Imaa Qatar wa imaa Sacuudi: Boqor Salman oo hanjabaad culus u diray Pakistan

Jeddah (Caasimada Online) – Boqorka dalka Sacuudiga Boqor Salmaan Bin Cabdulcasiis ayaa hanjabaad aad weyn u diray dalka Pakistan kadib markii uu dalkaas gaaray Ra’iisal wasaaraha Pakistan Nawaz Sharif.

Labada Mas’uul ayaa kulan Xasaasi ah ku qaatay dalka Sacuudiga, waxayna ka wada hadleyn waxyaabo la xiriiro Khilaafka dowladaha Khaliijka, iyadoo la rumeysan yahay inuuba guud ahaan ujeedka Safarka Nawaz Sharif uu ku saleysan yahay arrintaan.

Boqorka Sacuudiga Salman ayaa dalka Pakistan u sheegay inaan laga yeeli doonin wax la yiraahdo dhex dhexaad loona baahan yahay inay meel raacdo Qatar ama isbaheysiga Sacuudiga, taasoo lagu tilmaamay inay tahay cadaadis aad u weyn oo ay Sacuudiga sareyso Pakistan.

Safarka  Ra’iisal wasaaraha Pakistan Nawaz Sharif ee Sacuudiga ayaa ah in dowladaha Khaliijka loo sameeyo dhex dhexaadin isla markaasna khilaafka si wadahadal ah loo soo afjaro, balse wuxuu boqor Salman kala kulmay wax lama filaan ah.

Boqorka Sacuudiga oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay inuu Ra’iisal wasaaraha Pakistan Sharif u sheegay markay kulmeyn kadib inaysan Sacuudiga marnaba qaadan karin dhexdhexaad loona baahan yahay inay Pakistan la timaado go’aan cad oo ku aadan cidda la safaneyso.

Dalka Pakistan ayaa loo arkaa inuu aad ugu dhow yahay dalka Sacuudiga, maadaama ay Sacuudiga ka caawisay isla markaasna ay maagelisay barnaamijkeeda Niyukliyeerka inkastoo hadda ay Pakistan u muuqato inay xal raadis tahay si khilaafka loo dhameeyo, balse haddii Sacuudiga ay cadaadiskaan kusoo wado waxaa laga yaabaa inay kamid noqoto xulafadeeda.

Ra’isulwasaaraha Pakistan Nawaz Sharif ayaa dalka Sacuudiga, gaar ahaan Jiddah gaaray si xal kama dambeys ah looga gaaro khilaafka dowladaha Khaliijka, waxaana safarkiisa ku wehliyey socdo taliyaha ciidamada Pakistan Gen. Qamar Javid Bajwa, waxaana hadda muuqato inuusan halkaas kasoo helin ujeedkii uu u tagay.

Waxaa la filayaa inuu Nawaz Sharif booqasho rasmi ah ku tago dowladaha Qatar, Turkiga iyo Kuwait, inkastoo hadalka Sacuudiga kasoo yeeray laga yaabo inuu saameyn weyn ku yeesho.