HOWLGABKA KACSIGA (IMPOTENCE)

Dhibaatada kacsiga, oo iyaduna loo yaqaan howlgabka kacsiga wuxuu ku yimaadaa 5 – 10% nimanka da’ 40 naadka ah.
Da’duna si kala duwan ayay ugu korortaa, sidaasi ayaa 5 ka mid ah 10kii nin ee 70 jir ahba ay la kulmaan heerar kala duwan ee cudurkan.

Dhibaatada howlgabka kacsigu inta badan waa dhibaato siyaabo kala duwan ku timaadaa.
Cudurkan waxaa ka mid ah oo kale nimanka kacsadaa bilowga hordhaca galmada, hase yeeshee aan sii wadi karin kacsigii muddo ay ku galmoodaan.

Kacsigu wxuu ku bilowdaa isaga oo ku xiran dareen kacsi, markii ay xididada yar yarka ah ee xubinta galmada ninka ay fiddo soona galaan qulqul dhiig ah xubintaasi.

Xubinta galmada ninka waa ay weynaataa, laakiin haddii ay xididada dhiiggu ay dhiigga ka saaraan xubintaasi, wayna soo ururtaa, markii ay xubintaasi kacdona waa ay weynaataa waana dheeraataa.

Cudurkan howlgabka kacsi wuxuu ku yimaadaa iyada oo ay qulqulka dhiiggu soo gaarin ama uusan joogtoobin, ka dibna aad is aragto inaadan kacsan karin ama muddo yar kaliya kacsato.

Inta badan xaaladaha cudurkan waxaa sabab u ah cudurro jireedka.

Da’du shardi uma aha iney keento cudurkan howlgabka kacsi.

Xernaanta xididada dhiiggu waxay hoos u dhigtaa inuu dhiiggu aado xubinta galmada ragga.

Cudurkan howlgabka kacsiga wuxuu caadi ahaan ku yimaadaa cuduradan dadka qaba kaadi macaanka, wadna xanuunka, dhiig karka cudurada neerfaha iyo nimanka qalliinka lagaga sameeyay dhibaato kaga timid qanjirka borostaytka.
Kiniiniga jirka biyaha ka saaraa (diuretics) iyo daawada loo qaataa dhiig karka, suuxdinta, buufiska ama buuqa (anxiolytics) waxay keeni karaan cudurka howlgabka kacsiga.

Daaweynta cudurka howlgabka kacsiga waxay keensaneysaa ugu horeyntii, in adiga iyo dhakhtarkuba isla baartaan islana cadeysaan, in adiga iyo qofka aad la nooshahay ay wax dhibaato ah ka jiraan noloshiinna, taasoo sabab u noqon kartaa awooddan kaa maqan ama dhibaatadan aad ka sheeganeyso.
Waxaa suura gal ah inaad joojiso isticmaalka khamriga iyo inaad joojiso sigaarka oo keena hawlgab kacsi.

Wada hadalkaasi ka dib waa in dhakhtarku baaraa inaad ka sheeganeyso cudur aan lagaa daaweyn.

Daawada ugu wanaagsan ee lagu daweeyo cudurkaan baa ah maadada kooxda PDE 5-joojisa, daawooyinkaasi, ku haynaya qulqulka dhiiga xubinta galmada ragga, iyadoo la helayo kacsi ama uu joogto noqonayo.

Daawooyinkaasi wax badan kuma kala duwana dhinaca waxtarkooda, waxay shaqeynayaan muddo 4-5 saacadood ama 24 saacadood halkii diyaarin.

Aad bay muhiim u tahay in hoos laga xariiqo, in daawadu ay waxtar leedahay oo kaliya kacsiga galmada , kiniiniyayaashu ma keenaan mar walbaa kacsi.

Waa inaad daawada qaadataa ? ilaa 1 saac inta aadan u tegin xaaskaaga.
Ma qaadan kartid kiniiniyaasha, haddii aad qaadato daawooyinka ah nitroglycerine, kaasoo loo qaato wadna xanuunka.

Waa caadi ineysan daawadu si xoog ah wax u qaban 6da ilaa 8da mar ee ugu horeysa, waxaa laga yaabaa iney sabab u noqoto in doosaha (Dose) aad u baahan tahay in la kordhiyo, ma isticmaali kartid daawada ugu badnaan hal mar maalintii.

Dhibaatada ay daawadu keeni kartaa waa mid iska fudud ama iska gudbeyso, waxaana ka mid ah madax xanuun , waji casaad iyo caloosha oo ku xanuunta.

Waxaa aad u wanaagsan inaad sameysato buug maalmeed aad ku qoreyso waaya aragnimadaada kuugu horeysa isticmaalka daawadan.

Dhakhtarku wuxuu kugu caawini karaa inuu ku siiyo talooyin wanaagsan, marka aad la kulmeyso, waxaana waajib ah inaad mar walbaa raacdo nidaamka daawada lagu siiyo.
Dhakhtarkaaga wuxuu kuu raadin karaa caawinaad daawadaada ah, haddii aad tijaabisay in kiniiniyadan ay kuu fiican yihiin, isla markaana aad qabto cudur kale aan kan ahayn tusaale kaadi macaan.

Waxaa la helay daawo kale oo lagu daaweeyo cudurka howlgabka kacsiga, laakin waa ay ka waxtar yar tahay ama ay ka wanaag yar tahay isticmaalkeeda.

Waxaa diyaariyay xiriirka Caafimaadka Soomaaliyeed