IGAD oo ka hadashay khilaafka Xasan Sheekh iyo Cabdi Weli ka dhex oogan

Baydhaba (Caasimada Online) – Urur Goboleedka IGAD ayaa madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay ugu baaqeen inay xaliyaan khilaafka ka dhex oogan, Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo Madaxweynaha dalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Khilaafka ka dhex-taagan labada masuul ee dalka ugu sareysa ayaa soo shaacbaxay markii Ra’iisul Wasaaraha dalka Soomaaliya uu isku shaandheyn ku sameeyay, xubno kamid ah Golaha Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya, taasi oo Madaxweynaha uu kasoo horjeestay.

Wakiilka Urur Goboleedka IGAD ee arimaha dalka Soomaaliya Maxamed Cabdi Afeey oo maanta ka hadlaayay shirka Hogaanka maamulka saddex Gobol loogu sameynaayo ee Magaalada Baydhabo maanta ka furmay, ayaa hadal uu halkaasi ka jeediyay wuxuu kusoo hadal qaaday khilaafka madaxda ka dhaxeeya.

Mr Afeey ayaa xusay inay wanaagsan tahay in amuuraha hada jiro si hoose loo xaliyo, maadaama aysan wanaagsaneyn in madaxdii dalka uu khilaaf ka dhex curto.

“Madaxweynaha, Ra’iisul Wasaaraha iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka waxaa laga rabaa in khilaafka ay xaliyaan oo si qaranimo ah oo wadaninimo leh loo xaliyo, waxaa la dhahaa Gacmo waayeel hoos ayaa loo dhaqaa marka khilaafka hala xaliyo”Ayuu yiri Maxamed Cabdi Afeey.

Khilaafka ka dhex-taagan Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha dalka Cabdi Wali Sheekh Axmed Maxamed, ayaa siyaabo kala duwan looga hadlay, iyadoo dadka Soomaaliyeed ay niyad jab ka muujiyeen madaxda hogaanka dalka u hayso.

Guddoomiyaha Baarlamaanka dalka ayaa Axadii lasoo dhaafay sheegay in khilaafka madaxda dowladda ka dhex-taagan lagu xalinaayo dalka gudihiisa oo aan loo baahneyn in Beesha caalamka ay soo farageliso.

Weli ma muuqato ifafaalo muujinaysa in xal laga gaaray khilaafka hogaanka dalka udhaxeeya.

Isha dhacdo