IMF oo ishortaagtay in la baxiyo Lacag ka badan $100 milyan oo Somalia u taal bangiyada adduunka + Documents

Dowladda KMG ee xilligeedu dhamaaday ee Shariif Sheekh Ahmed ayaa wakiilatay sanadkii 2010 nin lagu magacaabo Cali Cabdi Camalow oo hore u ahaa guddoomiye Bangiga dhexe ee Soomaaliya loona xilsaaray arrinta dabagalka hantida qaran ee akoontisyada dibadaha sida ku cad qoraalka ku lifaaqan e-mailkaan ee ka soo baxay xafiiska Shariif Axmed. Halkan ka arag Dokumeentigii lagu magacaabay Cabdi Camalow.

Hantidaas dibadaha taala oo lagu qiyaasay in ka badan $100 milyan oo dollars ayaa warar soo baxaya maalmahaan sheegayaan in hay’adda lacagta adduunka ee marka lasoo gaabiyo loo yaqaan IMF (International Monetary Fund) ishortaagtay in lacagtaas laga bixiyo akoontiyada ay ku jireen.

Cali Cabdi Camalow waxaa uu kiraystay sanadkii 2010 shirkad Mareykan ah kuna taqasustay lacagaha dabagalkooda, shirkadan oo lagu magacaabo Shulman Rogers Law Firm, shirkadaas waxaa ay dabagal ku sameynaysay sanadihii lasoo dhaafay accounts-ka ay laheyd dowladii Kacaanka ee Madaxweynaha ka ahaa Maxamed Siyaad Barre, lacagtaas oo lagu kala xanibay dalalka Switzeland, New York, Paris, Rome iwm sida ku cad warbixintaan: (Somalia, at War, Rummages for Cash)

Akoomadan ayaa lasheegayaa in ay ku jiraan lacago malaayiin dollars oo ay dawladii hore ee Soomaaliya leedahay, shirkada Shulman Rogers ayaa ku guul dareysatay inay lacagahaas kasoo saarto akoomadii ay ku jireen iyadoo la sheegayo sababta inay tahay IMF oo is hortaagtay in lacagahaas laga bixiyo akoontisyada ay ku jireen.

Warar sir iyo documentiyo sir ah oo dad aan saaxibo nahay ka heleen nin gacanyare u ah Cali Cabdi Camalow sidoo kalena xiriiriye u ah shirkada Shulman Rogers oo lagu magacaabo Cabdiaziz Xassan Giyaajo ayaa sheegay in hay’adda lacagta adduunka ee marka la soo gaabiyo loo yaqaan IMF ay is hortaag xoog leh ka muujisay in lacagtaas laga bixiyo akoontiyada ay ku jireen. IMF ayaa rabto inay lacagta la wareegto maadaama ay IMF ku andacooneyso inay dawladii hore ee Soomaaliya uga maqan tahay deyn cadadkeedu dhan 125 milyan oo dollars horena dacwadaas ay ugu gudbisay Cali Cabdi Camalow xilligii uu guddoomiyaha ka ahaa Bangigga Dhexe ee Soomaaliya sida qoraalkaan ku lifaaqan.

Sida ku cad qoraalkii April 5, 1991, kuna lifaaqan qoraalkaan, IMF waxay ugudbisay dacwadeeda qeybaha sharciyada iyadoo IMF ku eedeysay dawladdii hore ee Soomaaliyeed ee xilligaa inay diiday bixinta deynta dhan 125 milyan dollars, Soomaaliyana sidaa ay kuwaysay xubinteeda ay ku lahayd IMF. Hay’adda lacagta adduunka IMF waxay ku wargelisay Cali Cabdi Camalow oo xilligaa ahaa guddoomiyaha Bangiga dhexe ee Soomaaliya arrintaan auu iska dhega tiray. Taasoo soo dedejisay inay IMF lacagteeda soo dabagasho kana war hesho lacagaha dawladii hore ee Soomaaliya ugu keydsanaa bangiyada New York, Swizerland, Paris, Rome iwm.

IMF ayaa ku doodeyso inay xaq uleedahay inay soo ceshato lacagta deynta ka maqan, halka shirkada Shulman Rogers iyana sheeganayaan inay ku leeyihiin dawladda Soomaaliyeed lacag dhan afar milyan oo dollars lacagtaas oo ah shaqadii ay u qabteen dawladda Soomaaliyeed laga soo bilaabo 2010 waqtigii la kiraystay Shulman Rogers ilaa iyo maanta. Arrintaan ayaa waxay soo dedejinaysaa inay kabaxdo faraha shacabka Soomaaliyeed lacagtaas iyadoo shirkado shisheeye iyo hay’ad caalami isku heystaan. Haddii ay IMF ku guulaysato inay la wareegto lacagtaas lagu qiyaasay 100 milyan dollars waxay noqon doontaa guul daro u soo hoyatay shacabka Soomaaliyeed iyadoo IMF ku wargelisay bangiyada lacagtaas ay taalo in lagu soo wareejiyo si deg deg ah.

Xiriiro aanu la sameynay qaar kamid ah dowladda Soomaaliya ee xilligaan oo arrimahaan aan ka wareysanay ayaa noo xaqiijayay inaynan waxba kala socon talaabada ay qaaday hay’adda caalamiga ee IMF iyo tan qarsoon ay shirkadda Shulman Rogers horay u qaadatay lacag dhan 1.5 milyan, haddana dooneyso lacag dhan 4 milyan oo dollars. Waa ayaan daro in shirkado shisheeye iyo hay’addo caalami ah ay gacantooda gasho lacag umadda Soomaaliyeed ka baahan tahay iyagoo adeegsanaya dad Soomaali ah.

Jaamac Maxamed Saciid

Freelance Journalist

Fairfax, Virginia