Jawi mashquul badan oo laga dareemaayo xarumaha degmooyinka gobolka Banaadir

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa si xooli ah degmooyinka Gobolka Banadir uga socda qabashada arjiga lagu codsanayo shaqa abuurkii uu ballanqaaday Ra’isul wasaaraha xukuumada Somalia Xasan Kheyre.

Dhalinyarada daneyneysa ka shaqo bilaabida xarumaha maamulka Gobolka ayaa ku qulqulaaya xarumaha degmooyinka si ay u gudbiyaan arjiyada.

Degmooyinka uu ka socdo arji qabashada ayaa dadka shaqo doonka ah ka buuxinaaya foomam ka kooban warqado dhowr ah kuwaa oo lagu buuxinaayo CV-ga codsadaha.

Dhalinyarada gudbineyso araajida ayaa isugu jira rag iyo dumar daneynaaya inay la shaqeeyaan maamulka Gobolka Banaadir kuwaa oo aan horay u heysan wax shaqo ah.

Maamulka Gobolka Banadir oo uu Gudoomiyaha ka yahay Thaabit Cabdi Maxamed ayaa wado dadaalo lagu fulinayo amarka Ra’isul wasaaraha dalka ee ahaa in la shaqaaleysiiyo 1000 kun dhalinyaro.

Al-shabaab ayaa ku goodisay inay talaabo ka qaadeyso dhalinyarada codsiga shaqo weydiista maamulka Gobolka Banaadir.

Haddalka maleeshiyada ayaa kusoo beegmaaya xili xarumaha degmooyinka ay ka bilowdeen araaji qabashada dhalinyarada shaqo doonka ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

SHARE