15 guddoomiye oo xilka laga qaaday halmar sabab la’aan: Gabood falkii ugu weynaa oo ay DF sameyso

Muqdisho (Caasimada Online) – Gudodomiyaha Gobolka Banaadir Thaabit Cabdi Maxamed ayaa ku dhaqaaqay gabood falkii ugu weynaa ee dowladda Sameyso markii uu halmar xil ka qaadis ku sameeyey 15 guddoomiyayaal Degmo oo ka tirsan Gobolka Banaadir.

Sida sharciga ah qofka xilka loo dhiibay waxaa lama dhaafaan ah in la sheego sababta keentay in xilka laga qaado, maadaama markii hore ee loo magacaabayey laga dhawaajiyey inuu yahay shaqsi shaqadaas kasoo bixi karo.

Waxay aheyd in qofka xilka laga qaadayo loo sheego sababta ka dambeyso in xil ka qaadis lagu sameeyo ugu yaraana qodobo lagu soo eedeeyo, balse Thaabit wuxuu xilka ka qaaday 15 guddoomiye isagoo aan xataa hal sabab u yeelin.

Waa gabood falkii ugu weynaa ee dowladda sameyso, in hal mar xilka laga qaado guddoomiyeyaal 14 degmo, iyadoo aanan eedeyn loo soo jeedin ama sabab uu ku muteysanayo in xilka looga qaaday, ma jirto boos looga bedelay xilka laga qaaday waana nooc ka mid ah musuq maasuqa iyo ku tagri falka awoodeed ee dalka ka jira

Haddii shaqsi kasta oo xil loo dhiibo uu ku dhaqaaqo xil ka qaadis deg deg ah oo weliba wadareed ah waxaa la is waydiinayaa xilliga shaqo loo qaban doono shacabka Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa tan iyo markii la doortay wuxuu soo saaray laba dikrooto oo mid uu ku amray in isbadal lagu sameeyo mid kamid ah xuruufta Gobolka Banaadir, halka Dikreetada kale uu xilka uga qaaday 15 ka mid ah guddoomiyayaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir.

Guddoomiye kasta oo xilka loo dhiibo wuxuu bilaabaa inuu eheladiisa iyo saaxiibadiis u magacaabo xilal si ay u wada qeybsadaan hantida qaranka ee sida sharci darada ah loo boobayo, waxayna midaas caddeyn buuxda u tahay inaan loo kala carareyn u shaqeynta umadda Soomaaliyeed.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com