JACEYLKII DUGSIGA DHEXE ( 10 ) !!!!

Qeybtii 10-aad  halkan ka aqriso qeybihii hore 
1-aad,  2-aad,  3-aad4-aad 5-aad

Akhristoow waxaan la yaabaa Dad ku dooda jaceyl ma jiraa mise ma jiro??? aniga iska dhaafe Akhristoow haddii aad sheekadaan la socotay waxaan u maleynayaa in aadan is weydiineynin su,aashaas ???. waa sidii Abwaan Sangube Haddii aan jaceyl jirin Jaar lama ahaadeen ???Haddii aan jaceyl jirin Adduunyadu ma joogteen ???!!!! Waxaanse Anigu is weydiiyaa maxaa u dhaxeeya Jaceylka dhalinyarada ( Teen Age ) iyo Kan Dadka waaweyn ??? Su,aashaas baa ka haboon in la is weydiiyo Jacel ma jiraa mise ma jiro ???? !!!!. Annigu waxaan qabaa jaceylka dhalinyarada siiba kan kugu qabta Dugsiga dhexe in uu yahay mid Khatar ah oo loo dhiman karo, meesha Jaceylka Ruuxa weyn uu si uun ku furdaamin karo xataa haba sheegtee ??? Se Kan dhallinta cabsi iyo Xishood buu leeyahay ??? waa kii igu dhacay ??? oo aan kari waayey in aan Maryan xataa waan ku jeclahay in aan ku iraahdo. Jaceylka yaraanta waa mid cabsi badan,waa mid khibrad yar ,waa mid fudud,waa mid Aqoondaran,waa mid aan mararka qaarkood aan saas u xeel dheerayn oo dhaqso baa’ba haddii uusan xoogeysan sida kii Ostan oo Afar sano oo xariir ah socday. Akhristoow Ostan Maryan gadaahseeda jaceylo Fara badan ayuu jilay ha ugu horeeyo kii Xaaskiisa Dhudi oo uu asaguna haatan ku qiyaasaayo in uusan kan Maryan ka yareyn .

Waxaa kaloo ku xigay 1991 Ostan gabar uu hal maalin arkay ayuu ku jeclaaday Canada, waa gabar dheer oo cas oo Tinteeda u jaratay sida Naagaha cadaanka Tin gaaban oo dhagaha dushooda saaran. Ostan waxay gabdhaas isku arkeen Magaalo la yiraahdo London,Ontario oo labo saac u jirta Toronto uu waagaas Ostan deganaa, waxay aheyd fasax gaaban uu Magaaladaas ku tagay ayuu ku soo arkay Guri ay leedahay Inaabtidiis. Ostan markuu ku soo noqday Toronto ayuu Habeenkii oo dhan Gabadhii ka fakaraayey, asagoo is leh waa in aad Gabadhaas la xariirtaa oo Jaceylka ku galay la wadaagtaa ayaa Subaxdii waxaa u soo dhacay Teleefoon ka yimid Jabuuti oo dhudi & Carruurtiisii yimaadeen marka laga reebo Salmaan oo Xamar lagu soo Duugay. Jaceylkii Gabdhii London ,Ontario halkaas baa u danbeysay Ostan wuxuu guda galay in uu Reerkiisa yimid uu la tacaalo. Akhristoow Jaceylka xigay wuxuu ahaa Mid asaguna ku dhacay 1993 isla Toronto asagoo jooga ayaa waxaa dhacday in Ostan ooy isla degan yihiin Inaadeerkiis Wardheere oo Gabar uu keenay Canada ka tagtay , ayaa waxaa London, Uk ka soo wacday Eedadood  Shukri oo wardheere u sheegaysa in ay Gabar Wadaad ah oo fiican ay u hayso ee uu iska iloobo tii ka carartay. Wardheere oo Haweenkaba Colaad u qaaday wuu ka hoos qaadi waayey Eedadiis codsigeedii oo Gabadhii ay u heshay wey ku ceebooday markii uu la hadli waayey ??? Eedadiis baa Ostan ku calaacashay, kadib buu ku yiri Eedo Gabadha Adresskeeda i soo sii anniga ayaa kaa mashquulinaaya’e, sidii bay yeeshay Ostan baa si lama filaan ah warqad ugu diray Kaafiyo oo London Joogta. Akhristoow waagaas Waraaqo jaceyl baa la isku diri jiray 90 meeyadii E-mail , Paltalk,Msn iyo Waliba face Book toona ma jirin, waa ama Boosto ama Tel oo waagaas qaali ahaa . Dhawr Waraaqo oo jaceyl ah markay is dhaafsadeen Ostan iyo kaafiya ayey sheekadii iskugu baxday, Jaceylkaas wuxuu Ostan u Yaqaanaa Jaceylkii Isqarinta ( cover up ) oo Ostan wuxuu iska dhigaayey wardheere si uu u  ( Cover ) gareeyo oo Kaafi jaceyl ugu abuuro, waana dhacday waxay Usbuuc kasta iska heli jireen Waraaqo Wadno Jaceyl lagu xardhadhay sidii kii Maryan , se kani waa ka duwanaa kii Maryan ee lala cabsan jiray. Waloo Ostan uu Jaceylkaas uu Qowlkii Eedadiis ku Dhawraayey haddana Kaafi wuu Jeclaaday,sida ay ayaduna u jeclaatay. Maalintii Danbe ayuu Ostan Kaafi ka helay Warqad jacveyl ah oo Hadaladaan ku qoran yihiin :

[ Macaane waxaa dhacday Maalin dhaweyd markii aan Dugsiga ka soo rawaxay annigoo Madaxu i xanuunaayo ayaan waxaan soo furay Boostadii,oon ka helay warqadaadii aad ii soo dirtay, Kadib halhaleel ayaan Qolkaygii ku galay iridda ayaan hoos ka xirtay !!! Markaas ayaan warqaddii Akhris ugu dhaqaaqay, markaan dhameeyey !!! Macaane i Rumayso Madax xanuunkii waa iga ba’ay ] !!!.

Ostan aad buu ula yaabay in waraaqihiisii ay isku badaleen Xanuun baabi’iye ( pain Reliever ) Markaas ayuu Rumaystay in Kaafiyo Jaceylku Run ka yahay ??? markaas ayuu soo xasuustay waraaqihii uu Maryan u qori jiray haddii ay gacanteeda gaari lahaayeen in ay ayaduna sidaas ugu laab qaboobsan laheyd. Ostan wuxuu kaloo is tusay – intii uu wax qoraayey in uusan marna ku guuleysanin – Bogaadinta ay Kaafiya siisay oo kale, taas waxaan ka wadaa waxay aheyd Amaantii Ostan uu helay inta uu wax qoraayey Xataa Sheekadaan Jaceylkii Dugsiga Dhexe ( 1 ) . Ostan wuxuu kaloo 1996 jeclaaday Gabar kale oo Mareykanka degan oo uu Jaceylkeedii u baxshay warqad uu u qoray oo uu ugu magac daray : ( Maalaa’igi ha ku soo Salaamto ) oo uu ugu faahfaahshay sida uu u jeclaaday iyo in uu rabo in uu Guursado. Ostan gabadhaasna kuma uusan guuleysanin maadaama uu Xaas kale leeyahay,taas ayaa Jaceylkiisii ka dhigtay Hal Bacaad lagu lisay . Ostan wuxuu Guursaday 2004 Bishii Juun Gabar ay qaraabo yihiin oo ku nooleyd Eastleigh ( ISLII ) Nairoobi.(2) Ostan 2008 kii wuxuu jeclaaday Gabar Nairobi Degan, Xaafadda Eastleigh  waa macallimad Madarasad ka dhigta Xaafaddaas. Qof khatar ah oo ka soo Qalin jabisay Jaamicadda Muqdisho, aad u Diyaarsan , Wadaad xaafidu Quraan ah, Carabigeeda & English- keeduba waa Perfect . Ostan Maalin baa lagu casuumay Dugsigii oo uu Casharo ka baxshay, kadibna Gurigeedii ayey ku Casuumtay Qado fiican buu Cunay. Ostan Jaceylkaas aad buu ugu sigtay in uu Dhaboobo se Haddana Qadar Allaah ma u suurtoobin oo Gabdhiina Xamar ayey ku noqotay asagiina Mareykanka ayuu ku noqday, Gabdhaas waxay sheekada ku masaleysaa Naxteexo .

Akhristoow waxaan Jaceyladaas oo dhan ba dhagahaagga ugu Shubayaa in aad garatid Jaceylka yaraantu in uu ka khatarsan yahay midka adigoo weyn ku soo foodsaara . Sidaan soo aragnayba Ostan wuu la dhiman gaaray Jaceylkii Dugsiga Dhexe, se Jaceyladda kale ee faraha badan Dhib sidaas ah kuma haynin. Ostan wuuu soo Hinqanayaa haddii magaca Maryan la soo xuso, se jaceyllada kale waa Dabeyl mar uun ku dul martay ama roob xagaayo ah oo markiiba feyray macnaa joogsaday, bal fiiri kii Habeenka kaliya ahaa ee Subaxdii feyray .

Akhristoow markaan waxaad iga sugtaaba waa meesha ay Maryan ku danbeysay ????

Warkii ugu danbeeyey ee aan ka haayo Maryan waa in ay ku nooshahay wadamada Iskandeneefiyaanka ama sweden ama Finland, wey Guursatay waliba Nin ay haybta kore wadaagaan Ostan, ayey Ooridiisa Noqotay !!!! Ostan haatan wuxuu leeyahy Gurbaan ama garabkaaga ama gacalkaaga ha kuu haayo !!! Ostan wuxuu kaloo uu ku leeyahay midka Maryan Nasiibka u helay Heestii ( walaaloow ha iga ciilin Hodan ha iga ciilin ) Taas oo macnaheedu yahay Ostan wuxuu jecelyahay in ay Maryan Nolol fiican oo farxad leh ku noolaato.

Akhristoow Sheekaddii Jaceylkii Dugsiga dhexe halkaas ayaan ku joojineynaa ma dhameystirna oo waa soctaa, se Ostan wuxuu sugayaa inta uu Maryan la qeybsan lahaa Jaceylkaas dugsiga dhexe oo uu u sheegi lahaa siduu Adinkaba idiinku sheegay.

Haatan waxaan rabaa in gabgabadda sheekadaan aan su,aalo ka soo weydiiyo dadka la socda, oo waxaad jawaabta iigu soo diri kartaa E-mailkayga aan markasta qoraalka ku soo gabagabeeyo.

Su,aalo :

1) Sheekadaan maxaad ka faa’ideysatay markaad Akhrisay ? 2) sheekadu ma ka bixineysaa sawir Fiican Noloshii soomaalida ee waagaas Xamar ku nooleyd ? 3) Sheekada maxaa kuula yaab badnaa ? 4) Ostan ma ku saxsanaa Jaceylkiisa ??? ilaa heerkee baad ku qiyaasi kartaa Jaceylkiisa ? 5) Ostan ma ku qaldanaa in uusan salaamin Maryan markii laga soo noqday OHRM ee Gabdhihii kaloo dhan uu salaamy? 6) Is araggii ugu danbeeyey ee Ostan & maryan miyeey ka aarsaneysay maxay salaanta uga qaadi weyday Ostan? 7) Ostan ma ku saxsanaa in uu Buurane sheekadiisii rumaysto oo jaceylkiisii ku burburiyo ? 8) sidee baad u aragtaa jaceylkii gabadha Talyaaniga aheyd , mase u shaqeysay Ostan in uu jaceylkii Maryan ku dhabiibo ? 9) sheeg khilaafka u dhaxeeya jaceylka dugsiga dhexe iyo kuwii faraha badnaa ee uu Ostan jilay ? 10 ) qiimee sheekadaan ma haboon tahay in Buug laga dhigo ???maxaase qoraaga kula talin laheyd.

Akhristoow bal isku day in aad su,aalahaas ka soo jawaabto, sidoo kale adiguna waxa aad qabto waad isoo weydiin kartaan .

F.G sheekadaan waa Qiso run ah magacyada uun baa la badalay ??? walow ostan uu yahay Naaneysta wiilka ,Maryan se waa magaceeda runta ah se ayadana Naaneysteeda ayey caan ku tahay sidaas baa looga reebay magaceeda.

Qore : ostan gacamay .

ostan_gacamay@hotmail.com