JACEYLKII DUGSIGA DHEXE (6)!

Qeybtii 6-aad  halkan ka aqriso qeybihii hore 1-aad,  2-aad,  3-aad4-aad 5-aad
Akhristahaygoow Ostan waa ka barmoosay fasalkii 8aad ee Dugsiga dhexe, Dugsiyaddiina waa la xiray.
Ostan waxaa xanuunsatay Hooyadiis markaas wuxuu noqday in uu Guriga u soo adeego, Subaxdii wuxuu saf u gali jiray Sonkorta iyo saliida oo laga bixin jiray Laanta Xaafadiisa .
Halkaas Ostan waxay isku barteen Gabar ayaduna daganeyd guryaha Bangaariyada oo saarnaa JIdka Airpor-ka  !!! Gabdhaas Ostan wey jeclaatay sida uu gadaal ka ogaan doono se asagu lama hadlo mana salaamo.
Subaxda hore koonbooyin ayaa safka la dhigtaa mar mar ayada ayaa  Ostan boos u sii celisa.
Ostan wuxuu kaloo farsameeyey in uu cuntada ku kululeysto feynuustooda oo intuu dheereeyo si farsamo leh u saara jalamadda ama digsi yar oo uu wax ku kululeystaa ,Arrinkaas oo Hooyadiis la yaabtay sida uu u farsameeyo !!!!
Ostan waxaa caadi u aheyd in uusan Habeenka khamiista gurigooda ka soo bixin, maxaa yeelay Aabihiis ayaa ku yiri Habeenka Khamiista Guriga ku Akhri Quraan ,markaas wuxuu ku akhrin jiray Suuratul Yaasiin & suuratu Tabaarak ( Al-mulki ) Hooyadiisna waxay u karin jirtay Casho fiican .
Caadadaas xataa waxaa bartay Saaxiibadiis siiba Hunboow oo haddii uu Ostan Habeen Khamiis ah arko wuxuu ku dhihi jiray caawa waa khamiis ma hilmaamtay .
Ostan saaxiibadiis waxay bilaabeen in ay habeenka jimcaha ay aadaan Jasira Night Club oo ku yaalay agagaarka Isbataalka Banaadir isgoyska jidka aada Digfeer .
waxay aadi jireen habeenkii lix saac kadib taas oo ostan ka biyo diiday, maxaa yeelay Hooyadiis oo xanuunsaneyd iyo asagoon rabin in uu gurigooda Habeen ka soo dhaxo.
Ostan saaxiibadiis wey ku guulaysan waayeen in ay hal habeen ku qanciyaan in ay Baar jasiira geeyaan ooy waagaas ka tumi jireen Kooxda Shareero iyo Fannaankooda Jerry.
Jasiira Night Club waxaa albaabada loo balaqi jiray sagaal saac habeenimo markaas ayey Ostan saaxiibadiis ka faa’ideysan jireen ooy shuut ku gali jireen sida Hunboow & mohamud.
Waxaa dhici jirtay in ay habeenkii markay ka soo baxaan Shaneemada sida Ekwatoore oo ay Darbiga soo cadeeyaan ,ayey Ostan Gurigiisa u sii dhaweyn jireen ilaa ay ka geeyaan Baalo quartiro oo aheyd meel u dhaw  Warshadda Saabuunta Bayl, ayaguna markaas kadib ay aadi jireen Baar Jasiira.
Ostan wuxuu goostay in uu galo Tababarnimo Macallimeed ( P.P ) oo laga wado Primary Program oo ahaa macallinimo Dugsiga dhexe/Hoose  loo Tababaraayo.
Ostan waxaa Macallinimadaas ay wada qorteen asaga  & saaxiibkiis Kaaji oo markaan isku xaafad ahaayeen. waxaana lala yeeshay Muqaabalo ( interview ) lagu qabtay Dugsiga dhexe ee Hodan oo u dhawaa Shaneemo Hodan, weyna ku barmooseen labadooduba waxayna galeen Dugsiga Tababarka Xalane oo Xaafadooda u dhawaa, meel u dhaw Baddii Maayo Moorto.
Ostan iyo saaxiibo badan uu la haa sida kaaji & guray waxay ka mid noqdeen Macallimiintii P.P ee Xalane ,1976.
Tababarku wuxuu iskugu jiray mid Macallimeed oo ay soo Diyaarisay Wasaaradda Waxbarashada iyo Barbaarinta iyo mid ciidan oo uu soo diyaariyey Dugsiga Ciidamada Xoogga Dalka  ee Xalane.
Markiiba Ostan iyo saaxiibadiis waxay ka mid noqdeen Ururka 3aad oo uu xukumay Oday la oran jiray Caarshe Allaah ha u naxariisto in uu dhintay ayaan filaya, waxaana ka mid ahaa Macallimiintooda, Cabdi guray,cabdi Qaalib iyo Macallin loo baxshay  DR . CP .
Waxay aheyd Nolol Askarinimo oo adag Ostan ma jecleyn Tababarkaas Ciidanimo wuxuu ahaa mid markasta kala daadsan oo Rigada ( safka ) ka soo daaha, Tolow ma Jaceylka ayaa ugu wacan !!!
Ostan se waxay ugu bixi jirtay Dhanka Tababarka Waxbarashada oo markii hore loo sameeyey Teendhooyin waaweyn oo kuraas iyo miisado la dhigay inta laga dhameynaayey Fasallo Cusub oo Sar ah .
Subaxddii Salaada ka hor rigo ayaa la galaa PT ayaa la soo ordayaa kadib waa la quraacanayaa, kadib Duigsiyada ayaa la aadayaa ilaa Duhurkii.
Ostan wuxuu ka mid Noqday Fasal la oran jiray T12 waa Fasal xul ahaa , midkan oo kale ma soo marin Ostan tolow ma gaashaan qaadkaa mise aan si kale u iraahdo ma mas’uuliyadnimada miyaa !!!! Wuxuu ahaa Fasalkii ugu fiicnaa fasalladii uu Ostan soo dhigan jiray ee magacoodu ugu danbeeyey 6c. 7c. 8c iwm.
Ostan waxay isku fasal noqdeen Wiilal iyo Gabdho halaasi ah oo ka wada yimid Soomaaliya oo dhan, Gobolada ma Gedaa, Jubba hoose, Tog dheer, Nugaal , Xamar , Baydhabo Iwm.
Ostan Markiiba Fasalkii waa laga jeclaaday Tolow miyuu Qurux badnaa, wuxuu la saaxiibay wiil la yiraahdo Saciid oo markii danbe Macallinkii Cabdi Guray u Baxshay Saciid indho Guluus.
Waxay noqdeen far iyo Faraanti xataa Ostan wuxuu watay Sanduuq Alwaax ah oo uu kala soo noqday OHRM kaas ooy ka dhigteen mid ay Cuntada ku kaysadaan sida saliida macasarada, sonkorta ,saabuunta qabeyska,salliida Timaha ,shaanbada iwm. Saciidna wuxuu haystay Sanduuq weyn oo Bir ah kan Sacuudiga laga keeno kaasna waxay gashteen Dharkoodii iyo Buugaagtoodii iwm.
Ostan waxay markiiba is barteen Gabdho aad u quruxsanaa sida Safiyo oo reer Gaalkacyo ah, gabar dheer oo cas oo Suuro badan, sahro gaabey oo reer xamar ah af madoow iyo kuwa kale  oonan halakaan ku soo koobi karin, Sida Sureer oo reer Baardheere aheyd.
Akhristoow Fasalkaan waxaa ka mid ahaa oo aad weydiin kartaan Axmed C/nuur Wariyaha BBC-da ee Caanka ah oo ahaa Nin dheer oo cas oo caato ah oo xifaalo badan.
Waxaa kaloo ku jiray wiil Dacar la yiraahdo oo Abwaan ahaa oo gabya oona maad badan.
Ostan fasalkii & gabdhihii ayuu dhex mushaaxaa jaceyl ma dhisin se Dhibaatada Tababarka Askarinimada ayuu kaga nafisaa, fasalkaan oo uu Shaw off ka yahay.
Dugsiga Xalane Ostan waa ku raystay Cunno aad u fara badan oo uu mar marka qaarkood biiso  iyo waxbarasho & gabdho uu la sheekaysto ayuu ka helay iyo Kubad uu galabtii Ciyaaro.
Ostan aad buu u Qurux badnaaday casaan uusan laheyn baa ka soo baxay, se wali Jaceylkiisii Maryan ma hilmaamin, Khamiis kasta uu soo baxo waa u caadi in uu Habeenkii Shaneemo Soomaaliya uu Maryan & wallaasheed ka baaro, maalinnimada jimcahana wuu Xaafadooda soo hor maro, waliba wuxuu la saaxiibay wiil ay isku fasal ahaayeen oo reer Kuwaarto ah oo la yiraahdo C/llaahi oo uu jimco kasta u tago si ay Filimka u soo wada aadaan, Maryanna uu u soo Jaleeco Iwm. C/llaahi iyo Ostan Saaxiibkiis Hunboow  ayagu waxay sii wateen Dugsigoodii Sare oo laga furay isla iskuulkii 21 Oktoobar se loo baxshay Dugsiga Macallin Jaamac walow mar danbe magacaas laga badalay oo loo baxshay dugsiga Sare ee 21 Oktoobar , Dugsiga macallin jaamac sare na loo baxshay midka ku dhaganaa Shaneemo Banaadir ee Degmada Xamar weyne.
Akhristoow Ostan sidii caadada aheyd waxbarshada aad buu ugu fiican yahay se Tababarka Askarinimada aad buu ugu liitaa , Rigada galabtii wuu gooyaa oo banooni ayuu soo ciyaaraa , mar kasta wuu soo daahaa ,dharkiisu ma feeraysna suunka waa laalaadinayaa waa ( Lazy) !!!
Ostan Saaxiibkiis Saciid waa Arday aad ugu fiican waxbarashada oo Akhris badan iyo waliba faham badan mana la siku helo  labadaas sifo, Se Ostan waa faham badan yahay se ma Akhris badna waa ciyaar badan yahay ( show off ) siiba  Arrimaha Gabdhaha .
Saciid maalin buu ogaaday in uu Ostan faham badan yahay waxay ku jireen Xiso Juqraafi ah waxay dhiganayeen ( longtitude & latitude) ama dhigaha !!! Sharaxii Ardaydu waa fahmi waayeen macallinkii se Ostan wuu  fahmay hadhaw buu arkay saciid iyo wiilal kale oo arrinkii isku haysta markaas buu u sharxay markaas bay fahmeen oo Ostan la yaabeen Ciyaartiisa & fahamkiisa faraha badan.
Waxaa la soo gaaray  ( Mid Term ) kii Imtixaan baa la qaaday Maadadii Xisaabta Ostan baa buundo ka badan saaxiibkiis saciid helay, saciid waa xanaaqay waad iska ciyaareysaa waxna ma Akhrisatid  haddana waad iga buundo badan tahay, see ku dhacday buu is weydiiyey ???
Ostan Ciyaartiisii Badneyd iyo goosmadiisii qaar ka mid ah Rigada dhib bay u soo jiideen, waxaa Amar ka soo baxay Wasaaraddii Waxbarashada oo lagu amray Ardayda Akhlaaqda daran ee Waxbarasshadana ku xun in laga eryo Tababarka .
Ostan nasiib daro waxaa lagu daray Ardaydii Liiskii ay soo gudbiyeen Askartu in uu sagsaag yahay aan macallin noqon karin ??? kadib Ardeydaas oo dhanba Maxkamad ayaa la saaray ay ka soo wada qeyb galayaan Askartii iyo wasaaradii waxbarashada.
Maxkamada waxaa lagu qaaday Dugsiga xalane dhexdiisa ururkii 3aad waxaa kaga jira Ostan,Bayruut, geel qaad oo reer Baydhabo ahaa iyo wiil kale oo Askarigii  DR. CP aabahaa was ku yiri.
Ostan Arrinkaan waa u hoog Reer fiican uu ku noqdo ma haysto mana ka bixi karo  afar sano oo hor leh oo Dugsi Sare ah, mana yaqaano ruux Askari ah oo uu Arrinkaan kula dugaalo.
Maalintii Maxkamada ayaa timid Qof qof ayaa loo galay hool weyn ( Hall ) oo ay fadhiyaan madaxii dugsiga tababarka macallimiinta ee Xalane iyo Agaasimihii Qeybta tababaradda Macallimiinta  iyo Askartii soo dacweysay ardayda Maxkamadda la saaraayo iyo mid kastaba file-kiisa waxbarasho iyo Imtixaankii ugu danbeeyey iyo file-kiisa Askarinimo.
Markii Ostan la soo gaaray baa magaciisa lagu dhawaaqay kadib Hoolkii buu  soo galay, markii uu galay ayaa madaxii waxbarashada oo ahaa Nin xoog weynaa oo shaati cad qabay ,waxaan u maleynaayaa in Xoog weyne lagu naaneysi jiray iyo agaasimihiiba ayaa mar qura wada yiri :
( oo oo kan waa ciyaal ) Miskiin Ostan isma oga in uu sidaan u yar yahay oo waaba Nin Shukaansi Gabdhihii ku dhameeyey oo is dhisaaya se haddana waa Nin ka mid ah Ardeyda Machadka soo gashay kuwooda ugu yar yar, Akhristoow ma la yaabtay Jaceylkiisii Dugsiga Dhexe oo uu ku bilaabay 13 jir !!!!!
Maxaa lagu eedeynayaa ???waxaa ku markhaati furay Macallin  DR. CP oo yiri Rigada buu u gooyaa siiba tan casarkii ??? Ostan baa la weydiiyey waxa uu u gooyo ???wuxuu ku jawaabay Waan tukadaa marka salaadda Casar baan ku soo daahaa ??? Taas ayaan u maleynayaa in ay Ostan Badbaadisay iyo waliba Maadaii Xisaabta uu Fasalkooda ugu Sareeyey iyo Guud ahaan ba Fasallada oo uusan ka maqnaanin ,  xataa hal xiso intii la bilaabay ma goynin iyo waxbarashadiisa oo fiicneyd,Guud ahaan ba .
Ostan waa la cafiyey waxaana lagula dardaarmay in uu Goosmada dhaafo, se waxaa la eryey wiilkii Macallin  DR. CP caayey iyo geel Qaad oo Waxbarashada ku xumaaday, Bayruud asagana waa la cafiyey sida Ostan.
Ardeydii oo dhan baa u hambalyeysay Ostan in aan Tababarka laga burin siiba Saaxiibkiis Saciid oo wallaalo oo kale ahaayeen baa neef ka soo booday, aadna ugu farxay cafiskiisa.
Sitimaankaas Ostan markuu baxay khamiistii lagama qashqashaadin in uu sidii caadada aheyd soo siyaarto meelihii uu ku maleynaayey Maryantiisii ileen wax kale oo uu qabto ma lahee.
Ostan iyo Saaxiibkiis kaaji waa isku koox ka ciyaara maalinta jimcaha xaafadda Quracleey oo sharad ciyaara ,ostan waa weerar  yahan kaajina waa difaac aad u adag.
Ostan wuxuu waayahaas bartay two nine oo ah goosmo banooniga labadaada lugood laga dhex bixinaayo aad buuna taas khatar ugu ahaa waana loo sabcin jiray marka uu difaaca taas ku maro, se boolo ayey ahaayeen oo mar kasta waa laga rayn jiray !!! Ostan maalin buu gool la fishay cunay taas oo looga badiyey ,sharadkiina laga helay.
Kaaji Inaabtidiis ayaa maalintii danbe u sheegtay in Ostan ay jeceshahay gabadhii Deganeyd Guryaha Bangaariyada, taas oo uu Ostan ka helay se aan ka baabi’in Jaceylkiisii Maryaneey.
Ostan wali Rigadii waa googoos habeen sabti ah oo la soo noqonaayey ayuu soo daahay markaas baa intii soo daahday lagu xiray xabsi kaadi ka buuxdo oo aan la fariisan karin.
Ostan waxay halkaas isku barteen Sanka oo asaguna habeenkaas lala soo xiray, ooy haatan mareykanka isla joogaan oo uu mar mar soo xasuusiyo habeenkii Xalane lagu xiray .
Ostan waxaa kaloo maalin khamiis ah loo diiday in uu baxo Goos goosnimadiisa darteed sidaan buu Macallin CP yiri : Bayruud bayruud horu soco markaas baa la yiri ma joogo, Cabdiyoow horu soco ,markaas baa la yiri ma joogo ??? Ostan na ???? markaas baa la yiri waa kan kadib waxaa loo sheegay in uusan maanta fasax laheyn oo uu joogaayo Xeradda.
Waagaas waxaa soo baxday Heestii ( waa Duulisteenii ee dayaxaa aanu aadnee) oo ay isla qaadaan Xasan Aadan Samatar iyo Saado Cali !!! waxay aheyd mid uu Ostan ku Luqeeyo asagoo Maryan ka wada Ruuxa ay Duulista isla aadayaan.
Waxaa gabo gabo u soo dhawaaday in uu dhamaado Tababarkii kadib waxaa la bilaabay Tababar loo tagaayo dugsiyadda Muqdisho oo Macallimiinta cusub ay Ardaydaas wax u dhigayaan, Ostan waxaa lagu qoray Dugsiga Hoose ee ( African Village) siiba Fasalka Seddexaad in uu week macalllin ka noqdo, habeenkii waa in uu soo diyaariyaa cashar xisaab ah si uu maalintii Ardeydaas ugu dhigo, waxay aheyd Khibrad adag Ostan & Saaxiibkiis Axmed waxay u aheyd kuwo cabsanaaya Maalintii ugu horeysay ay Ardey soo hor istaagaan !!!!  .
Dugsigii Xalane waa soo gabagaboobay dhamaadkii Bishii Oktoobar, 1976  markay halkaas ku jireen 10 bilood kadib, waxaa la isku diyaariyey in Ardeydii loo kala badalo Gobollada iyo Banaadir !!! Ruux kasta Sedddex meelood qoro ayaa la yiri Ostan wuxuu qortay Banaadir,Banaadir iyo Banaadir.
Ostan Nasiib kiisa waxaa lagu qoray Gobolka Banaadir Dugsiga Hoose/Dhexe ee Barbaarinta  Agoonta Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo aheyd Kuleejo lagu xanaaneeyo Agoonta Xoogga, oo ku yaalay ka soo horjeedka Xerrada Damaanyo iyo dhanka bari ee Kulyadda Jaalle siyaad , ama aan si kale u iraahdo Agagaarka warshadda caanaha ama Isbitaalka weyn ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
Ostan saaxiibkiis Saciid waxaa lagu qoray jubbada Hoose siiba Tuullada Khudaa & juulo Jawaay waa meel Jasiirad ah oo Dooni lagu tago, Kaaji waxaa laga tuuray Degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan, Guray waxaa lagu qoray Degmada Qoryooleey ( liibaantii Qoryooleey) !!!.
Maryan Ayadu waxay gashay Imtixaankii Dugsiga Dhexe ee 8aad weyna ku barmoostay , Akhristoow ma is tiri Maryan haatan waxbarashada wey ku dadaashaa sidey Fasal;kii lixaad ugu dhacday !!! Tolow maxaa riday ma Ostan bay jecleyd ii sheeg aan kuu sheegee !!!!.
Markuu Ostan uu dhawr bilood shaqeynaayey ee uu Sariir iyo Dhar fiican uu gatay ayuu ka fakaray in uu arrinkii Maryan uu u soo jeesto oo uu qorsho cusub bilaabo !!!
Waase qorshe uu ku khasaari doono waa inoo qeybta 7aad iyo Sheekadii Xiisaha & Qiimaha Badneyd ama jaceylkii Nadiifta ahaa ee JACEYLKII DUGSIGA DHEXE !!!!
 F.G sheekadaan waa Qiso run ah magacyada uun baa la badalay ??? walow ostan uu yahay Naaneysta wiilka ,Maryan se waa magaceeda runta ah se ayadana Naaneysteeda ayey caan ku tahay sidaas baa looga reebay magaceeda.
Qore : ostan gacamay .