Hiil-Qaran Hurdadii maka toosay?

Intii aan la galin doorashadii madax-waynaha soomaaliya ayaa aragtidayo loo gudbiyay qaar ka mid ah golaha dhexe ee Xisbiga Hiil-Qaran , waxaa maantaa muuqday dag dag iyo kala xishood wuxuu ahaa garan maayee in ay golaha dhexe indhaha ka daboosheen xaqiiqo jirta waxayna isku qanciyeen wixii ay maantaa laabtooda doonaysay .

Xisbiga waxaa ku jira rag iyo dumar Soomaali dhab ah u badan(inkastoo qaar kufeen markii kursiga la waayay) laakiin waxaa jiray markii la isu diyaarinayay doorashada laab la kac xoog leh , waxaa dhinac ay iska dhigeen golaha dhexe xaqiiqada ka jirta xamar oo ah hanaanka qabiilka ee wax lagu qaybsanayay , waxaa lasoo dhigay safka hore una tartamo jagada dalka ugu saraysa Axmed Ismaciil oo 30 wax ka badan ku darsaday Soomaalida hadal quus u badan waxaa yarayd in la arko axmed oo wanaag ku sheegaya shicibka Soomaaliyeed , toloow sidee noo hoggaamin lahaa ?

Soomaalidu waxay tiraahda nin kabahaaga eegay kor looma eego , taariikh nololeedka axmed kuma jirto inuu xitaa ugu deeqay deegaankiisa waxa ugu yar ee qof isagoo kale ah uu kari karo , intuu soomaali wax ka qorayay marna kumuusan fikirn inuu degmaduu ka yimid ka dhiso qol yar oo ay ku dhalaan gabdhaha maalin iyo habayn dhiig baxa iyo dhibaatooyinka foosha ugu nafwaaya deegaanka .

Hiil-qaran wuxuu u muuqday inuu isu diyaarinayay doorasho deegaanka Minisooto ka dhici doonto iigama muuqan diyaar garoow loollanka adag ee Xamar ka socday lama dajin qorshaba B, T , iyo J oo noqon kara haddaan wayno kurisga 1 aad yaanan waayin wasiirka 1 aad haddii aaan wayno Xisbigu yuusan waayin mid am laba wasiir oo aan shacabka ku tusno kartida iyo aqoonta Xisbiga Hiil Qaran leeyahay si ay suura gal noonu noqoto inaan helno 4 sano kadib codka shacabka eegaya dantiisa cidda si hagar la’aan ugu shaqaysa.

Niyad bur-burka ku dhaca qaar badan oo ka mid ah Xisbiga waxaa sabab u ah ismaqal waa xoog leh iyo aragti kaliya rag qaba kuna dhagay moodayna qaybaha kale ee xibiga inay yihiin Tabaciyad aysan ahayn in wax la waydiiyo mar haddaysan Barayaal ka ahayn Dugsiyada reer Galbeedka ubadkooda wax loogu dhigo.

Sida kasoo boodday afkiisa C/qaadir Jaangali oo ka mid Golah dhexe ee Xisbiga kulan lagu soo dhaweeyay (isku soo dhaweeyay ) Axmed Ismaciil Samater oo ka dhacay Miniyaabulis wuxuu qiray inaysan Golaha dhexe ka fariisan iskana arkin in Axmed u tartamo xilka madax wayne ee Soomaaliya , hasa yeeshee Axmed ciduu ka haystayba wuxuu haystay kalsooni uu ku qabo inaan lagula loolami Karin Kursiga .

Suura gal ma ahan inay miisaan yeelan waayeen rag iyo dumar badan oo soomaali dhexdeeda laga xushmeeyo kana mid noqday xubnaha xisbiga ee waxay ila tahay inuu jiray ifafaale guul daradii ku dhacday Hiil Qaran oo gaartay inuu helo 0.016%

Wakhtigan waxay Soomaaliya galaysaa Xisbiyo badan Hiil qaran wuxuu kaga mid noqon karaa markuu garawsado xaqiiqada ka jirta soomaliya kuna saleeyo Siyaasaddiisa haddii kale wuxuu noqon Xisbi ay furteen laba wada dhalatay waxaana u codayn doona intay dhaleen iyo inta u dhaw .

W/Q Saynab Qorane

Sqorane@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qoraaga ku saxiixan