Hotel wasiirka Amniga Puntland ku leeyahay Boosaaso oo la weeraray

Sida ay sheegayaan wararka laga helayo magaalada Boosaaso ee gobolka Bari, kooxo hubaysan ayaa weerar ku qaaday Hotel uu leeyahay wasiirka amniga Puntland oo ku yaala magaaladaasi Boosaaso e xarunta gobolka Bari.

Weerarka kooxa hubaysan ayaa la sheegay inuu sababay dhaawaca hal ruux oo ka mid ahaa ilaalada Hotelka,sida ay sheegayaan dadka deegaanka oo ku sugan goobta weerarka uuka dhacay habeenimadii xalay.

Sidoo kale kooxaha hubaysan ayaa weerar ku qaaday xabsiga dhexe ee magaalada Boosaaso kaasi oo aan la ogeyn qasaaraha uu geystay weerarkaasi,mana jiro wax war ah oo kasoo baxay dhanka maamulka Puntland.

Kooxaha hubeysan ayaanan la garaneynin halka ay ka yimaadeen iyo sababaha keenay inay weeraraan saldhiga magaalada iyo hotelka uu leeyahay Qaliif Ciise Mudan,wasiirka amniga maamulka Puntland.

Si kastaba waa weerarkii ugu horeeyay oo lala eegto hotelka uu leeyahay wasiirka amniga iyo xabsiga dhexe ee magaalada Boosaaso