Halkee ayuu marayaa diyaar garowga iyo ololaha musharaxiinta HirShabelle?

Muqdisho (Caasimada Online) – Musharaxiinta doorashada Madaxweynaha maamul goboleedka Hirshabelle, ayaa lagu wadaa in maanta ay bilaaban jeedinta Khudbadaha musharaxnimo.

Musharaxiinta ayaa khudbadaha ka jeedin doona Xarunta baarlamaanka maamulka, kadib markii sideed musharax shalay la siiyay shahaadooyinka musharaxnimo.

Khudbadaha musharaxiinta ayaa waxaa dhageysan doona Xildhibaanada baarlamaanka ee iyagu la doonaayo inay doortan musharaxa munaasibka ku ah inuu hogaamiyo maamulka HirShabelle.

Guddoonka baarlamaanka maamulka ayaa Xildhibaanada ku wargeliyay inay soo xaadiraan hoolka baarlamaanka si ay u dhageystaan Khudbdaha.

Khudbada ugu horeyso ayaa jeedin doona Musharax Cabdi Faarax Laqanyo, halka musharaxiinta kale ay ku xigi doonaan.

Musharaxiinta u tartamaysa doorashada Madaxweynaha Hirshabelle ayaa waxa ay kala yihiin:

Cabdi Faarax Sharaawe Laqanyo, Cabdikariin Cali Nuur, Daahir Cabdulle, Maxamed Cabdi Waare, Yuusuf Maxamuud Hagar (Dabdageed), Cabdinaasir Shirwac Maxamed, Maxamed Caruush Diirow iyo Cabdiraxmaan Xuseen Caddow.

Abaabulka ololaha doorashada ayaa si xoogan uga socda magaalada Jowhar, waxa ayna musharaxiinto dhexda uga jiraan Xildhibaanada oo iyagu dooran doona cida ay u arkaan munaasibka.

Illaa siddeed musharrax ayaa la xaqiijiyay in ay ka qeyb qaadan doonan doorashada oo dhici doonta 16ka bishan September oo ku aadan Sabtida soo socota.

Si kastaba ha ahaatee, doorashadan ayaa waxbadan ka duwanaan doonta doorashadii hore oo u muuqatay mid ku dhacday qoorqabat.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com