Is aaminaad la’aan weli ka taagan xarunta Xalane iyo caddaanka oo bilaabay…

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa baaritaan ay dhawaan shaaciyeen Taliyayaasha ciidamada AMISOM, kaa oo ka socda Xarunta Xalane ee magaalada Muqdisho.

Baaritaanka oo ku ekaa 13 Bishan ayaa weli u muuqda mid aan dhamaan, waxaana weli la arkayaa ciidamo ka tirsan AMISOM oo baaritaan ka dhex wada xarunta Xalane.

Baaritaanka weli socda ayaa u badan Hoteelada iyo Kunteerada ku dhex jira gudaha xarunta, waxaana lasoo sheegayaa in gacanta lagu dhigay gaadiid aan cadeyn cida ilaa iyo hadda leh.

Taliyayaasha AMISOM iyo kuwa reer galbeedka ee ka howlgala Xalane ayaa gaadiidkaasi shaki galiyay, inkastoo xogo aan helnay ay muujineyso in gaadiidka ay ka tageen Hay’ado ka baxay dalka.

Sidoo kale, baqdinta ka taagan Xarunta Xalane ayaa sabab u noqotay in Saraakiil farabadan oo ajaaniib ah ay isaga baxaan dalka, kuwaa oo si KMG ah uga sii howlgalaaya magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.

Saraakiisha ilaa iyo hadda isaga baxay magaalada Muqdisho, ayaa la sheegay inay u badan yihiin Britain iyo Mareykanka.

Geesta kale, Taliska Ciidamada AMISOM oo ay ka dhamaatay mudadii ay u qabteen baaritaanka socda ayaa lagu wadaa inay ku darsan doonaan maalmo dheeri ah, walow ay iminkuba gabagabo tahay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com