Heshiiskii Somaliland iyo Khaatumo oo hal qodob oo fudud u fashilmay

Hargeysa (Caasimada Online) – Burbur ayaa ku yimid wadahadalladii Somaliland iyo Khatumo iyadoo 10-kii July loo ballansanaa dhamaystirka hishiiskii 16 June labadaas dhinac ku wada gaareen magaalada Hargaysa kasoo qodob ka mid ah uu dhigayey qabsoomida shirkaas oo la isla gartay in lagu qabto magaalada Burco.

Wasiiro iyo xubno ka mid ah guddiga wadahadalladan u qaabilsan Somaliland ayaa dhawaan Warbaahinta ka sheegay in Khatumo ay qaab khaldan u dhigeen shirka loo ballansanaa inuu Burco ka qabsoomo tobanka bishan.

Xubnahan oo ay ka mid ah ahayeen Gudoomiye ku xigeenka xisbiga Kulmiye Maxamed Kaahin iyo wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Yaasiin Faratoon ayaa sheegay in dib loo dhigay shirkaas lana qaban doono 24 July.

Dr. Cali Khaliif Galayd ayaa  diiday dib u dhigista maamulka Somaliland uu shirkaas ku samaysay isagoo sheegay in aan lagala tashan wuxuuna intaas ku sii daray in hadduusan qabsoomin waqtigii lagu ballamay shirkaas in wadahadallada u socday iyaga iyo Somaliland uu bur bur ku imaanayo.

Xubno ka tirsan Khatumo iyo Somaliland ayaa sheegaya inay socdaan da’daallo lagu doonayo in xal la gaaro si uusan u fashilmin wadahadallada labadan dhinac oo Sagaalkii bilood ee la soo dhaafay socday.

Isimada Dhulbahante ayaa diiday ka qayb galka shirka Burco iyo guud ahaanba qodabadii ka soo baxay hishiiskii Somaliland iyo Khatumo.

Ogeysiis

Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.

Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka.   HALKAN CLICK SII

iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com