Hoobiyayaal lagu asqeeyay goobo muhiim ah & weerar culus oo ku wajahnaa xarunta Xalane…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maleeshiyaadka Al-shabaab ayaa Hoobiyayaal ku garaacay qeybo kamid ah deegaanka Jazeera, gaar ahaan meel u dhow badda xeebta Jaziira.

Maleeshiyaadka Hoobiyayaasha tuuray ayaa waxaa la sheegayaa in ujeedkooda uu ahaa inay weerar ku qaadan Xarunta xalane ee ku taalla garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Ciidamada Sirdoonka iyo nabadsugidda qaranka oo la socday dhaqdhaqaaqa maleeshiyaadkaasi ayaa la sheegayaa inay fashiliyeen weerarka, kadib markii ay ka hortageen gaari caasi ah oo ay wateen maleeshiyaadkaasi.

Gaariga caasiga ah ayaa waxaa la sheegayaa inay saarnaayen maleeshiyaad aad u hubeysnaa kuwaasi oo uu qorshahoodu ahaa inay weerar culus ku qaadan Xarunta Xalane, hayeeshee waxaa qorshahaasi fashiliyay NISA.

Hoobiyayaasha ay maleeshiyadu tuurtay ayaa waxaan jirin cid waxyeelo ay kasoo gaartay, waxa uuna iminka jawigu yahay mid degan.

Geesta kale, weerarkaani ayaa imaanaya iyadoo Ciidamada Nabadsugidda Somalia ay adkeeyeen ammaanka magaalooyinka waxaana laga cabsi qabay in maleeshiyada Al-shabaab ay weeraro ku qaado Hoteelada xili magaalada ay aheyd mid mashquul badan oo ay ka socdeen Fantasiyo lagu soo dhaweeynaayay 2016-ka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

SHARE