Imaaraadka Carabta oo ku dhawaaqay gargaar ballaaran iyo 300 oo agoon oo la kafaalo qaadayo

Muqdisho (Caasimadda Online) – Kadib cambaareyn badan oo ka timaaday Siyaasiyiin, Odayaal iyo Shacabka Soomaaliyeed oo ku aadan inaysan Imaaraadka wax gargaar ah ka geysan Musiibada ka dhacay Magaalada Muqdisho gaar ahaan Isgoyska Zoobe ayaa durba gargaar deg deg ah ku dhawaaqay dalka Imaaraadka Carabta.

Sida ay sheegtay Wakaaladda Wararka u qaabilsan dalka Imaaraadka Carabta ee WAM,  Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa sheegtay in ay daweyneyso 100 ka mid ah dhaawacyadii ay waxyeellada ka soo gaartay Qaraxii Sabtigii ka dhacay magaalada Muqdisho kaasoo ay dhibaato kasoo gaartay ku ilaa 500 qof oo isugu jirta Dhimasho iyo dhaawac, sidoo kalana waxaa lagu waayey hanti aad u badan.

Dalka Imaaraadka Carabta ayaa sidoo kale ku dhawaaqay inuu Kafaalo qaadi doono Nolosha 300 oo agoon Soomaali ah kuwaas oo aabayaashood ku waayey Musiibadii ka dhacay Isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho.

Sidoo kale Dowladda Imaaraadka waxaa ay si deg deg ah Muqdisho u geyneysaa gargaar dawo ah si Isbitaallkada gudaha Dalka ku yaalla u daboolaan baahida dawo ee hadda ka jirta.

Waxa kale oo warbixinta lagu sheegay in Isbitaalka Imaaraadka ee ku yaalla Muqdisho ay yaallaan dhaawacyo ku waxyeelloobay weerarkii 14kii Bishan ka dhacay muqdisho,islamarkaana ay dowladda Imaaraadka dabiibeyso.

Hay’adda Bisha cas ee Imaaraadka waxaa ay sheegeyesaa in ay diyaarisay dhaqaatiir iyo Diyaarado dhaawacyada ka qaada Muqdisho islamarkaana geeya Dalka Kenya,iyada oo inta ay halkaas ku suganyihiin kharashka ku baxaya ay bixineyso dowladda Imaaraadka.

Sheekh Xamdaan oo ka mid ah Mas’uuliyiinta Hay’adda Bisha cas ee Imaaraadka waxaa uu sheegay in 300 Agoon oo waaliddiintooda ku waayay Qaraxyadii Muqdisho ka dhacayay lixdii bilood ee la soo dhaafay ay noloshooda la wareegayaan islamarkaana iyaga bixinayaan.

Arrintaan ayaa kusoo aadeyso Xilli ay dowlado badan oo ay ugu horeyso Turkiga ay usoo gurmadaan Shacabka Soomaaliyeed, waxaana Imaaraadka lagu eedeeyey inay kaliya ka shaqeeneyso sidii la isaga hor keeni lahaa Shacabka Soomaaliyeed, waxayna tallaabadaan u muuqataa mid arrintaas lagu baabi’inayo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com