Isbadalka Cusub waxuu u baahanyahay waji cusub

Marhadii maalmahan Doorashooyinkii dhacay laga dareemayey in loo baahanyahay isbadel hadana waxaa la is waydiinayaa maxuu yahay isbadalkaas cusub.

Laga soo bilaabo doorshadii 2000 ee carta lagu keeno tii u danbaysay ee Muqdisho ka dhacday 2012-dii waxaa madaxweyne noqonayey qof cusub,Cabdi Qaasim,Cabdulahi Yuusuf,Sheikh Shariif iyo Xasan shiikh maxamuud,intuba waxey ku yimaadeen Isbadel,marka maxaan ka fahmi karnaa in hada loo bahanyahay isbedal cusub ee lagu daray waji cusub,

Inta badan dadka hada xilka madaxweynaha Raadinaya, waa kuwa horay loo tijaabiyey,mana ahan isbadel sida Shiikh shariif,Cumar cabdirashiid,Farmaajo,Cali Geedi, shariif xasan iyo Xasan shiikh marka intaas oo dhan oo sharax see ku dhici kartaa in ay cod helaan maadaamada ay yihin dad la soo tijaabiyey oo fashilmay,

Waxaa kaloo jira kacdoon culus oo ay wadaan dadbadan oo Soomaaliyeed gaar ahaan xildhibaanada,waxeyna qabaan in siyaasada Soomaaliya laga saaro kooxaha isku bahaysta urur diimeedyada been abuura kuwaaso noqday kuwa lagu dhibaateeyo siyaasada dalka koox gooni ahna ay leexsadaan dhaqaalaha Dalka.

Marka hada kooxahaas oo dhan waa fashilmeen waaana kala shakiyeen laftirkooda,tasoo lagu soo daray in beesha caalamka ay arinkaas ka soo horjeedo,waxaana hada fursad fiican helaya siyaasiyiinta cusub oo aan lagu tirineyn in koox yihiin.

Musharaxa ugu horeeya ee hada la saadaalinaayo inuu yahay qof nadiifa macquulna ay tahay inay ku midoobaan kooxaha haradamaya ee siyaasada soo waday kuna fashilmay ayaa ah mudane Cabdi Naasir Maxamed Cabdulle kasoo helay taageero badan

Shalay iyo maanta Guriga musharaxa Cabdi Naasir ayaa ahaa mushquul,waxaana buux dhaafiyey Siyasiyiin iyo xildhibaano kuwasoo raba in musharaxaan uu hogaamiyo wadanka.

Sidoo kale beelaha Soomaaliyeed ayaa hada u arka in beesha uu hada ka soo jeedo musharaxan ay mudantahay in xilka madaxtinimada loo dhiibo,maadaama ay ku fashilmeen qaar ka mida beelaha kale ee xilka mudada hayey.

W/Q: Idirs Axmed Jaamac

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.

Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com