Howlgalka xasilinta Muqdisho oo abuuray xaalad ka duwan tii la filayey

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho oo ah caasimadii dalka waxaa la qiyaasaa in ay ku nool yihiin labo milyan iyo ka badan oo qof, taasoo ka dhigan in Muqdisho tahay ama baaxad ahaan ka weyn dhowr magaalo oo la kulansiiyay ama la isku daro dadka ku nool.

Iyadoo la ogyahay in shantii sano ee lasoo dhaafay Muqdisho sameyneysay koror dadweyne, ganacsi iyo iyadoo ay kusoo badanayeen gaadiidka shacabka kaxeystaan.

Howlgalkii xasilinta amniga ee lagu doonayay in amaanka caasimada lagu saldhigo ayaa wuxuu isu badalay howlgal dhibaato horleh soo kordhiyay, kaasoo magaalada ka dhigay mid dhaqdhaqaaqii dhinac walba uu joogsado.

Xiritaankii jid cadayaasha ee isku xira laamiga iyo xaafadaha ayaa waxaa ka dhashay jahwareer laga qaaday isu socodka magaalada, waxaana dadku noqdeen kuwo naceyb ka qaaday howlgalka xasilinta amniga, maadaama qorshahaan uu horistaagay howlahooda shaqo.

Dadka ku kaxeysta gawaarida magaalada Muqdisho ayaa dhibaatada ugu weyn qaba, kuwaasi oo qaati ka taagan wadooyinka la xiray, waxayna mudo sacado ah qofka ku qaadanaysaa inuu goobtiisa shaqada ku tago mudo sacado ah.

Ugu danbeyntii waxay dadka Muqdisho qaati ka taagan yihiin wadooyinka la xiray ee fududeyn jiray isu socodka dadka iyo gaadiidka, hase ahaatee tallaabadaan ayey u arkaan mid cuuryaamiyay howlihii shaqo ee magaalada Muqdisho.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com