Heshiiskii Khaatumo iyo Somaliland oo ay caqabad soo wajahday: War aan la fileyn oo kasoo baxay Garaad Jaamac

Buuhoodle (Caasimada Online) – Garaad Jaamac Garaad Cali oo ah garaadka guud ee beesha Dhulbahante, ayaa si weyn uga horyimid heshiis is-afgarad ah oo dhawaan Madaxweynaha Khaatumo Cali Khaliif Galayr iyo Somaliland ku kala saxiixdeen Hargeysa.

Garaadka ayaa sheegay in uu wax ka ogaa wada hadalkii hore ee muddo soo socdey, laakiinw axa ka soo abxay uu yahay wax xanuunbadan oo uu la jiifsan waayey, ummada reer Khaatumana aan u qalmin.

Is-afaradka Cali Khaliif Galayr iyo Somaliland ayuu Garaadku ku tilmaamey, mid aan u qalmin shacabka Khaatumo, waxaana uu maahmaah ku yiri “Gunnimo Ninna kula tartami mayno, go’aanka Cali Khaliifna ma aha mid matala danaha reer Khaatuma”.

Garaadka oo ah nin saameyn weyn ku dhex leh bulshada Khaatumo, ayaa hadalkiisa loo arkaa mid caqabad ku ah heshiiska, maadaama uu haysto taageero badan.

Halkan hoose ka dhageyso hadalka Garaad

Caasimada Online
Xafiiska Buuhoodle
caasimada@live.com