Hardanka gacanka Carbeed, 3-da quwad ee ku loolamaya iyo saameynta Somalia

Xiisadda siyaasadeed ee ka aloosan Gacanka Carbeed iyo xidhiidh u jaridda Qatar waxay muujinaysa hardanka siyaasadeed ee quwaddaha saddexda ah ee ku loolamaya Gobolka, kuwaas oo kala ah:

1 – Waa Iiraan oo saameyn kuleh Suuriya iyo Ciraaq, sidoo kalana garabsanaysa kooxaha Xisbullaah iyo maleeshiyaadka Xuutiyiinta.

2 – Waa nidaamka duqoobey ee boqortooyooyinka sida Sacuudiga, Imaaraadka iyo Baxrayn, oo lagu biiriyey Urdun iyo Masar. Kooxdan Sucuudigu hor boodayo boqortooyooyinkoodo waxay ka cabsi qabaan kacdoono shacab oo ku kaca waxaana maangal ah in arrintu qaraxdo.

3 – Waa Turkiga iyo Qadar oo la ay jiraan Ikhwaanul Musliim, iyo ciidamada firfircoon ee kacdoonnada.

Xulufaysi Horleh oo la filan karo

Baarlamaanka Turkigu waxay shalay ansixiyeen qorshe ciidamo loogu dirayo Qatar, Si lamid ah Iiraan waxay oogu deeqday Dekaddo ay isticmaalaan iyo waliba cuntooyinka, oo halkaas waxaa ku tirantay baahidii aheyd in Qatar ay raashin ka keensato dalalkan hadda xiriirka u jaray. Dowladda Baakistaan ayaa iyaduna sheegtay in 20,000 oo askari ay u dirayso Qatar. Isu soo dhawaanshaha iyo garab istaagga ay sameeyeen Turkiga, Iiraan, Qatar iyo Baakistaan. Waxay dhallin kartaa Is xulufaysi cusub oo dunida Islaamka kusoo siyaadda, waxaana markaas meesha ka baxaysa Sarraynta Sucuudiga oo aan laheyn awood ciidan oo uu dalkiisa ku difaacan karo, isuna arkey baarqabka Dunida Islaamka ugu taag roon.

Haddii aynu eegno saameynta kale ee reer galbeedka iyo Maraykanku ku yeelan karaan arrintan. Labada waddan ee Qaaraddan Yurub (Europe) ugu tunka weyn waa Ingiriiska (England) iyo Jarmaniye (Germany). labaduba waxay muujiyeen arrin dhexdhexaadnimo siiba Jarmani iyadu way adagtahey in ay ka hor imaato Qatar, Waayo Qatar maalgelin badan oo dhaqaale ayey ku leedahey Jarmalka. Xagga Maraykanka qudhiisu ma muujin karo taageero cad, waayo saldhigga ugu weyn ee uu gacanka ku leeyahey ayaaba ah waddanka yar Qatar. Haddii uu taageero u muujiyo kolayba si dadban ayuu u taageerayaaye, Ruushku waxuu noqonayaa mid garab taagan Qatar, Halkaas waxaa ka muuqanaya heshiis cusub oo ay wada gali karaan, Turkiga Ruushka iyo waliba Iiraan. oo horray heshiisyo kale oo barriga dhexe la xidhiidha u kala saxiixdey. Maalinnimadda berri ahna waxaa la filayaa in Wasiirka Arrimaha Dibadda Qatar uu u safro Ruushka. Halkaas waxaa ku hadhay boola-xooftaynta Sucuudiga, Baxrayn, Imaaraadka, Masar iyo Urdun.

Sidee arrintani Soomaaliya u saameyn kartaa.?

Xagga go’aankii ay Dowladda Soomaaliya qaadatey markaan isu weecinno, arrinkani saameeyn balaadhan ayuu dalka ku yeelan karaa, waa haddii Imaaraadku cadaadis saaro. Saameyntaasoo ah dhanka ammaanka iyo ganacsiga. Dowladda imaaraadku waxay bixisaa mushaaraadka qaar kamid ah ciidamada maamul goboleedyada, haddii mushaarkaas iyo dhaqaalahaas maamul goboleedyada ay siiso ay jartana dhibkeedda ayey leedahey, oo khalkhal xagga ammaanka ah ayaa dhici kara. dhanka ganacsiga Badeecadda ugu badan ee ay ganacsatada soomaalida ahi kasoo iibsadaan dunida waxuu oogasoo degaa Dubai. haddii arrinkaasi dhaco, waxuu suuq u furmi Doonaa Jabuuti iyo Kenya, oo noqon doona Dookh lamahuraan ah. Dhanka mashaariicda iyo ballanqaadyadii Sacuudigu u Sameeyay dowladda Soomaaliya, Haddii la waayo, beddelkoodi waxaa Maangal ah in laga helo Turkiga iyo Qatar, oo si masayr iyo kabad badis ah Soomaaliya taageera u siiya.

Gunnaanad:

Inkastoo arrinkani ayla irkaggeen Waddamada badan oo dunida kamid ah, haddana waxuu ahaa mid la filaayey, gacanka carbeed oo uu tashuush siyaasadeed ka taagnaa aawadii. Sidoo kale dhacdadani waxay saameeyn ku yeelan kartaa, dunida oo dhan, Wadamadanina waa kuwa maanta laf dhabarka u ah Shidaalka dunida.

W.Q: Cabdishukri Haybe Kilaas [Abdi Haybe]
E-mail: Abdishukrih@gmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid