Jadwalka dhageysiga khudbadaha murashaxiinta guddoonka BF

Muqdisho (Caasimada Online)- Waxaa la filayaa in aroornimada maanta xarunta baarlamaanka ay ka bilaabado dhageysiga khudbadaha murashaxiinta guddoomiyaha baarlamaanka iyo ku xigeenka 1aad.

Murashaxiinta guddoomiyaha baarlamaanka iyo kuxigeenkiisa ayaa waxaa jaanis loo siiyay inay 15 daqiiqo kusoo koobaan barnaamijkooda siyaasadeed ee ay ku hoggaaminayaan baarlamaanka iyo taariikhooda.

Guddoomiyaha guddiga qaban qaabada guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa sheegay in doorashada guddoonka iyo kuxigeenadiisa ay dhaceyso maalina 11 bishan Janaayo ku beegan tahay.

Amaanka magaalada Muqdisho ayaa aad loo adkeeyay, iyadoo beri wadooyinka intooda badan ay xirnaan doonaan inta ay socoto khudbadaha murashaxiinta guddoonka baarlamaanka.

Jadwalka koowaad ee furitaanka baarlamaanka.

9:20-:9:25: Akhrinta Aayadaha Quraan-ka Kareemka Ah

9:25-9:30: Ansixinta Ajendaha Kullanka

9:30-9:35: Sharaxaadda Qaabka Khudbad Jeedinta( Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Beyle)

Jadwalka Khubadaha Murashaxiinta Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo saacaddaha.

9:35-9:50: Cabdifitaax Maxamed Ibrahim

9:50-10:05: Cabdirashiid Maxamed Xiddig

10:05:10:20:  Idirs Cabdi Dhaqtar

10:20-10:35: Maxamed Sheekh Cusmaan jawaari

Hadaljeedinta Murashaxiinta Guddoomiye Ku-xigeenka 1aad

10:35-10:50: Cabdiweli Sheikh Ibrahim Muudey

10:50-11:05: Faarax Sheekh C/qaadir

11:05-11:20: Jeylaani Nuur Iikar

11:20-:11:35:  Khadija Maxamed Diiriye

11:35-11:50: Khalid Macow C/iqaadir

11:50-12:05:  Saciid Xuseen Ciid

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com