Isbitaalada Muqdisho oo horumar weyn sameryay (Warbixin & Sawirro).

Iyada oo ay jirto burburkii nidaamka daryeelka caafimaadka kadib sanado badan oo khilaaf ah, ayaa tiro yar oo xarumo caafimaad ah oo Muqdisho ku yaala sida isbitaalada Banaadir, Madina iyo Keysaney, ay sii wadaan in wali shaqaynayaan, caafimaad bilaash ahna siinayaan dadka maxaliaga ah.

Luul Maxamed, oo ah madaxa qaybta caruurta iyo dhamlada ee Isbitaalka Banaadir, oo ah mid ka mid ah isbitaalada ugu waawayn Muqdisho, ayaa sheegtay in isbitaalku uu bixiyo adeegyo caafimaad oo bilaash ah, siiyana kumanaan haween iyo caruur ah oo ay hayso nafaqo dari.

“Maalin walba, waxaan qabanaa boqolaal dad oo xanuunsan, intooda badana ay yihiin caruur ay hayso xanuuno kala duwan, sida shuban, jadeeco iyo nafqo dari, waxaanan siinaa adeegyo caafimaad oo bilaasha ah,” ayay  tiri.

“Iyada oo la fiirinayo macluumaadka ay hayso Hay’ada Caafimaadka Aduunka, ayaa xadka nafaqo darida caruurta iyo ku dhinta dhalmada ee Soomaaliya ay aad u saraysaa,” Mohamud ayaa sidaas sheegtay. “Tobankii haweenba, mid ayay soo food saartaa dhimasho wakhtiga uurka ama dhalida, sidoo kale, shantii caruurba oo ka yar da’da 5 ayaa mid ka mid ah ay haysaa nafaqo dari aad u daran.”

Muqdisho iyo agagaarkeeda, boqolaal kun oo dadka wadanka gudihiisa ku barakay (IDPs) ayaa ku nool xerooyin tan dhaafay, taas oo keenaysa xaalado ay ku faafi karaan cudurada la is qaadsiiyo.

“Jadeecada iyo shuban biyoodka ayaa ku badan xeryaha IDP ee Muqdisho sababta oo ay ugu wacan tahay yaraanta biyo cabitaan oo nadiif ah iyo xaaladaha musqulaha oo xun,” Maxamuud ayaa sidaas tiri.

Maxamuud Cabdi, oo ah xirfadle dhakhtar oo guud, kana shaqeeya Isbitaalka Banaadir, ayaa sheegay in cuduro badan oo la daawayn karo sida malaariyada ay ku badan yihiin wadanka. “Soomaalida ayaa u dhimanaya sababo la xidriira cuduro si sahal ah loo daawayn karo, sida shubanka, malaariyada iyo jadeecada, sababata oo ah ogaanshaha nooca cudurka oo hoosaysa taas oo ka imaanaysa la’aanta qalab wax lagu baadho ama dhakhaatiir aan tayo lahayn oo ku shaqaynaya,” Cabdi ayaa sidaas sheegay.

Qalabka oo gabaabsi ah iyo xirfadlayaal caafimaad oo tayo leh

Axmed Xasan, oo ah maamulaha Isbitaalka Zamzam ee ay Masaaridu gacanta ku hayso, ayaa sheegay in xarumaha caafimaad ee Muqdisho ay haysato daawo yari iyo qalabka aasaasiga ah.

“Waxaa jira baaba’ ka jira xarumaha caafimaadka ee Muqdisho,” Xasan ayaa sidaas yiri. “Tirada isbitaalada dawlada iyo kuwa khaaska ah ee magaalada ka hawl gala, halkaas oo ay ku nool yihiin in ka badan 2.5 milyan, kama badna 13 isbitaal, intooda badana ay haysato yaraan xaga daawada muhiimka ah si loogu daawaayo dadka xanuunsan iyo kuwa dhaawaca ah kuwaas oo isbitaaladu ay helayaan iyaga oo tiro badan.”

Xasan ayaa sheegay in Isbitaalka Zamzam ee Masaarida ee ku yaala xaafada Madiina ee Muqdisho ay bixiso daawayn bilaasha ah iyo adeego caafimaad oo naf joojin ah ayna siiso in ka badan 200 oo qof maalin walba.

Wuxuu sheegay in tirada xirfadlayaasha caafimaad ee tayada leh ee wadanka joogta aya aad u yar tahay sababta oo ah dhakhaatiir badan ayaa wadanka ka tagay kadib markii ay dawladii dhaxe burburtay sanadkii 1991.

“Wakhtigan hada lagu jiro, qiyaastii waxaa Soomaaliya jooga 250 dhakhtar oo tayo fiican leh, waxaa kale oo jooga 860 kalkaaliyayaal caafimaad iyo 116 umuliso oo kaliya,” ayuu yiri.

“Wadan ay haysato adeegyada caafimaadka oo hooseeya, tababarka shaqaalaha caafimaadku waa lama huraan,” ayuu yiri. “In badan oo shaqaalaha caafimaadka ah oo wadanka jooga waxay u baahan yihiin tababar si ay u hormariyaan xirfadahooda kadibna ay naf u badbaadiyaan.”

Ururka Dhakhaatiirta Carabta ayaa u soo diray koox dhakhtaro ah Soomaaliya sanadkii hore, si ay isbitaalada iyo xarumaha caafimaadka ee wadanka uga shaqeeyaan, ayna u tababaraan dhakhaatiirta Soomaaliya, Xasan ayaa yiri. “Tababarka iyo horumarinta xirfadaha kuwa ka shaqeeya caafimaadka ayaa ah waxyaabaha daruuriga ah ee Soomaaliya looga baahan yahay,” ayuu yiri.

“Duniya Cali Axmed, oo madaxa ka ah adeegyada caafimaad ee Isbitaalka Madiina ee Muqdisho, kaas oo qaabila bukhaan socodka aadka u dhaawacan, ayna taageerto Hay’adda Caalamiga ah ee Laan Qayrta Cas (ICRC) ayaa sheegtay in tirada bukaan socdka uu isbitaalku qabanayo ay mar marka qaarkood ka badan tahay awoodiisa.

“Dhawrkii sano ee la soo dhaafay, markii ay dhibaatadu kor u soctay, Isbitaalka Madiina ayaa qaabilayay tiro badan oo bukaan socod ah maalin walba,” ayay yiri. “In kasta oo ay dhibaatadii hoos u dhacday Muqdisho, ayaa Isbitaalka Madiina uu wali qabanayaa labaatameeyo dad ah oo dhaawac ka soo gaadhay qaraxyo, xabado, shilal baabuur iyo xaalado kale.”

Waxay sheegtay in ICRC ay ugu deeqday alaabo caafimaad iyo qalab qaliin isbitaalka, tababaraana shaqaalaha caafimaadka iyo farsamayaqaanadoodaba, bixiyaana mushaharkooda.

Isha: Sabahi