Ka dhowrso ololaha doorashada: Faallo uu qoray Yuusuf Garaad

Muqdisho (Caasimada Online) – Xilli doorasho ayaa dalku ku jiraa. Caasimadaha Dowlad Goboleedyada iyo caasimadda dalkaba xoog ayaa looga dareemayaa.

Gobollada waxaa ka socda wixii Xamar ka socday 2012. Run iyo been, baryo iyo hanjabaad dadban, abaal-sheegad iyo gooddin, qabiil iyo heyb, xalaal iyo suuqmadow si kasta oo lagu heli karo Xildhibaan ayay dad ku shaqeynayaan.

Qaar kale oo ka badan ayaa ku howlan kala xulidda iyo u ololeyntooda. Qeytan dambe qaarkood waa xal doon raadinaya dad dalka ka saari kara xaaladdan adag laakiin yara hore u socodka ah. Qaar kale waa daneystayaal ribix ka raadinaya ololaha. Qaar kale waa muruqweyn qabiil u duuban oo wax kale oo ay u kacaan aanay jirin.

Caasimadda iyadana waxaa ka socda xayeeeysiinta iyo shirarka aan kala go’a lahayn ee murashaixiinta u rooraya kursiga dalka ugu sarreeya.

Xildhibaanka iyo Wasiirka iyo qofkii aan Dowlad u shaqeyni waa ay u madax bannaan yihiin in ay taageeraan murashaxii ay doonaan. Sidoo kale ay diidan midka aanay dooneyn.

Ha noqdo Murashax Madaxweyne ama ha noqdo murashax labada Gole ee dalka midkood.

Taliyayaasha iyo saraakiisha ciidanka, Danjirayaasha iyo Diplomaasiyiinta kale, Madaxda Maamulka Dowladda sida Xoghayayaasha iyo Agaasiayaasha Guud nidaaam ahan iyagu siyaasadda kama shaqeeyaan. Dow ma ahan in ay hor boodaan ama ay dhex cararaan olalayaasha doorashada.

Xaq waa ay u leeyihiin in ay muwaaddin ahaan codkooda u dhiibtaan. Laakiin doorashadan shacabka oo dhan lama soo hor dhigin. Kooxo aad u tiro yar ayaa noo go’aaminaya xubnaha labada aqal. Kooxo aad uga sii tiro yarina waxay noo go’aamin doonaan Madaxweynaha dalka.

Murashixiintana waxaa habboon in ay tixgeliyaan nidaamka oo aanay Saraakiisha ciidanka, Diplomaasiyiinta iyo Madaxda Maamulka ee ay saaxiibbada yihiin aanay ka filin in ay ka shaqeeyaan ololahooda.

Waxaa la mid ah tifatirayaasha iyo weriyayaasha raadiyayaasha, telefishinnada iyo baraha Internetka.

Maalinta la gaaro doorasho qof iyo cod ah ayaa muwaaddin kastaa uu adeegsan doonaa codkiisa si uu murashaxa ula muuqda in uu ugu mudan yahay uu codkiisa u siiyo.

F. G. Qormadani kuma saleysna wax aan arkay 2016 ee waa mid aan ka sii digayo.

By: Yusuf Garaad

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com