JACEYLKII DUGSIGA DHEXE (5)!

Qeybtii 5-aad  halkan ka aqriso qeybihii hore 1-aad,  2-aad,  3-aad4-aad

Akhristahaygoow waxaa la soo gaaray Horaantii sannadkii 1975 oo laga soo noqday OHRM,markiiba waxaa horay laga furay Dugsiyaddii Bishii Marso,1975 horaanteedii.

Ostan wuxuu u soo gudbay Fasalka 8aad ee Dugsiga Dhexe waa kan ugu danbeeya Dugsiga Dhexe ,wuxuuna leeyahay Imtixaan Guud oo Wasaaradda Waxbarashada & Barbaarintu soo diyaarineyso ama Imtixaanaadka la yiraahdo ( centralized) !!!!.

Maryan ayadu waxay u soo gudubtay Fasalka 7aad ayadu ma laha Imtixaan Dhexe ee macallimiinteeda ayaa u saxaaya oo Natiijada siinaaye ,se Ostan Wasaaradda ayaa soo saxaysa soona dhajineysa Natiijada , markuu Sannad dugsiyeedku dhamaado.

Ostan Fasalkiisu waa 8C sidii caadada aheyd se Sannadkaan waxaa dhacay arrin cusub, fasalkiiba waxaa la isla fariisinayaa wiil & gabar.

Ostan waxaa lala fariisiyey gabar la yiraahdo Safiyo ooy horayna isku yaqaaneen oo Maryan isku xaafad yihiin, Xaafadda Kuwaarto ama Hodan.

Ostan tiisaaba haysata Jaceylkii waa ku sii siyaaday, rajadiisuna ma fiicna, laakiin sidii caadada aheyd maalintiina meel uu isha uga xado Maryan buu jaleecaa, Habeenkiina sidii caadadiisa aheyd xaafadoodii ayuu Qooraansadaa, bal mar uun in uu isha ku dhufto Maryantiisii.

Sidoo kale Jimacahana waa ballantii Shaneemo Soomaaliya oo uu ka daydayo Maryan & wallaasheedii weyneyd ay soo raaci jirtay.

Waagaas waxaa soo baxay Buug Jaceyl ah oo Af Soomaali ku qoran oo la dhihi jiray : ( Aqoondarro waa u Nacab Jaceyl ) oo uu Qoray qoraa la yiraahdo Cawl ,waa sheeko Jaceyl oo dhacday Xilligii Daraawiishtii Sayid Mohamed Cabdulle Xasan.

Nin Darwiish ah oo la oran jiray Cali Maax ayaa waxaa jeclaatay Haweeney la Oran jiray Cawrala.

Ninkaas oo Xaas lahaa bay haddana haweeneydaasi Jeclaatay, markay sidii Ostan u Caal weysay Jaceylkeedii , bay isku dayday in ay Waraaq u qorto, weyna sameysay oo waxay u qortay warqad Jaceyl ah ooy ugu dhiibtay Nin asaguna Darwiish ahaa.

Markii Warqaddii loo geeyey Cali Maax asagoo la fadhiya Sodogii iyo Seedigii baa warqaddii loo dhiibay oo lagu yiri adigeey kugu socotaa !!!!.

Cali Maax oon waxba Akhrin Aqoonin ayaa warqaddii hal haleel ugu dhiibay Sodogiis oo ii Akhri yiri Sodogii baa yaabay oo Afka kala qaaday. markii dhiiladii la weydiiyayna wiilkiisii buu u dhiibay ,wiilkiina markuu Akhriyey Afkii buu kala qaaday ???? Markaas buu Cali Maax Naxay oo is yiri Tolow ma xaaskaagii baa dhimatay ??? se Markii uu Hadalkii ku celceliyey ayaa Nuxurkii warqadda iyo Ruuxa u soo diray loo sheegay ???? markaas buu asagiina Naxay ??? Sida uu hal mar Sodogiis & seedigiis ugu hor ceeboobay.

Sheekadii waxay ku dhamaatay gabadhii oo jaceylkii u dhimatay iyo Cali Maax oo Qabrigeedii Baroor Diiq u yimid .
Ostan Sheekadaasi aad bay u saameysay wuxuuna is yiri tolow adiguna armaad kan ku haaya u dhimataa sida Cawrala, maxaayeelay Xanuunkiisa Qalbiga ayuu ka dareemaayey.

Waxaa kaloo Ostan Sheekadaas uga daran markii Xisadii Af Soomaaliga loogu dhigay Taariikhdii Cilmi Boodhari iyo Hodan iyo Qeyb ka mid ah Gabayadii calaacalka ahaa ee Cilmi Boodhari Sida Gabaygiisii uu yiri Cilmi Boodhari :

[ Sida aad go’aygii tahay ama macawistaan goostay
ama aad godkii Akhiriyo Geeri iga baajin
Gardariyaa maxaan Hodan Cabdaay kaaga go’i waayey
Caashaqa haween horaa caadil soo rogaye
Sayidkii cirshiga Nuuriyey iyo Cali ba soo gaarye
Soomaalidaa Caado xume iguma ceydeene.
Cilmi iyo daawoba doontayoo waayey Cilinkiiye
Ileen Caashaq lama meyri karo kugu cirooloobay ] .

Akhristoow Ostan Gabaygaas oo uu waagaas Xifdiyey wali ma hilmaamin oo caawa intaas kor buu ka qoray, Qaar kaloo fara badan na waa uu xasuustaa.

Wax yaabahaas oo dhami waxay noloshii Ostan galiyeen Khatar Jaceyl oo hor leh, sidii uu horayba u soo sheegay, wuxxu noqday mid Gabayada Jaceylka & Heesahaba jecel.

Waxaa Bilowday Sannadkii Seddexaad ee uu Ostan wali jecel yahay Maryan se uusan u sheegin lana wadaagin xanuunka jaceylka ee haysta.

Wax kastuu isku dayey ma uusan helin jid uu jaceylkiisa ku furdaamiyo oo calal aqal Maryan ugu sheego, wuuna ka baqayaa in Dad kale ogaadaan siiba Saaxiibadiis.

Ostan Gabdho qurux badan Fasalka waa la dhigtaan sida Gabar carab ah oo reer waqooyi ah oo timo jilicsan oo dheer leh oo dhuuban, Sidoo kale Fowzio oo Baxdoow ah oo ka soo noqotay fasax ay ku tagtay Nairoobi,kiinya aad na ugu soo Qurxoonaatay, Ismahaan oo Reer Ceerigaabo ah oo aad u cas ilko dabar leh na leh, se waxaas oo dhami uma cuntamayaan Ostan Xaalkiisu waa kii Cilmi boodharei oo kale, Markii loo keenay Gabdho aad u Qurxoon oo waliba Qeyb ka mid ah Quruxdooda u muujiyey , si uu Hodan iskaga daayo.

[ Haddii qurux aduun kol uun aadmi ku qancaayo
Anniguba Khadraan oo arkiyo qaararkii Hodan
Hablayahow halkii qoomaneyd baad i qabateene
Qosolkaa yar yare waa waxaad nagu qaldeysaane
In aan Eebahay idin qatalin Qariya Laabtiina !!!! ] .

Ostan xaaladiisa dugsiga aad bay u fiican tahay, macallimiintiisu waa Ardaydii Dugsiyadda Sare soo Dhameysay oo Shaqo Qaran ah !!!

Waxaa loo keenay macallimiin Gabdho u badan oona aad u qurxoon sida zahra oo xisaab u dhigi jiray, Caasho oo Taariikh u dhigi jirta oo aad u far qurxoonayd iyo Macallimad English u dhigi jirtay oo ayaduna reer Kuwaarto aheyd oo Ostan wallaalkeed is yaqaaneyn ama sidii caadad aheyd isku dugsi Quraan ahaan jireen.

Macallimiintaas qaar baa Ardeydu Jeclaadeen siiba Cumar oo ahaa Ostan Saaxiibkiis ayaa jeclaaday macallimadii u dhigi jirtay English-ka se Ostan waxaas ka dhaga la’, Akhristoow ma garaneysaa meesha Qalbigiisu jiro bal ii sheeg aan kuu sheegee !!!.

Maalin jimco ah ayaa Ostan iyo saaxiibadiis ku dheelaayeen Carro madowda goor subaxnimo ah, markaas baa C/llaahi oo Banooniga iska lahaa intuu qaatay ku yiri C/siis Na keen sow kumaanan balamin in aan Badda aadno ??? Badee Maayo Moorto Badda ka danbeysa Airport-ga Shibile oo ah kan aad haatan u Taqaano Airport-ga Aadan cadde.

C/siis baa yiri na wadi hee , Asaxaabeey ruuxii banooni raba Badda ayaan ku soo ciyaareynaa ee ha na soo raaco.
Ostan iyo saaxiibadiis bay qasab ku noqotay in ay Badda Maayo Moorto u soo lugeeyaan ayagoo ka dhex baxaaya Airpor-ka dhexdiisa meel shabaqu ka daloolo , Markay laamiga diyaaradaha sii gudbaayeen bay la yaabeen weynaantiisa markaas bay tallabadoodii ku tirsheen tolow ma 60 talaabaa mise 45 haatan ma xasuusto.

Markii Baddii la tagay ayaa Ostan iyo koox kale banaanka Banoonigoodii ku camirteen, Qaar kalena Baddii hal haleen u galeen, ileen Xiis baa jira !!!! Baddu maalintaas gadaal bay u caarineysaa markiiba Ciyaalkii waa la jiitay ???? qeylo ayaa yeertay Ostan baa Banoonigii badda kaga dhacay soo qabo markuu yiri Mohamed baa qeylinaaya Ostanoow iqabo baddii baa i qaaday ??? Markii Ostanuu fiirshayba wuu haftay oo Biyo ayuu Cabayaa, Ostan baa intuu dharkii halhaleel iska bixiyey Baddii isku tuuray oo intii uu dabaashay gadaal ka soo maray Mohamed oo wali qeylinaaya , kadiib na gadaal buu jug ka soo siiyey , jugtaas buuna ku soo waday ilaa labadoodii oo daalan ay Banaanka yimaadaan.

Ostan qeylo kale ayuu maqlay markaan waxay Baddii Qaaday C/siis oo ahaa Wiil Akhiyaar ah oo Xaafadda loogu jaceyl badan yahay.

Ostan haddana halhaleel buu baddii iskugu tuuray wuu dabaalanayaa, C/siis wuu u jeedaa se wali xoogaa buu u jiraa ilaa ay Badweyntii ay galeen !!!! C/siis baddii ayaa sii wadato asaguna wuu qeylinayaa, Ostanna wali ma gaari karo se wuu Dabaalanayaa, mar kaliya ayuu Ostan Dhankiisa midig ka arkay labo wiil oo qori saaran, markaas buu is yiri wiilashaan u soo sheeg si aad C/siis Qoriga u soo saartaan.

Ostan markuu wiilashii u tagay oo u sheegay in C/siis Baddu qaaday ayey soo wada baxeen si ay u soo badbaadiyaan se wey waayeen C/siis !!! halkaas buuna ku dhintay.

Ostan kadib soo bax ayuu is yiri aad buu u daalan yahay haddana marba Hir weyn baa ku soo Rogmanaaya oo qasaaya ilaa uu daalay oo si yaa Allaah ah uga soo baxay baddii !!!!

Ciyaalkii isma sugin wey kala carareen ileen Saaxiibkood C/siis bay Baddu qaaday !!!!.

Xaafaddii bay markiiba Dhiiladii gaartay waxaanna markiiba la ogeysiiyey Booliska Xaafadda Wadajir ama madiino oo ah meesha ay ka tirsan tahay Badda Maayo Moorto oo macnaheedu yahay ( baddii Dhimashada) !!! weyna aheyd oo reer Waaberi C/siis bay ku waayeen.

Subaxdii Sabtida Dugsigii 21 Oktoobar waxaa yimid Askar Booliis ah markiiba sidey ku garteen lama yaqaano se waxay kaxeysteen Ostan & Saalax oo ahaa labadii ugu danbeysay ee C/siis arkay in ay Baddu Qaaday.

Ostan & saalax waxaa la saaray Baabuurkii Booliska ( LG) ama madoobe Dheere Siday ay Soomaalidu u taqaanay, waxaanna la geeyey Saldhigga Booliska ee Wadajir oo u Dhaw Suuqa wadajir.

Tolow maxaa xigi Ostan iyo saalax oo xoogaa ka weynaa waxaa mid mid u wareystay Askari Dhar cad ah oo loo xilsaaray in uu baaro wixii shalay ka dhacay Maayo moorto.

Ostan & saalax waxay isku af garteen in ay wixii dhacay inta ay ka og yihiin sheegaan, sidii bayna u dhacday, Dugsigii baa lagu soo celiyey ayagoo wali Dharkii Iskuulka Qabo.

Baaritaanka Dhimashadii C/siis Dhawr mar baa Ostan iyo Saalxa lagu wareystay Saldhigga Wadajir oo mar kastana Dugsiga laga kaxeynaayey se Ostan & saalax wax Danbi ah oo ah in ay ka danbeeyeen Dhimashadii saaxiibkood lagama helin.

Ostan waalidkiis uma sheegin waxa dhacay iyo Booliiska ku lug leh sababtoo ah in la ciqaabo ma uusan dooneynin, se waa danbe oo Baaritaankii Dhamaaday Ostan & saalaxna ay caadi Noqdeen , Baa arrinkii waxaa maqashay Ostan Ayeydiis una sheegtay Ostan Hooyadiis se waxay aheyd mar Xeero & fandhaal kala dhaceen oo bilo ka soo wareegtay,
Akhristoow ma is tiri Ostan Barshadii Dabaasha wuu ka aflaxay haddiiba uu Mohamed na soo badbaadshay asaguna isa soo badbaadshay se Ostan waxaan Xasuus ku Reebtay Saaxiibkiis C/siis oo uu gaari wayey asagoo wali u jeeda !!!!.

Waxaa la soo gaaray Qeybtii dhexe ee Sannad dugsiyeedka ama ( mid Term) kii Imtixaano ayaa la galay, Ostan aad & aad buu ugu fiicnaa meel uusan fasalka ka gali jirin ayuu ka galay.

Maadada Xisaabta ah oo lagu kala haro Ostan & iidle waxay keeneen 94% midkiiba waxayna galeen kaalinta labaad waxaa ka sareeyey caluula oo keenay 100 %.

Guud ahaan Ostan wuxuu fasalka ka galay lambar lix taas oo aheyd fursad fiican.

Dugsiyaddii waxaa la fasaxay 15 maalmood, Ostan & saaxiibkiis Hunboow waxay fasax ku aadeen Magaallada Afgooye oo Muqdisho u jirta 30 km si ay maalintaas iskaga soo Baashaalaan, Afgooye waa magaalo quruxsan oo dhoobay ah oo uu maro Wabiga Shabeelle.

Markii ay baabuurkii ka dageen oo la oran jiray ( siteey ma noogto) ayuu Hunboow wuxuu arkay meel Mooto sheelaro & Bushkuleeti laga ijaaraayo , aad buuna u jeclaa markaas ayuu Mooto ka soo ijaartay Ostan buu gadaal soo saaray markay cabaar socdeen oo ka soo fogaadeen meeshii lagu ijaaraayey baa Hunboow wuxuu Ostan ku yiri isku tijaabi mootada adigu wad.

Ostan oo asagu yaraantiisii Bushkuleeti aan baranin sababtoo ah waqti kuma dhumin sida uu Dabaal barashada ugu lumiyey , ayaa mootadii fuulay kadib wad buu is yiri waa la gadoontay !!! Hunboow qosol xataa dhulkii waa ka kici waayey mootadiina gadaashiisa ayey ka guuxaysaa , ilaa Hunboow ka qaaday meeshii oo uu waday.

Markii la gaaray Dhamaadkii Dugsiga dhexe ee bishii Oktoobar ayaa Ostan Qowskoodii u guureen xaafad la yiraahdo Buulo xuubeey ama Ceel qalaw oo ka tirsan Xaafadda Wadajir.

waxaana aada jidka Airport-ka sidoo kale waxay loo yaqaanay Quracleey, maadaama ay laheyd Geedo Qurac ah siiba meesha uu ku yaalay Suuqa Quracleey.

Waxaa la soo gaaray Isku diyaarintii Imtixaanki Dugsiga dhexe waxaa ardaydii oo dhanba loo diray in ay keenaan Sawiro Afar ah si loogu sameeyo teesaro la yiraahdo ( Roll Number) oo ah Lamabar ardey kasta oo ka qeyb galaaya Imtixaanka la siinaayo si loo hubsado in uu asaga yahay, isla markaasna ay u sahlanaato Xafiiska imtixaanaadka in ay Ardeyda ku Aqoonsado marka Imtixaanka la saxaayo si Magaca Ardeygu uu sir u noqdo oo ( Roll Number) kaliya la Isticmaalo.

Ostan Sawir Qurux badan ayuu iska soo Sawiray Photo Caalamiga oo ku dhaganeyd Farmishiyihii Caalamiga ee ku yaalay ( Ultimo baalo ) oo ahaa meel Baska ku istaagi jiray Lixdameeyadii Baskii ka soo bixi jiray Carwadii u dhaweyd Tiyaatarka ( the theater Somalo) !!!

Ostan markaas gar yar oo xaad ah buu lahaa, kadib mid ka mid ah ayaa loogu dhajiyey Teesarihii ( Roll Number) waxaana la siiyey lambar (1583 ) oo ilaa maanta uu Ostan xasuusto .

Ostan Imtixaanadii oo idil wuu galay wuuna ku fiicnaa, wuuna ka Barmoosay fasalkii 8aad darajo dhan 326, meesha saaxiibkiis Hunboow uu ku barmoosay 294 se wuxuu ku yiri Ostanoow Buundadeyda markaad dadka u sheegeyso waxaad dhahdaa Hunboow wuxuu keenay 300 oo Afar dhiman intaad ka dhihi laheyd 294 , waa Arrin uu is jeclaysiiyey Ostanna ka yeelay, maadaama uu saaxiibkiisa koowaad yahay.

Maryan ayaduna wey ku Barmoostay Fasalkii 7aad waxayna u soo gudubtay fasalka 8aad.

Maalmihii Dugsiga la xiray ayaa waxaa dhacday Arrin la yaab leh oo aheyd Fursadii ugu danbeysay uu Ostan ku hanan karay Maryan, sidaan baan wax u dhaceen.

Akhristoow Farmashiyihii Caalamiga ee mar dhaweyd kuu sharxay wuxuu u dhaxeeyaa lambar Afar iyo Guriga Shaqaalaha wuxuuna saaran yahay Dhanka Xaafadda Hodan, waxaa dhiniciisa ka daadaga jid aada Xaafadda Maryan ilaa Degmada Hodan ( Oryateeshinka ) .

Maalin Barqo ah asagoo Ostan taagan yahay ka soo horjeedka farmashiyaha Caalamiga dhanka xaafadiisii Waaberi ayaa waxaa jiiraddii Caalamiga ka soo baxday Maryan oo aad u Labisan waxay qabtay Goono waagas lagu daatay oo markay gaarto jilbaha balaaraneysa, macnaa jilbaha hoosteeda ayaa laga balaarin jiray inta kore wey ka yar tahay.

Ostan markuu arkay asagoo ka soo horjeedkeeda taagan siiba Dawaarle meesha ku yaalay hortiisa ayuu Darbigii dhabarka saaray si uu isha uga bogto Maryan, waa kaligeed wax dhaxaa Ostan uusan arkin Maryan oo kaligeed socota, waa Fursad uu Goal fiican ku dhalin karay.

Maryan sida ay u soo socotay jidkii Maka Mukaramah ayey soo gudubtay waxayna istaagtay dhankii Ostan Hortiisa si ay Baabuur Caasi ah ugu Raacdo shabeelle .

Ostan waa hiin raagayaa se waa is canaananayaa la hadal oo salaam oo Arrinkaaga u sheeg buu leeyahay ??? Furasdaan oo kale ma heleysid se wali kuma dhiiran karo !!!!

Ostan wadnihiisu waa bood boodayaa si uu meel dheer ka soo oraday se ma awoodi karo in uu Maryan agteeda tago, waxaa kaloo taas la yaab leh darbigii ayuu Dhabarkiisa xoog u dhajinayaa si Ruux ka baqaaya wax soo hajuumaaya oo meel uu uga cararo haysan.

Maryan Wali wey taagan tahay Caasigii waa soo daahay weysa sii jeedaa Ostanna gadaasheeda ayuu rafanayaa oo is leeyahay mar kasta waar u tag, waar u sheeg inta aysan baabuurka kaa raacin !!! Ostan Damiirkiisa ayaa dagaal hoose ka dhaxeeyaa se wali kuma uusan guuleysan waxa uu sameyn lahaa !!!! Se Nasiib daro Baabuurkii Caasigu wuu yimid maryanna waa raacday !!! Tolow Ostan aaway waa inoo Qeybta 6aad iyo Sheekadii Runta & Xiisaha iyo Qiimaha laheyd ee Jaceylkii Dugsiga dhexe !!!!

F.G sheekadaan waa Qiso run ah magacyada uun baa la badalay ??? walow ostan uu yahay Naaneysta wiilka, Maryan se waa magaceeda runta ah se ayadana Naaneysteeda ayey caan ku tahay sidaas baa looga reebay magaceeda.
Qore : ostan gacamay .
ostan_gacamay@hotmail.com