Isbadbadalka cimilada iyo waddaniyadda maanta waa is garab socdaan

Ugu horayn, Allaah ayaa mahad leh iyo Nabbigeenii Suubanaa  Muxammed, N.N.K. ha ahaatee.

Intaas kadib, waxaan rabaa inaan halkan ku soo bandhigo maqaal kooban oo ciwaankiisu yahay Isbadbadalka Cimilada iyo Waddaniyadda Maanta Waa Is Garab Socdaan, oo si kooban aan diiradda ugu saari doono xarigii Qalbi-Dhagax iyo dhacdooyinkii la xiriiray.

Haddii aan u soo laabto dulucda qaraalkan, arrinta dhiibiddii Cabdikarim Sheekh Muuse (Qalbi-Dhagax), waxaa arrintan la jidbaysan dad ay isugu jiraan kuwo caama ah, oo aan xog badan u ahayn sida ay wax yihiin, iyo qolyo kale oo ku awrkacsanaya oo dano kala duwan ka leh, laakiin iska dhigaya waddaniyiin difaacaya xaqqa qofka muwaadinka ah.

Tan kowaad, bulshada ka falcelinaya ee caadiga ah waa mid qiil leh oo dabcan laga garaabi karo,  maadaama aysan faham durugsan u lahayn sidii ay wax u dheceen, waxa dawladda ku kalifay, xaaladaha dalkeena iyo dawladnimadeena ku geedaaman.

Laakiin inta danleyda ah ee ku awrkacsanaya wax ay fahamsan yihiin, waxay fursad u arkaan arrintan iyo dhacdo kasta oo la mid ah wax taageeradeeda iyo sumcadda Dawladda lagu wiiqi karo, walina dhinaca xun loo dhigo, Lana sii buunbuuniyo.

Kooxahaasi way badan yihiin, waxaana ka mid ah siyaasiyiin fashilmay oo xubno ka ah ama ay hoggaamiyeen ururro siyaasadeed talada dalka soo qabtay iyo qaar kale u hanqaltaagaya, faai’ido gaar ahaaneed ka baadi-goobaya Dawladda Soomaaliyeed.

Ujeeddada labada kooxood waa fashilinta Xukuumadda Soomaaliya iyo madaxdeeda sare, si dhaqaale, kaalin ama xil siyaasadeed uga heli lahaayeen.

Waxaa raacsan kooxo qaab qabiil u diidan madaxda sare ee dalka, waa dad qabyaaladdu madax martay oo xag-jir ah oo mar walba dacaayad la daba taagan Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxweynaha.

Qalbi-Dhagax wuxuu joogaa gurigiisa, arrintiisuna waxay ku dhammaan doontaa wadahadal iyo wanaag. Wax dhib ah ma soo gaarayo ee waxa uu qayb ka noqon doonaa dadaalada nabadda ee dalkiisa iyo guud ahaan Geeska Afrika.

Arrintan qeylada ugu badan waxay ka soo yeertay saddex xildhibaanno ee kala ah Xildh. Mahad Maxamed Salaad, Xildh. Zakariye Xaaji iyo Senator Axmed Xaashi. Soomaalidu wey ka dharegsan tahay taariikhda madow iyo mahadhooyinka ku gadaaman sooyaalka noloshooda, balse waxaa muhiim ila ah in halkan aan ku iftiimiyo Senator Axmed Xaashi.

Sen. Axmed Xaashi wuxuu ka mid ahaa saraakiishii ugu tababar fiicnaa dalkeena hooyo ee Soomaaliya. Wuxuu ka mid ahaa Kommandoskii Ruushku tababarey, wuxuuna lahaa tababar aad u sarreeyay oo uusan garin askari Afrikada Madow ee xiligaas joogay, taasi oo ku tuseysa heerka uu ka joogay Soomaaliya iyo Soomaalidaba.

Sen. Axmed Xaashi wuxuu ka mid  noqday saraakiishii Amxaradu duufsatay ee ka horyimid dawladnimada Soomaaliyeed, gabaadkana ka dhigtay Ethiopia.

Wuxuu la midoobey Amxaaradii uu tababarka u soo qaatay in uu dalkiisa ka difaaco, isagoo dagaallo iyo jabhadeyn ka bilaabay dhulkii Jamhuuriyadda Soomaaliya, gaar ahaan deegaannada ku teedsan xaduudda, sida Balanbal iyo Goldogob, halkaas oo Amxaarada iyo dadkii dabadhilifka u ahaa ee uu xubin fir-fircoob ka ahaa waddaniga maanta, Sen. Axmed Xaashi, xasuuq ba’an oo kala sooc lahayn ugu geysteen dad Soomaaliyeed oo waxba galabsan.

Sidoo kale, Sen. Axmed Xaashi wuxuu ka mid ahaa saraakiishii horseedday colaadda sokeeye, kana saaray Muqdisho dawladdii Kacaanka ee uu  hoggaaminayey Jaalle Maxamed Siyaad Barre. Markii uu bur-buray Qarankii Soomaaliyeedna wuxuu difaac u noqday beesha uu ka soo jeeday.

Waxaa aad muhiim u ah in la fahmo taariikhda dadka arrinta Qalbi-Dhagax wadaniyadda ugu doodaya, dib loo baaro, waayo intooda badan waxay baal madow ku  leeyihiin yihiin taariikhda dalkeenna Soomaaliyeed.

Gunaanadkii, Sen. Axmed Xaashi wuxuu Soomaali u ahaa Halyeey, waxaa uu noqday Amxaar, wuu isku baddalay Hogaamiye Qabiil ama Kooxeed. Maatana waa waddani ilmadda yaxaas ka  qubaneyso.

Waa run, in isbadbadalka cimilada iyo waddaniyadda ay garab socdaan!

Qore: Ahmed-nur Mohamed
E-mail axmednuur59@gmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid.