ICJ oo shaacisay xiliga ay soo saareyso Natiijada Muranka Badda ee u dhexeeya Somalia & Kenya

Muqdisho (Caasimada Online)-Maxkamadda Caalamiga ah ee ICJ, ayaa lagu wadaa in Asbuucyada fooda nagu soo haya ay go’aan ka gaarto Dacwada Badda ee u dhexeysa Kenya iyo Somalia.

ICJ, ayaa soo jeedin doonta go’aanka ay ka gaartay diidmada hordhaca ah Kenya ee dacwadda Badda ee kala dhexeysa Somalia.

ICJ, waxa ay si hordhac ah u muujisay in Dowlada Kenya ay kusii fogaaneyso xadgudubka, isla markaana indhaha ka qabsaneyso waxa uu qabo sharciga.

ICJ, waxa ay sheegtay in Dacwada Badda ay tahay mid hal dhinac u janjeerta, waxa ayna xukmin doontaa Galabnimada Khamiista, 2-da Febraayo 2017.

ICJ, waxa ay dhaliil gaara ka muujineysaa qaabka ay Dowlada Kenya ku dafireyso waxa uu sharciga ka qabo Muranka Badda.

Sidoo kale, Maxkamada ayaa waxaa looga fadhiyaa in labada Dalka ay u kala cadaalad fasho, waxaana laga sugayaa xaqiiqda Natiijada Dacwad qaadista kasoo baxday.

Geesta kale, Maxkamadda Hague ee dalka Netherlands, ayaa nuqulo hordhac ah arrinta Dacwada kala wadaagtay Dowladaha uu muranka u dhexeeyo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com