Horumarka ka socda Muqdisho oo noqday caqabad nololeed. (Warbixin)

Kadib sanad deganaasho iyo bidhaan nabadeed ah, Muqdisho waxa ay iminka arkeysaa dib u dhis baaxad weyn iyo “Ninkii guri lahow taajir”.

Hase yeeshee, wax kasta oo dhaca waxa ay lee yihiin cirib dambeed, sammaan iyo xummaan midey doontaba ha ahaatee.

Horumarka iyo dib u dhiska Muqdisho ka socdana, waxa uu caqabad nololeed ku noqday dad badan oo magaalada degan, balse dan yar ah.

Ayaga oo u ciil qaba inay hantidooda dhuleed ka taajiraan, ayaa dadka leh guryaha ku yaalla caasimada, waxa ay kumanaan qof oo aan iska bixin karin qiimaha sare ee guryaha ay ku qasbayaan inay ka baxaan guryahooda.

Taa beddelkeeda, waxaa guryaha laga saaro kuwa aan lacagta badan heysan ee qiimaha yar ku deganaa laga iibinayaa kuwa jeebku u weyn yahay ama laga kireynayaa. Taasi kumanaan qof ayay guryo la’aan dhigtay oo xeryaha qaxootiga isku shubay.

Gudaha Muqdisho, qiimihii iyo kirada ayaa laba jibaarmay, sanaddi u dmabeysay.

Gurigii lagu iibin jiray 50 kun oo dollar inti u dhaxeysay 2006 illaa 2011, waxa uu gaaray 100 kun sanadkan 2012 ee dhammaadka ah. Qiimahaasi waxaa la filayaa inuu sii kordho 2013.

“Sanad iyo bar ka hor waxaa macquul ahayd inaan bishii iibiyo wax aan ka badneyn 3 guri, laakin iminka maalin kasta ayaan guri iibiyaa” waxaa sidaas Caasimada Online ku yiri Cabdi Xasan Axmed oo ah dalaal guryaha iibiya.

Waxaa sidoo kale laba laabmay kirada guryaha. Villadii (Dhisme 5 ama 4 qol ah), nooca dhowaanahan la dhisay, oo lagu kireyn jiray ugu badnaan 200 oo dollar, iminka waa 500 oo dollar bishii.

Dhismooyinka ku dhow Garoonka Diyaradaha Aden Caddey, qiimaha intaasi aad ayuu uga sii badan yahay.
Goobaha sidoo kale qaaliga ah, waxaa ka mid ah guryaga ku dhow waddada Makka Almukaramah, oo ay ku yaalaan hoteelo iyo meelo laga dakuumeysto oo qurux badan.

“Tani waxa ay caqabad ku tahay Dowladda, xitaa qaxootiga jooga magaalada waa halis xagga amniga ah” ayuu yiri Cabdixakiim Guuleed oo ah guddoomiye ku xigeenka Guddiga Maareynta Musiibooyinka Somalia.

Sheekooyinka muragada leh waxaa ka mid ah “Ku dul beeca”. Dadka lacagta heysta ayaa sameynaya ficillo aan la mahdin. Waxa ay u tagayaan milkiilayaasha guryaha ayaga oo u sheegaya inay siin doonaan lacag laba jibaar ama saddex jibaar ah, haddii qofka guriga degan ay uga saaraan.

Kumanaan qof ayaa sidaasi looga saaray guriyihii ay deganaayeen oo iminka ku nool xero qaxooti, waayo guri kuma kireysan karaan boqolaal dollar, xilli noloshiiba aysan meel saarneyn.

Lama filayo in xaalkan uu soo wanaagsanaado. Sida xaalka iminka uu ku socdo, Muqdisho waxaa nolosheeda ku hari doona kaliya qofkii guri leh, ama mid taajir ah oo lacag badan heysta.

Wareysiyada iyo xogta warbixintan waxaa soo ururiyay Weriyaha Caasimada Online ee Muqdisho, waxaana qoray Tifaftiraha Caasimada Online Axmed Cali Sheikh.