Itoobiya: Heshiis iyo deris wanaag! (Khiyaanadii 1897 iyo wixii hadda ka dhacay Somalia)

Waxaan helay dikumiinti ay CIA diyaarisay 70 sanno ka hor oo ka sheekeynaya sida boqorkii Itoobiya Menelik uu ugu khiyaannay Talyaaniga iyo adduunka intiisa kale caalamadeynta xudduudda Itoobiya iyo Italian Somaliland 1897. Menelik wuxuu Safiirkii Talyaaniga ee Addis Ababa joogay Mr. Nezzaani u dhiibay Map uu wuxuu doonno ku qortay, wuxuuna ka codsaday in horta Map-ka ay Talyaanigu ansaxiyaan, kaddibna qoraalka Map-ka ay soo qoraan golaha wasiirada. Golaha Wasiirada Talyaanigu way ansaxiyeen Mapkii, qoraalkii markii ay soo direen, Menelik maba saxiixin, wuu diiday, Talyaanigana markaas way iska fududeysteen. Laakiin caddeynta keliya ee raad noqotay waa Map-ka oo ay laba dhinac ku heshiiyeen. Qoraalka Talyaanigu sharci ma noqon, Menelik waa u caga wareejiyay!

Talyaaniga waxaa lagu khiyaanay heshiis, wada hadal. Heshiiskaas khiyaanada ahaa Talyaaniga wuxuu ka war helay 30 sanadood kaddib mar ay Xeyle Salaase isku qabteen xudduudda iyo dagaalkii Walan Wal. Dowladihii adduunka oo isku dayay inay dhexdhexaadiyaan markii ay aqriyeen heshiiskii iyo khariidaddii xudduudda, waxay ku dhaheen: “Xeyle Salase wuxuu ku taagan yahay waxaad Menelik la saxiixatay, asagaana kaa saxsan”. Heshiiskaas wuxuu dhigay in dhulka xariijinta xudduudda Itoobiya ay ka billaabaynayso 180 KM meel u jirta Badweynta India, Beledweyne iyo Baardheere in ay noqonayaan magaalooyin gudaha Itoobiya ku yaalla.

Muran dheer kaddib Talyaaniga ciilka qabtay dartiis wuxuu weeraray Itoobiya; wuxuu qabsaday dalka oo dhan, boqorkana xilka ayuu ka tuuray, ayadoo ay quwadaha adduunka intiisa badan la safteen Itoobiya.

Dad dowlad awood leh sida Talyaaniga in ka badan 100 sanno ka hor awood u yeeshay in ay khiyaanaan, waxay ahayd caqli xummo:

1- Mahad Salaad: In uu la saxiixdo heshiis qalinka ku jiid iska ah, la eegin cawaaqibtiisa, waxaa loo xallin karay khilaafkii jiray qaab aan dikuminti heer laba dowladeed ah ahayn oo beelaha is dagaalay ku kooban, Ugaasyada keliya saxiixaan!

2- Kheyre: In sare loo qaado, la fuliyo heshiiskaas, lana siiyo awood xukuumad xukuumad federaal keliya ayadoo “is difaac” loola jeedo si marmarsiiyo loogu helo fal dhacay. Dowladdii hore keyd culus ma lahayn, warqadaha heshiiska waxaan u badinayaa inuu Cabdi Iley u soo diray! Ma laga fikiray cawaaqibta, mise is difaac ayay uga caddeyd.

Khayaanadu waa muuqataa:

1-Mahad Salaad ayaa la gaaday; asaguna sidaas ma fileyn.
2-Kheyre ayaa fal uu sahal u qaatay madaxa loo geliyay.
3-Kaddib wuxuu ku qasbannaaday in uu os difaaco asagoo adeegsanaya dikumtiyadii Mahad Salaad ay Itoobiya ka keydisay.

Natiijadu waa:

1-Heshiis goboleed u rogmay mid laba dowladood, kaas oo ka tanaasulaya xuquuq taariikhi ah; Itoobiya oo gacan sare yeelatay.
2-Kalsoonida shacabku ku qabay dowladda oo dhaawacantay
3-…..
4…..

Xilli aan gumeysi ku jirno, xilli aan dowlad nahay , xilli aan dagaal sokeeye ku jirno, xilli aan soo kabanayno, xilli walba Itoobiya waa cadaw! Heshiis iyo deris wannaagna ka fog!

W/D: Hassan Adam Hoosow