Jose Mourinho: Meelna ugama socda Real Madrid.

Tababaraha kooxda Real Madrid Jose Mourinho ayaa meesha ka saaray inuu waqti dhow ka tago kooxdiisa wuxuuna qirtay inuu doonayo inuu ku guuleysto markiisii sedaxaad Uefa Champions League, uuna Rikoor u dhigo Koobka.

Macalinka u dhashay dalka Portugal ayaa noqon kara tababarihii u horeeyey ee Koobkaan kula guuleysta sedax kooxood oo ka dhisan dalal kala duwan hadii uu kooxda Spain ku hugaamiyo, halka ay sidoo kale guushaasi noqoto Koobkii Tobnaad ee Los Blancos.

Mourinho ayaa La Liga ku hugaamiyey Madrid sanadkii hore, laakiin hada waxay ku jiraan kaalinta sedaxaad, iyagoo 16 dhibcood ka dambeeya hugaamiyeyaasha Barcelona.

Tababarihii hore ee Porto, Chelsea iyo Inter Milan ayaa sidoo kale dhowaanahaan eedo loo jeedinaayey markii uu keydka cabsiiyey goolhaye Iker Cassilas.

Laakiin wuxuu sheegay inuusan meelna uga dhaqaaqeyn kooxda Bernabeu. Isagoo gaashaanka ku dhuftay wararka xanta ah ee la isla dhex maraayo.

“Ka dib guul darradii Sabtida ee Malaga, wax badan ayaan fikiraayey si taxadar leh ayaana xaaladeyda Real Madrid u qiimeynaayey,” ayuu yiri.

“Waa inay timaadaa hal wado oo dhamaad ah. Isbedelada Kubada cagta. Inta badan waa iska maalin kasta, daqiiqad kasta iyo inta badan Il-biriqsi kasta. Laakiin waxaa jira hal shey oo aan isbedelin, taasna waa fududahay waa macalinka kooxdu ay mar walba heysato.”