Islaamkii dhawaangalka ahaa: Asalka Shabaab iyo unugga argagixisada!

0

Islaamkii dhawaangalka ahaa, ee Waddanka soo gaaray dhammaadkii siddeetameeyadii iyo horraantii sagaashameeyadii, wuxuu dhaliyey dhaqanguur iyo dhalanrog aad u baaxad weyn, oo saameeyey dhammaan qaybaha bulshada, dhinacyada nolosha, hab fekerka umadda iyo hannaanka maamulka, wixii laga dhaxlay loo wada joogay. Ma xumaa ma samaa? Warcelinta aan isaga soo laabannee, bal ila jeexjeex aragtida, hana is dhihin marna inaan u kala eexanayo laba URUR DIIIMEED ee mid walbaa AL wato. Anoo kuu cilladayn doona, haddana, ha i dhararsan.

Laga yaabee, inaad la yaabtay, markaan iri ISLAAM DHAWAAN GAL ah, oo waxaan wada ognahay in DIINTA ISLAAMKU Waddanka (Soomaaliya) ku fidday xilli aan dhawayn. Dadka qaar baaba qaba in farriinta diintu na soo gaartay intii SUUBBANUHUifka joogay, ee aan ilka la dhigin. Haddana, maalintaa diintu timid ilaa maanta, maalmo ka murugo iyo maamuus xun maalmahan aan ku nool nahay nama soo marin. Dabcan waxaan u jeedaa dhan diimeed, ee kama hadlayo hoggaan, maamul iyo siyaasad, oo taasi ka hadal iyo ka sheekayn maba lahan, inay mudan  tahay shaki yaaba iiga jira.

Waxa dhacay aan wariyee, bal ila soco. Dunida Muslinka ee aan ka mid nahay waxaa jirtay xilli ay ka hana qaadeen wax loogu yeero afka CarabigaAL SAXWA AL ISLAMIYA” oo ka dhigan “BARAARUG ISLAAMEED” asal ahaan wuxuu ka hanaqaaday waddamada Masar iyo Sacuudiga, oo ah labada waddan ee dhoof geeya aragti diimeedyada ugu xoogga baddan Dunida Muslinka (WAHAABIYA iyo IKHWAAN MUSLIMIIN) marka laga reebo SUUFIYADA, oo ah aragti ka da’ weyn kana daggan.

Dhanka Sucuudiga waxaa horjoogay ninka loo yaqaan: Maxamed Cabdil Wahaab, oo isna ku daabnaa tii Ibnu Teymiya ee Mahdabka Xanaabilada; Markii dambe ayaa magac ahaan isaga loo nisbeeyey qolada loo aqoonsaday “WAHAABIYA” haba diidaan ama dhahaan magac ahaan qof loo yaqaan ma jiro. Buugaagtiisa kuwa uga caansan ee aan filayo in inta badan la wada maqlay waxaa ka mid ah “FATXUL MAJIID” kooxaha aragtidaa qaadatay waxaa nagala jooga; AL ITIXAAD, AL ICTISAAM, AL SALAFIYA, AL SHABAAB IKK.

Asxaab kooban weeyaan

Afar iyo shan weeyaan

Albaabkooda lama galo

Ehel iyo qaraabiyo

Xigta maba u oommana!

Dhanka dalka Masarna waxaa horseed ka ahaa ninka la yiraa; Xasan Al Bannaa, oo markii dambe, la qaarijiyey! Isna wuxuu keenay aragtida ku magac baxday “IKHWAAN MUSLIMIIN” ee ay nagala joogaan kooxaha kala ah; AL ISLAAX, MAJMAC AL CULAMAA {AALA SHEEKH} iyo AL DAMUL JADIID oo ka falliirmay AL ISLAAX.

AALA AALA weeyaan

ASHU waa billaawoo

Waa astaan u gaaroo

Waa iridda koowaad

Waa albaab u xiranoo

Aadane ka soo galin!

Labadii aragti ee labadaa nin kala dhaliyeen ee labadaa waddan ka kala hanaqaadday, waxay saamayn xooggan ku yeesheen Dunida Muslinka. Sanadihii todobaatameeyadii, seddeetameeyadii iyo sagaashamaadkii waxaa Dunida Muslinka ka dillaacayDAACUUN DIINEED, oo SIYAASAD iyo xukun salka ku haya, oo aan dhagax iyo dhir midna reebin.

Dunida Muslinka waxaa hareeyey qalalaase siyaasadeed, heer qaraxyo iyo qaarijin qaati laga istaagay. Waddamadaa waxaan ka xusi karnaa: Masar, Suuriya, Indoniseya, Aljeeriya, Tunis, Marooko IQK. Intaa waxaa sii dheeraa JIHAAD ku sheeggii waddanka Afganistaan, oo u ahaa isha ay waraabaan aragtiyada xagjirka ah. labada waddan eeMasar iyo Sucuudina oo Maraykanku gabbaad ka dhigtay, lana wadaagay jabintiiSoofiyeedka, una hirgalshay inayxaq tahay in lagu Jihaado Soofiyeedka . Wixii ay ku dambaysay loo wada joog.

Waddankeenna [Soomaaliya] berigaa waxaa ka talinaysay Dawladdii Tanti Wadaaggaee ay hoggaanka u hayeen Ciidanka. Dabcan aragtidaa diimeed sida Waddamada kale ee aan diin wadaagga nahay ayey dalka soo gashay. Waan hubaa in sheeko ama shaahid mid aad ku heshay sida xaalku ahaa waagaa. Dawladdii Militarigu waxay gacan bir ah ku qabatay wadaaddii waday diinta soo galootiga ahayd, heer ay qaarkood dil toogasho ah ku xukuntay, kuna fulisay.

Dilkaa lagu kala aragti duwan, sida aan isku aragti looga ahayn intii ay dhib gaysatayDawladdii magaca Kacaanka ku suntanayd. Laga yaabee, in xilligaa aan dadka intiisa badan aragti xaddidan iyo mid xarafsan midna ka qaadan. Balse, dhawaanahan aragtidu hal dhan bay u ciirtay, aanse dhan kale kaa wadaajiyo, adoon igu soo degdegin.

Waxaa jira qodob qeexaya in la raaco WALIYU AMRIGA (MADAXDA). Marka qodobkaa laga shidaal qaato raggii qaranka iyo hannaan dawladeedkii jiray ka soo horjeestay maxaa laga dhihi karaa? Mise iyagu magac Culimo ayey ku suntan yihiin oo marna qaban maayo qodobkaa? Oo waa: La jiifiyaana bannaan, la joojiyaana bannaan!

Diin ahaan marka xagga la iska dhigo, illeyn dad badan oo xuurto kugula soo dul dhacaya ayaa jiree, aan ka eegno laba arrimood, oo laga yaabo mid ka mid ah inay hoosgalayso isla diintaba. Waxaan isla qiraynnaa in qofkii qilaaf dhalin kara qalaalaaso siyaasadeedna abuuri kara ee qatar galin kara qaranka inay xaq tahay in dadka laga qabto. Sidee? Waa meesheeda, ee adba si uun u suurayso.

Midda kale, ee maalmuhu noo caddeeyeen waxa ay tahay, in haddii aan raggaa maalintaa go’aanka caynkaa ah lagu fulin lahayn, in Dawladda Soomaaliya aysan soo gaarteen sagaashankii, ee ay ka hor dhici lahayd. Maxaan saa u leeyahay? Waa mid bannaan taal ah, maxaa yeelay, waddamadii uu ka hanaqaaday Daacuun Diimeedka oo dhan midna uma xasilnayn nabadna uma haysan sida Soomaaliya.

Haddaan sooyaalkii kuu dulmaray, aan u umaado cinwaanka qormada, waxaan qabaa haddii aadan qabin ama aaminsanayn aragtida Alshabaab, inaad ila qirayso inay yihiin argagixiso, taa oo aan hubo inaysan ku imaan ogaal iyo aqoon loo leeyahay, ee ay ka dhalatay waqtiga iyo waayaha wixii laga bartay, maxaa yeelay, sanado yar ka hor Maxkamadaha waxaa badi loo wada arkayey inay ahaayeen badbaadiyayaal Eebbe soo diray, balse, hore u ahaa dibna ka noqday halaag sideyaal.

Dawladdii markii ay dhacday, waxaa isla markiiba is aruursaday xoogag ka tirsan wadaaddadii uu macnuunay maamulkii dhacay, oo cudud iyo ciidan u gaar ah yeeshay, dagaallana la galay qaad ka mid ah qabqablayaashii qaybta ka ahaa dagaalkii sokeeye, sida Gen. Maxamed Faarax Caydiid Madaxweyne mar i dhaha! (Madaxweynihii Dawladdii Salballaar) C/laahi Yuusuf Macangag madaxweyne laga dhigay IQKB. Ayaandarro sanado ka dib, markii dadkii daalay, iyaguna ay ku dhex duxeeen ayey magacii Maxkamadaha ku soo gambadeen.

Alshabaab waxaa dhalay asalna u ah Islaamkii dhawaangalka ahaa, gaar ahaan kii ka yimid dalalka Khaliijka, oo ay ugu horrayso Sucuudiga. Aragtidii ay la yimaadeen raggii garka ka dhigay tiir Islaam, Qamiiska cad, Cimaamadda guduudan iyo Cigaalkana ka dhigay astaan qofka Muslinka ah lagu gartay, Jalbaabka (Mudulka Meermeerana) ka dhigay astur dumarka Muslinka ah u gaar ah ayaa dhalay Alshabaab. Intaa kaliya kuma simin, ee waxay u soo gudbeen in dadkii ay u kala saaraan AL WALAA (kuwa la jira)WAL BARAA (kuwa aan la jirin) oo haddii aadan ku aragti ahayn aadan xurmo iyo lahayn xushamad toona.

Alshabaab waxaa aasaasay raggii soo cabbay suntii Carabta, ee waliba qandaraasyo badan ku soo qaatay, lacagna ku cunay sidii umaddan loo kala dhantaali lahaa. Ma is tiri; qayb badan oo ka mid ah qorshahaa waa ku guulaysteen? Adi ahaan imisa ayaad ku qiyaasi lahayd Soomaalida aaminsan aragtida Alshabaabnimada? Weydiinta waxaan u dhigayaa waa: maanta ma jiro qoys iyo aqal Soomaali oo aan ku barxanayn sunta Islaamkii dhawaangalka ah, oo waliba aad ugu xoogaystay. Maa runta la isu sheego, kaan qarxin Alshabaab ku ahayn si kale ayuu u yahay, maxaa yeelay, kaan qori sidan, qarax wadin, qalalaase rabin, wuxuu qabaa isla aragtidii gurracnayd ee Alshabaab, ee liddiga ku ahayd kana hor imaanaysa dhaqanka suubban ee Soomaalida! Bal is weydii waxa Marwo Maryan Qaasin loogu wada barooranayo oo waliba lagu tilmaamayo inay astaanta astur u ahayd? Is weydii Fawsiyo Xaaji Aadan ma asturnayn miyaa? Waxa iga sii yaabshay baa ah; markaan arkay hablo aan u labbisan (aan qaadan Qandiga Carabta) sida Maryan, oo haddana dabinkii Cabreed ku dhacay! Yaab.

Maanta waxaan joognaa in cod dheer iyo cod hoosaba lagu yiri ALSHABAAB ha lala jihaado. Midse lama eegin; qofka dhahaya; Alshabaab ha lala dagaalo, waa kee? Ma mid shalay markii MAXKAMADUHU JIHAADKA la jadbaysnaayeen u codaynayaa [DUCAYNAYAA], waliba DIIN ugu qiilinayaa, mise waa qof kale? Hadduu kan hore yahay, ha ka dhagaysan, illeyn hadalka waxaa ka keenay isagaa wareegtadu ku timide, oo naftiisa ayuu baxsi la yahay. Kii hore Maxkamahada u dhaliilay iyo isaga taageeray waxyeellada Alshabaab waa u sinmeen.

Aan meel ka dhaw kaa tuso, adoon is dhihin, ninkan sheekadii Suufiyada ayuu noo maldahayaa. Ninkii shalay ku lahaa; 1- WACALNIMAAD ku DHALATAY, ooHOOYADAA iyo AABBAHAA waa iska SINAYSTEEN [XARAAN AYEY ISKU QABEEN!]. 2- WALAALKAA inaad GOYSO ayaad ALLE ugu DHAWAAN kartaa, oo AADAN SALAAMIN, CUNTO la WADAAGIN, illeyn waa BIDCIYE! 3- WALAALKAA inaad kuJIHAADDO oo kali ah ayaad JANNO ku GALI kartaa! 4- WARAABAHA ayaa XALAALah. Wadaadka caynkaa ah waxa dambe ee laga filan karaa maxay noqon karaan? Adba qiyaaso.

ASHAHAADO beenoo

Afka laga yiraahdoo

Uurka aanan jirinoo

Dadka lagu ugaartoo

Ubad lagu gumaadoo

Ayeeyiyo cirrooliyo

Marrastiyo Awoowaba

Aan loo arxamahayn

Asluubtooda weeyaan!

Haddii lagugu yiri ama aad is leheed Alshabaab waa laga guulaystay, si qaldan baa wax laguugu sheegay ama aad u maanisay. Cudud ahaan haa, oo gobollo dhawr ah, magaalooyin badan iyo degmooyinba Malleeshiyaadkoodii laga saar. Balse, ma ogtahay inuu hadda iyo wixii ka dambeeya billawday dagaalkii ugu adkaa uguna dhib badnaa? Oo waa dagaalkii? Waa dagaalkii dhaqanka, fekerka, wada noolaashaha iyo mamaamul wadaagga, oo Alshabaab in kooda la qaato ma ahane inta kale aysan rabin.

Waxaan saa kuu leeyahay, ha moodin in ay Alshabaab yihiin kaliya inta qoriga u sidda iyo inta shulugga ku dhuumata ee aan wajigooda dadka tusi karin. Bal Mujaahid geesinimaa lagu ogaaye, hadduuba wajigii duubtay Jihaad caynkee ah ayuu wadaa?.

Midda kale, intii ASHA ab u leheed baaba qaati ka taagan. Eeg dalaka Masar, Tuunis, Yemen, Libya iyo Suuriya oo wali foolanaysa, side xaalkeedu yahay?.

Shirwenihii dhawaan Xamar lagu qabtay, ee ku saabsaanaa XAGJIRNIMADA, waxaa safka hore fadhiyey nimankii XAGJIRNIMADA Shabaab dhalay ama abuuray, oo haddaa sidee u dhici kartaa nin dhibkuu abuuray in loogu yeero inuu dhidibada u siibo (dabiibo)? Moogi, haddaan dan ama Dollar ku qasbayn. Waxay la mid tahay adoo ka hadlaya shirweyne ka dhan ah ISBAARADA, oo ka qaybgalayaashu yihiinMOORYAANTII ISBAARADU u taallay! Waa kaaf iyo kala dheeri.

Inta wali ay hoggaanka dawladda iyo horyaalka umadda ku milan yihiin kuwii dhalay, barbaarshay oo heerkaan Shabaab soo gaarsiiyey, marna ha filan in Shabaab la dabargooyo, illeyn dabargoynta Shabaab waxaa qayb ka ah in kuwaana laga qariyo wajiyadooda bulshadee. La yaabka baa ah in qodobbada shirkii XAGJIRNIMADA uu ka mid ahaa qodobkan: “In Culimmada Soomaaliyeed ay warbaahinta ku yeeshaan barnaamijyo joogto ah…” inta ay hore ugu yeesheen ee Shabaab dhashay iyo inta hadda ay ku leeyihiin ee Shabaab quudisa ku fillaa waaye, markaa ayey dheeri iyo in ka badan doonayaa, annaguna waan aqbalaynnaa, deedna waxaan leenahay Alshabaab ha lala dagaalo, oo sidee loola dagaalaa? Adaaba Fayriska kobciya dadka ku sii dhexdaaye.

Qof walba hadduu ku ekaado KAALINTIISA BULSHO [AQOONTIISA ADEEGGEEDA KU EKAADO] hubaal in wax badan hagaagi lahaayeen. Maxaa yeelay, Wadaad wax ka wanaagsan ma lahan inta uu Bulshada hannaanka Wadaadnimo ugu adeegayo [WACDI DAMQASHO LEH, ALLA KA CABSI CIBAADO AH, HANUUNIN IYO KU BOORRIN FALIDDA KHAYRKA, KA DIGIDDA XUMAANTA IYO CAWAAQIBTA AY LEEDAHAY ADDUUN IYO AAKHIRO IWM]. Maalinta uuse wadaadku u weecdo dhan kale, ee waliba Siyaasad iyo sad burin galo, halkaa ayaa Maradu uga dhacdaa. Tanna kuma kala duwana labada Wadaaddo ee dalka noo jooga, ee iminkaba saaxada dalka si fiican uga muuqda.

Waxaad mooddaa wali inaan HIYI RAAC nahay. Taa waxaan u leeyahay, wali iima muuqdaan inta aan soo sheegay ee sibiqda nagu gashay digtooni laga muujinayo, ee ku salaysan aragti CAYMIN doon ah, oo ku qotonta qalad sixid iyo badbaado qaran, marka laga soo tago baaritaan qotodheer iyo qodobbo ku qodban wixii dhacay.

Haddaan maalin walba dhacdada uun ka falcelinno, ee u badan karta calool xumo iyocataab, saw ma nihin INDHA KU GARAADLEYAAL iyo MAR LA NOOLEYAAL (MAALINJOOG)? Micnaha haddii aannaan qodbin qorshe dhan ka ah kuwaQASWADAYAASHA ah, ee had iyo jeer qalalaasaha abuura, ee dabada la gali kara wax kasta, sida diinta, waxaa hubaal ah inaan maalin walba ku dhacaynno dabin dhigan, sun duugan iyo sir silloon.

Heestii (Hay deyrin!)  ay isla Xareediyaan labada Fannaan; Maxamed Nuur Giriig (AUN) iyo Maryan Mursal Ciise Bootaan, ayaa Giriig wuxuu leeyahay;

Ninka dila Abeesee

Ubadkeeda daystee

Daajee rabbeeyaa

Dib u qoomameeyee.

Midda Wadaaddada AL ITIXAAD iyo AL ICTISAAM haysata gaar ahaan iyo guud Umadda Soomaaliyeedna waa taa oo kale. Illeyn labadan Urur iyagaa dhalay, beeray, barbaarshay Al Shabaab. Soomaalina waa garan waysay, inay kala gartaan kuwa dhaqan dooriska loo soo diray ee magac walba ku iman kara inay ka feejignaato. Malaha meeshii ay ka jilicsanayd ayaa laga soo galay, ee diinta ah. Raggan diin dacareedka doojinaya waxay ku soo gabbadeen FAWDO dawlad la’aan ah iyoSABOOLNIMO baahsan. Qormada aan ku xiro Shiribkan;

Tiibba Talyaani waa tagyee, Tolka Carabta yaa tiraa?!

Bashiir M. Xersi

brdiraac@hotmail.com

www.bilediraac.wordpress.com   

Afeef: Aragtida qoraalkan waxay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid

SHARE