Imaaraadka oo shaaciyey inta ay socon doonto go’doominta Qatar iyo hanjabaad lasoo saaray

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa soo saartay hanjabaad culus oo ku socoto dowladda Qatar iyo waqtiga laga yaabo inay qaadato go’doominta lagu hayo.

Anwar Gargash oo ah Wasiiru Dowlaha arrimaha dibada wadanka Imaaraadka Carabta ayaa ku hanjabay in go’doominta Qatar ay socon karto muddoo sanooyin ah, taasoo lagu tilmaamay inay tahay  culeys kale oo soo wajihi karo Qatar.

Xilli uu Gargash ku sugnaa Magaalada Paris ee dalka Faransiiska ayuu ku eedeeyey dowladda Qatar inay taageerto argagixisada, taasoo qeyb ka ah marmarsiiyada ay dowladaha Khaliijka ku xalaaleysanayaan dagaalka cad ee ku hayaan dowladda Qatar oo muhiim u ah Islaamka.

Hadalkaan ayaa imaanayo xilli ay maanta ku egtahay 14 maalmood oo loo qabtay muwaadiniinta ka soo jeeda dalka Qadar inay uga baxaan wadamada Sacudi Carabiya, Imaaraadka Carabta iyo Baxreyn.

Wasiiru Dowlaha arrimaha dibada wadanka Imaaraadka Carabta Gargash ayaa ugu baaqay dowladda Qadar inay joojiyaan taageerada ay u hayaan muslimiinta  mayalka adag ka hor inta aan la gaarin heshiis lagu soo afjarayo khilaafka kala dhexeeya wadamada Khaliijka, waxayna dowladda Qatar eedeyntaas ku tilmaamtay inay tahay wax kama jiraan isla markaasa laga leeyahay dano siyaasadeed.

”Xayiraada Diblumaasiyada ee Qadar waxa ay socon doontaa sanooyin”  ayuu saxaafadda Magaalada Paris ugu sheegay Wasiiru Dowlaha arrimaha dibada wadanka Imaaraadka Carabta.

Dowladda Qatar ayaan dhawaan sheegtay in haddi xataa go’doomin lagu hayo sanado badan aysan dareemi doonin maadaama ay leedahay hanta badan oo ay isku maareyso, sidoo kalana waxay garab weyn ka heshay dowladaha Turkiga iyo Qatar oo 12 saac kadib go’doominta la saaray Qatar dhinac kasta uga keenay mucaawino iyo raashin aad u badan oo isugu jiro noocyada kala duwan.