahay mudadii ay jirtay dowladda uu madaxweyne farmaajo iyo raisal wasaare khayre hogaaminayaan waxa ay booqashooyin ku kala bixiyeen inta badan maamul goboleed yada dalka oo uu ugu horeeyey safarkii madaxweynaha ee baydhabo ilaa kan maanta uu raisal wasaaruhu ku tagay kismaayo.

Waxa asbuuc yadii lasoo dhaafay soo shaac baxay in madaxweynuhu uu safar ku tagayo puntland, iyadoo wasiirka arrimaha guduhu si hordhac ah u tagay isagoo sheegay in madaxweynuhu imaan doono shirar kala duwana la yeeshay madaxda, siyaasiyiinta iyo isimada puntland, safar dhulka ah na ku maray dhamaan magaalooyinka waawayn.
Maalmo kadib waxa puntland lagu wargaliyay in safarkii madaxweynuhu dib u dhacay howlo shaqo darteed iyadoo an la cayyimin waqti kale.
 

Hadaba akhriste ma ogtahay sababta kalliftay in madaxda ugu saraysa qaranku ka caga jiido tagitaanka Puntland?

Puntland waxa jira caadooyin iyo hab dhaqan ay kaga duwan tahay dowlad goboleed yada kale kuwaas oo ku kallifta mas’uulka booqanaya inuu wax badan ka baaraan dago waxyaabo badana sii qorsheysto, sidoo kale na dirsado ilo hordhac ah oo sahan u noqda.
Waxaa kamid ah hab dhaqanka puntland in madaxweynaha ama raisal wasaraha booqda ay kala saxiixdaan heshiisyo qaarkood adag tahay in la fuliyo, iyadoo la horkeenayo qodobo horey looga soo shaqeeyey iyadoo mas’uulkii martida ahaa ay ku adag tahay inuu wax ka diido cida uu martida u yahay booqashadana ku dhameeyo khilaaf iyo fara taagtaag, si aysan taasi u dhicin waa inuu saxiixaa wixii la horkeeno halka laga yaabo dowlad goboleed yada kale in madaxweynaha lasoo dhoweeyo, meelaha muhiim ka ah na booqdo marka kadib wixi ballan qaad ah sameeyo sidaas na safarkiisa kusoo gaba gabeeyo.
Mararka qaar puntland marka uu booqdo mas’uul qaran waxa ay wadahadal ka ku casuuntaa beesha caalamka iyo dowladaha dariska si ay markhaati uga noqdaan waxa ay ku heshiiyeen sidii dhacday safarkii ugu dameeyey ee raisal wasare Cumar Cabdirashid ku yimi garowe oo heshiiski ay goob joog ka ahaayeen wasiirka arrimaha dibadda itoobiya iyo wakiilka qaramada midoobay ee soomaaliya.
Dhamaan dhaqamadaasi waxay adkeeyeen in la booqdo Garowe ama qof mas’uul ahi si fudud u qorsheeyo safar uu ugu amba baxayo puntland isagoo an waqti badan ka fakarin oo sii odorosin waxa ka imaan kara.
 
W/Q: Abdullahi Nur

Afeef: Aragtida qoraalkan waxay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid

Ogeysiis

Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.

Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka.   HALKAN CLICK SII

iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII