Inta uu la eg yahay ballaca albaabka Jannada iyo Mucjisada Rasuulka SCW

Nebi Muxammad (صل الله عليه وسلم), wuxuu ahaa nebigii ugu dambeeyay nebiyada Alle. Mucjisada la siiyeyna nebi isaga ka horreeyay lama siinin. Nebi Muxammad (صل الله عليه وسلم) waa nebiga loo yaqaan sayidul Ambiyaa, warrusul. Waa sidoo kale nebiga loo yaqaan khaatimul ambiyaa warrusul. Waa nebiga ummada oo dhan ay rajeyn doonaan maalinta Qiyaama, waa nebiga keliya ee Eebbe uu aqbali doono maalintaas shafeecadiisa, waa nebiga ama qofka ugu horreeya ee garaaci doono albaabka Jannada ee la furi doono uguna hor geli doono.

Naf kastaahi maalinta shiddada marka ay dhahaysa ”nafsii nafsii”, isaga waa shaqsiga keliye ee aanan sidaasi oran doonin. Wuxuu dhihi doonaa ”Yaa Rabbi ummatii, ummatii!!”.

Waa qof u calaacali doono siduu inooga badbaadin lahaa naarta, qaar ay cadaab u waajibtuu u shafeec qaadi doonaa. Qofka sidaasi ahi, sow inagama mudno inaan kusallina si joogta ah, si aan u helno shafeecadiisa?

Nebiga sidaa u weyn, in ka badan Billion dad ah oo kutubbada ay diin ahaan u haystaan ee ay baddaleen horey loogu sheegey magaca nebigan weyn. Xilligan la joogana aanan laga waayeen magaciisa si kastoo ay  u baddaleen. Kuwaasi iyaga ahi (Nasaara iyo Yahuud) ogaan bay u beeniyeen nebi Muxammad (صل الله عليه وسلم ) badankooda, waana kuwa uu Ilaahay ka cadgoosan doono maalinta Qiyaamaha.

Kuwa kalaa jira oo aanan ahayn Yahuud iyo Nasaaro oo aanan rumeysneen nebi Muxammad (صل الله عليه وسلم), laakiin diintii Ilaahay Islaamka waa middii ka wada dul sare mari doonto diimahaasi oo dhami.

ballaca albaabka jannadaWax badan bay ku xujeeyeen nebigeenna qiimaha badan mucjisooyin iyo dalaa’il inuu keeno, laakiin mucjisada nebigeenna lasiiyey waa mucjiso waarta.

Muuse waxaa lasiiyey mucjisooyinkii sagaalka ahaa, oo ay kujireen ushii maska noqotay iyo gacantii dhalaaleysay, dhammaan meeyay maanta?

Nebi Ciise waxaa lasiiyey daweynta dadka baraska qabo idanka Alle, soo nooleynta dadka dhintay idanka Alle, ka samaynta dhoobada shimbir nool idanka Alle, dhammaan mucjisooyinkaasi meeyay maanta? Majiraan.

Nebi Saalix oo la siiyey mucjisadii weyniga badneyd ee dhagaxa hasha u dhalay, oo hashiina ay isla meeshii ku dhashay qurbac, iyana meeyay maanta? Majirta.

Kutubaddii Injiil iyo Towraadda iyo Zabuurta iyana meeyay maanta? Waa lagu dheelay.

Nebi Muxammad (صل الله عليه وسلم) waxaa lasiiyey mucjisooyin fara badan marka laga reebo Quraanka kariimka. Mucjisada Quraankuna waa midda ugu weyn ee lasiiyey siduuba Ilaahay sheegey. Taasoo xaqnimadiisa maanta la arko. Mucjisooyinka kalee nebigeenna suubban (صل الله عليه وسلم) lasiiyey waxaa kamid ah mucjisooyin ficilleed, sida ceel biyo eber ah oo inta uu ku tufay biyo yeeshay. Geed meel taagan oo uu u yeeray oo u yimid, dabeetana geedkii uu weydiiyey cidduu yahay, saa isagana uu yiri ”Waxaad tahay rasuulkii Ilaahay”. Waxaa kamid mucjisooyinka noocaas ahi, barakaynta cunto yar oo ay cuneen in ka badan 1400 nin, caano galaas yar ku jira oo ay cabbeen Abuu Hureerah iyo asxaabu sufah oo ka badneyd siddeetan nin. Il uu leeb uga dhacay oo kasoo dhacday mid kamida asxaabtiisii (Abuu Qataadah) oo uu dib ugu celiyey halkeedii, dabeetana u noqotay il ka aragti fiican tii hore iwm.

Waxaa kaloo kamid mucjisooyinka lasiiyey mucjiso hadal ama dhihid oraah, ama ka warramid wax soo socda ama ka warramid cilmi aanan la ogaan karin, ama ka warramid wax dhacay oo aanan la ogayn, ama ka warramid meel fog oo uusan weligiis tegin iwm, kuwaasoo dhammaan u rumooba siduu u sheega.

Mucjisooyinka noocan dambe ah oo ah mucjisooyinka ugu badan ee nebigeenna (صل الله عليه وسلم) uu ka warramay, kuwaasoo ka badan 500 ayaa waxaa kamid ah inuu yiri

” والذي نفس محمد بيده إن ما بين المصراعين من مصاريع الجنة لكما بين مكة وهجر أو كما بين مكة وبصرى “

”Kan (Allaha) ay nafta Muxammad (صل الله عليه وسلم), gacantiisa (awooddiisa) ku jirtaan ku dhaartaye labada cidhif ee albaabka Jannada, waxay isu jiraan inta ay isu jiraan Makkah iyo Hajar (Baxreen), ama Makkah iyo Busraa”.

Sidaas markuu yahay hadalka nebigeenna suubban (صل الله عليه وسلم) magaaladda Makkah iyo Hagar oo ah cidhifta saree jasiiradda, intee bay isu jiraan? Waxay isu jiraan 1273 km.

Intaas kumuu ekaanine nebigu (صل الله عليه وسلم) wuxuu yiri ”Ama Makkah iyo Busra. Subxanallaaah!!, waxaa cajiib ah oo isweydiin mudan nebi Muxammad (صل الله عليه وسلم) ma wuxuu haystay miqyaas ama qalab cajiib ah oo dhulalkaasi uu ku cabbiray? Weliba waxaa cajiib ah oraahdaasi markuu nebi Muxammad (صل الله عليه وسلم) oranayay wuu dhaartay, asagoo ku dhaaranaya Allaha ay naftiisa gacantiisa ku jirta, taasoo caddeyneysa sugnaanta hadalkiisa.

Haddaba magaalooyinka Makkah iyo Busrana immisa ayay isu jiraan? Waxay isu jiraan in lamid ah inta ay isu jiraan Makkah iyo Hajar oo ah 1273 km, Subxanallaah!!.

Taa macnaheedaa waxay tahay albaabka Jannada laga gelaya ballaciisa ayaa dhan intaas, maxaad moodeysaa Jannadaasi intee ayay dhammaan doontaa weynideeda?

Tani waa mucjisadii nebigeenna suubban (صل الله عليه وسلم) uu Ilaahay siiyey, balse ay dad badan ka indha la yahiin. Annaguna Jammaca Muslimiinta wax kale ma awoodno inaanu dhahno uun mooyaane, Subxanallaah!!, Alxamdulillaah calaa nicmatel Islaam.

Halkan ka daawo Sheekheenna qiimaha badan ee ka muxaadareynaya sifada Jannada, oo ka warramaya isla xadiiskaan (14:02).


WQ: Mohammed Tahir Abdi
Email: mohamed1@live.fi
___________________________________________________________________________
Afeef: Qormadani waxay u gaar tahay qoraha iyo webka caasimada.net, lama daabacan karo idan la’aan.