JACEYLKII DUGSIGA DHEXE ( 9) !!

Qeybtii 9-aad  halkan ka aqriso qeybihii hore 1-aad,  2-aad,  3-aad4-aad 5-aad6-aad7-aad 8-aad
Akhristoow sheekadaan waxaan ka soo bilaabnay dhamaadkii 1972 markii la furay Sannad dugsiyeedkii 1972-1973, ilaa haatanna waxaan joognaa dhexdhexaadkii sannadkii 1979.

Si taxane ah ayaan u soo wadnay iyo meelihii uu jaceylkii Ostan kolba maraayey , ayadoo lala qabo in aan dhextaal ka digeynay Howlo uu Ostan qabanaayey sida Mahrajaankii 1973 iyo OHRM ee Sannadkii 1974 iyo waliba Tababarkii Dugsiga Xalane ee 1976.

Waxaan kaloo soo gaarnay guuldaraddii ka danbeysay iyo burburkii jaceylkii Ostan & maryan ee bilowgii 1977 iyo Jaceylkiisii Indha la’aa ee Gabadhii Talyaaniga aheyd ee uu ku dhabiibay jaceylkii weynaa ee Dugsiga dhexe !!!

Akhristoow waxaa taas ku dartaa Jaceyladii Ostan Saaxiibkiis Hunboow, ee Ostan khabiirka ka ahaa kana talinaayey markii uu isku badalay Khabiir Jaceyl , ileen jaceylo badan ayuu soo jilaye.

Ostan sidaan horeyba u soo sheegnay wuxuu noqday Wadaad weyn oo casharo Akhriya, wuxuuna noqday Ruux ka aflaxay Masaajidkii Arbaca Rukun, se Nasiib daro Masaajidkii Arbaca Rukun waxaa Tafsiirkii Shiikh Muriidi Iridaha loo laabay Nov,1978 , Markii dawladdii jirtay u adkaysan weyday Dhallinta yar yar ee haddana Diinta baraneysa ileen waxay ahaayeen Dawlad Shuuci ah !!!.

Ostan kadib wuxuu u wareegay in uu Masjidka Marwaas uu ka dhageysto Riyaadhu saalixiin oo uu Akhrin jiray Allaah ha u Naxariistee Shiikh Ibraahim Suuleey !!!! Aad & aad buuna uga faa’ideystay Casharadaas Axaadiithta ah .

Ostan wuxuu gabi ahaanba joojiyey galidii shaneemooyinka, Isboortiga iyo Ciyaartiisii Banooniga , Dabaashii Xeebta Liido IWM.

Akhristoow waxaa la soo gaaray Dhamaadkii 1980 gii Ostan wuxuu qaaday labo tillaabo oo Noloshiisa wax ka badashay waa mida hore’ewaxaa lagu qoray in uu galo Jaamicadda Lafoole bilowga 1981 kadib markuu ku barmoosay Imtixaan macallimiinta laga qaadi jiray si ay u galaan Jaamicadda lafoole ee waxbarashada , se Ostan lotkii hore ee galay 1980 wuxuu uga haray 2 buundo oo waxaa galaayey ruuxii keena 371 se Ostan wuxuu haystay 369 waxaase ka darnaa Nin ay Lafoole isku barteen oo Cismaan la yiraahdo oo u sheegay in uu asguna keenay 370 hal buundo ayuu uga haray sannadkaas.

Waxaa kaloo ku dartaa Macallimiintii 1980 galay Lafoole  waxay ka hor galeen Ardadii Dugsiyadda sare ay isku lota ahaayeen ee ayagu galay sannadii 1981 isla sannadka uu Ostan la galay Saaxiibkiis Hunboow asaguna lagu qoray Lafoole inkastuunan galin.

Ostan waxaa kaloo si lama filaan ah uu u guursaday Gabadh ayaduna macallimad Domistiko ah ( domestic Teachers) Waxbarashada Qoyska oo la yiraahdo Dhudi waxay is mehersadeen Sep,12,1980 waxayna aqal galeen Oct,12 1980.

Waxayna ku aqal galeen Qoryooleey oo Ostan Hooyadiis deganeyd.

Dhudi oo Ostan u  sheegtay in Niman badan soo shukaansadeen se ay asaga ku raacday waa mare Macallin Diinta u Akhriya ayuu ahaa , waa midda labaade markuu shukaansanaayey ayuu isticmaalay erey ahaa ( Jaceylka dadka wadaadada ah wuxuu yimaadaa Guurka kadib) taas oo Ostan ka soo Qishay Majalad la oran jiray ( AL-Dacwah) oo Af carabi ku soo bixi jirtay ooy soo saari jireen Al-Akhwaanul Muslimuunka Reer Masar.

shineemo banadirBishii December dhamaadkeedii ayaa Ostan & kooxdii macallimiinta ee gali laheyd Jaamiacadda Lafoole la sii galiyey Dugsiga tababarka xalane maxaayeelay Jaamicaddii ayaa waqtigeedii 3 week ku darsatay marka ku meel gaar ahaan buu Ostan Xalane ugu noqday meel uu necbaa se haatan rigo iyo gaardis toona ma lahan.
Ostan Horaantii 1981 ayuu Jaamiacdda Lafoole galay, waxayna u soo guureen Xamar asaga iyo Dhudi Xaafadda Madiina oo uu markuu seddex habeen ka maqnaado Jaceylkiisa cusbaa uu u imaan jiray asagoon la sugi jirin Jimcaha oo jaamicaddu fasax tahay.

Ostan wuxuu Dhudi uga sheekeeyey Jaceylkii Maryan iyo waxa uu soo mariyey ( Jaceylkii Dugsiga Dhexe ) waxayna Nasiib u heshay in ay dhudi noqoto Qofkii ugu horeeyey ee uu jaceylkaas uga sheekeeyo !!!.

Dhudi baa Ostan ku tiri Hadal uu la yaabay oo ah Maryan waa necbahay, Buuran na waa jeclahay !!!!
Ostan baa weydiiyey maxaad Maryan ku nacday, Buuranena ku jeclaatay??? Markaas bay ugu jawaabtay Maryan waxaan ku nacay adiga ayaa jeclaatay se Buurane waxaan ku jeclaaday asagaa Maryan kugu Diray !!! La,aantiis annigu kuma heleen !!!

Waa Sheeko Cajiib leh ??? Ostan wuxuu ogaaday Khaladka uu galay in aanan waligaa Naagtaada lagu oranin Naag baan jeclaan jiray ama haatan baan  jeclahay ??? Haweenku waxay ka maseyraan xataa ninkoodu Haweenkii uu qabi jiray mise uu Jeclaan jiray!!! Akhristoow sow maadan Maqlin Ummunaa Caa’isha waxay ka maseyri jiratay Ummunaa Khadiijo oo horteed dhimatay Kuligood Allaah ha u naxariistee !!!.

Dhudi uur bay horay ka yeelatay se waa ka soo dilmeen Ostan jaceylkiisa Isbitaal Banaadir baa la seexiyey halkaas buu ugu tagi jiray, dhawr bilood kadibna wuxuu Dhakhtarkii kula taliyey in laga soo xaaqo ooysan rajo laheyn, haddana Dhudi Isbitaalkii baa lagu celiyey oo la seexshay Ostanna agteeda ayuu fadhiyey !!!.

Ostan jaamicadda waxaa lagu qoray Math & physics aad buu ugu fiicnaa se wuxuu la yaabay oo iska celin waayey Maktabadda Jaamicadda Lafoole ooy qeybteeda Afka carabiga & Diintu aad u camirnaayeen halkaas ayuu noqday mid kutubtaas iska dhex Mushaaxa oo habeen kasta Kitaabo Diini ah akhrisanaaya sida tafaasiirta, Axaadiithta,Fiqhiga iwm.

Ardadii Ostan fasalka Xisaabta la dhiganeysay baa la yaabay asagoo mar kasta Fadhiya qeybta Afka carabiga oon Akhrisaneynin Pre-Calculas & Calculas oo Major u aheyd iyo physoics 1 oo ku qornaa !!!

Ostan Simistarkaas wuxuu kaga soo baxay buundo fiican se wuxuu nacay Xisada Hantiwadaagga oo galabtii la dhigi jiray taas baa Ostan ku bixisay in uu Jaamicaddii Lafoole naco, kadib wuxuu iska raadsaday Baasaboor oo waagaas markii ugu horeysay dadweynaha loo furay , Araajiddii ayuu qortay kadib aabihiis buu u dhiibtay markaas baa Baasboor loo soo saaray july 1981,

Ostan wuxuu goostay in uu dhoofo markiiba wuxuu aaday Hargeysa si jabuuti ugu sii dhoofo, Dhudi reerkoodii oo isla Wadajir deganaa ayaa soo raray oo qol Irid banaan ah siiyey !!!.

Ostan intuu Hargeysa ku maqnaa wuxuu xabiibtiisii Dhudi u soo diri jiray Waraaqo uu xaalkiisa uga waramaayo iyo sida uu jaceylkeeda u tabay.

Ostan Diyaarad yar ayuu hargeysa ka raacay oo ku tagay Dalka Jabuuti waa markii ugu horeysay ee uu Diyaarad raaco noloshiisa.

Ostan 14 berri ayuu Jabuuti joogay markii uu ka dhici rabay ticket-giisii ayuu Hargeysa ku soo noqday kadibna xamar u soo gudbay, wuxuuna la dagay reer xididkiis kadibna wuxuu ku noqday jaamicadiisii Lafoole Kadib markii jaamicadaas laga wada eryey saaxiibadiisii Wadaadada ahaa oo lixna la xiray lixna ay carareen.
Ostan markii Arrimahaasi dhacaayeen wuu maqnaa markii uu ku noqday baa lala yaabay se Ruuxna waxba uma qabsanin .

Ostan waxaa loo dhalay wiilkii ugu horeeyey Salman Dec,28,1982 usbuuc kadib waxaa dhacay Arrin yaab leh si lama filaan ah ayaa waxaa iskugu soo baxay Ostan iyo Maryan goor habeen ah asagoo ka yimid Boostadii weyneyd ee Muqdisho abaarihii 2 saac habeenimo ama sida haatan la yiraahdo 8 fiidnimo agagaarka Baar shabeelle  !!!

Ostan ayaa ka daba yimid Maryan oo la socota Muxubo oo lugeynaaya agagaarka Baarlamaankii hore iyo ka soo horjeedka Baar Shabeelle, markuu gartay ayuu isku dayey in uu salaamo se wuxuu hadal ka bilaabay Gabdho dadkii hore ma taqaaniin dad cusub baad barateen ??? Markiiba dhinac bay isku buuseen sida Ruux ayeysan kaseynin se Ostan labadaba wuu garanayaa waa Maryantiisii uu jeclaa iyo Muxubo ooy isku Dugsi Quraan ahaayeen, Maryanna ay daris ahaayeen !!!

Markaas buu haddan hadal kale oo daandaansi ah ku tuuray oo ku yiri waxaan xasuustaa Muxuboow adigoo yar oo lagu guday in aan Gurigiina kuugu imaan jiray oo Quraan kuu akhrin jiray markuu macallinkeenii igu amray in aan guriga maalin kasta Quraankii ku dhaafi lahaa kuugu soo akhriyo !!! Haddana wey is buuseen ayagoo Qoslaaya, kadib waxay soo gaareen Boosteejaddii Caasiga laga raaci jiray markaas ayey caasi taagan ku boodeen oo labo kursi oo isku xigga fariisteen, Ostanna intuu ka soo daba galay ayuu gadaal fariistay asagoo la yaaban waxa ay u inkiraayaan???.

Markii Lacagta la aruurinaayey ayuu Ostan kirishboygii ku yiri waa Anniga iyo labadaas gabdhood markaas buu ku yiri wey baxsheen ayagoo maqlaaya , kadibnma waxay ku degteen Farmashiyihii Caalamiga waa meeshii Ostan waa hore uu ku kogagay, sow Akhristoow ma xasuusatid ??? caawa markuu Maryan arkay meel baa danqatay se wuxuu iska dayey Calool adeyg oo wuu la hadlay inkastoo la inkiray oo hadalkii laga hoos qaadi waayey !!! Tolow muxuu caawa u baqan waayey ma faraxii Salmaan(1) baa mise wax kale ayaa jira mise jaceylkii Maryan waxaa qeyb ka mid ah shiiqisay Gabadhii Talyaaniga aheyd ,qeybtii kalena waxaa ku durdurisay Dhudi oo ah haatan Jaceyka kaliyah ee Ostan leeyahay.

Akhristoow waxaa Habeenkaas ka soo wareegtay haatan oon sheekadaan qoraayo 30 sano oo laga yaabo Akhristayaal fara badani in aysan dhalan, se wali sawirkii Habeenkaas meel ayuu qalbigeyga kaga sugan yahay, waana markii ugu danbeysay aan Maryan la kulmo noloshayda, haddiise Caawa ay iga soo hor bixi laheyd waxaan u maleynayaa in qeyb wadnahayga ka mid ah in ay Bood boodi lahaa oon Xanuun ka dareemi lahaa.
Ostan markuu haatan habeenkaas fasiro wuxuu is yiri Maryan waxay kaa aarsaneysay Habeenkii aad OHRM ka soo noqoteen ee aad baar Bulsho gabdhihii oo dhan ee fasalkiina ahaa ku wada  salaamtay se aad Jaceyl dartiis u salaami weysay Maryaneey.

Ostan wuxuu is leeyahay habeenkaas ayey colaad kuu qaaday se maryaneey ma oga kuwa uu salaamay in uu ayadda ka jeclaa se jaceyl dartiis uu Qalbiga siin kari waayey ( Ayadoon Carro lagu hamsiin waanan ka hareyne, Hadday adinka Howl yaraan idinla tahay anniga waa ii Hooge ) Cilmi Boodhari Allaah yarxamuh !!!.

Waa inoo qeybtii ugu danbeysay ee Jaceylkii Dugsiga dhexe (10 ) oo uu ostan ku eegi doono jaceylo badan uu Maryan gadaasheed jilay oo uu san ka cabsanin dadka uu jeclaaday in uu ku yiraahdo waa ku jeclahay ee uusan la gabanin sidii kii dili lahaa ee Jaceylkii dugsiga dhexe !!!.

Waxaan kaloo ku sheegi doonaa Meesha ay ku danbeysay Maryaneey ???? !!!!!.

Sheekadii Qiimaha iyo qaayaha iyo Jaceylka Nadiifta ah laheyd waa sheekadii Jaceylkii Dugsiga dhexe !!!!.
 
F.G Sheekadaan waa Qiso Run ah Magacyada uun baa la Badalay ??? Walow Ostan uu yahay Naaneysta wiilka, Maryan se waa magaceeda Runta ah Se ayaduna Naaneysteeda ayey ku caan tahay sidaas baa looga reebay Magaceeda , Sidoo kale Dhudi waa Naaneysta Ostan xaaskiisa inkastoon dad badani u aqoonin !!!!
 
Qore : Ostan Gacamay
 ostan_gacamay@hotmail.com(1) Salmaan Ostan waxay xabaddi ku dhacday oo dishay  Dagaalkiisokeeye May, 1991 asagoo waqtigaas 8 sano iyo Bar jira ah, wuxuuna ka mid yahay carruurta Soomaaliyeed ee si xaq daro ah ugu waxyooloobayDagaalkii banaa ee Wadankeena Aafeeyey !!! Se ostan waxaa haatan u joogga 8 Ubad ah 3 wiil iyo shan Gabdhood , waxayna asaga iyo dhudi iyo  5 Ubadkiisa ka mid ah ay ku nool yihiin wadanka Mareykanka3 da kale ee carruur  ah iyo Hooyadood kale waxay ku nool yihiin Gaarisa , Kenya .