Kaalin intee la eg ayey Itoobiya ku leedahay Sababaha uu u guro iyo biyo xireennada Webiga Shabeelle?

Webiga Shabeelle waa webi ka soo bilaabma deegaannada sare ee Ethiopia, kaasi oo dhexmara koonfur bari wadanka Soomaaliya ilaa uu ka gaaro Badweynta Hindiya oo uu ku dhammaado.

Biyaha Webiga Shabeelle waa mid ku xiran curashada roobab mahiigaan ah, inta badan wuu guraa, wuu biya yareeyaa, hayeeshee xilliyada ay da’aan roobabka, webigu wuu buux dhaafaa,waxa uu si toos ah biyaha ugu daraa Webiga Jubba, halka Webiga Jubba isna uu ku daro biyahaasi Badweynta Hindiya.

Deegaanka Goobweyn ee gobolka Jubada hoose ayaa ah barta Webiga Juba uu kula kulmo Badweynta Hindiya.

Soomaalida ayaa lagu sheegaa in aanay si wacan uga faa’ideysan biyaha Webiyada Jubba iyo Shabeelle ee ku darsama badda, taasi oo ay ugu wacan tahay farsamo xumo, qorshe dari iyo ku tala-gal maaliyadeed oo aan jirin oo lagu fulinayo mashaariic, laguna hirgelinayo laamo, far biyoodyo, kannaalo waa weyn, biyo xireenno kala duwan oo dabka dhaliya iyo keydad biyo oo waraab ah oo lagaga gaashaanto biyo la’aanta, abaarta, haraadka iyo gaajada si gaar ah xilliyada aanu roobku da’in.

Mashaariic dab dhalineed oo hirgela waxa ay koronto ku filan gaarsiin karaan guud ahaan dalka Soomaaliya, sidoo kale waxaa looga faa’ideyn karaa dadyowga ku nool dalalka deriska ah si gaar ah Kenya iyo Djibouti.

Webiga Shabeelle waxaa loogu magac daray xayawaanka loo yaqaan Shabeel “Tiger”

Shabeel waa xayawaanka ugu yar bahda bisadaha oo ka kooban Afar xayawaan, kalana ah Batira, Libaax iyo Yagoor “Panthera, Lion and Jaguar”.

Shabeelku waa mukulaal weyn oo ku nool qaaradda Afrika si gaar ah koonfurta lama degaanka weyn “Sub-Saharan Africa”, qaar ka mid ah dalalka Asia koonfureed iyo bari, waxaana ka mid ah dalalkaasi Pakistan, India, Indonesia, Malaysia, China iyo koonfurta Jasiirad u ekaha Carbeed “Arabian Peninsula”.

Shabeelka Soomaaliya ayaa loo yaqaanaa “Pardus nanopardus”.

Soomaalida ayaa ah dad ku faana Shabeelka, waxa ayna u arkaan summad tilmaan u ah geesinnimo iyo naf hurnimo, waana midda loo cuskinayo in ay sabab u tahay in astaanta qaranka Soomaaliya ay qeyb ka noqdaan.

Astaanta Qaranka Soomaaliya waxay ka kooban tahay, gaashaan buluug furan oo leh xidaayad dahabi ah, dhexdana ku leh xiddig cad oo shan geesley ah oo dheeh qalin ah leh. gaashaanka dushiisa waxaa ku yaal rukumo carbeed oo xardhan, lehna shan madax oo dahabiya oo ay labada geesaha ku yaalla ay kala qaaran yihiin, hareerahana waxaa ka haya laba shabeel oo dabiici ah oo isku beegan, kuna kala taagan laba waran oo isku waydaarsan caaradda hoose ee reste, ayna weheliyaan laba caleen cawbaar dabiici ah, diilin midab cad ah lehna ay ku qoofalan tahay.

Magaca Webiga Shabeelle, ayaa loogu magac daray illaa iyo laba ka mid ah seddexda gobol ee uu maro, waxayna kala yihiin Shabeellaha dhexe iyo Shabeellaha hoose.

Webiga Shabeelle oo ka soo burqada buuraleyda Ethiopia, kuna hoora Soomaaliya, ayaa biyahiisu yihiin mid xilliyeed, waxaa la waayaa waqtiyo kala duwan oo sanadka ah.

Webiga Shabeelle waxa uu daboolaa masaafo dhan 702 mile gudaha Ethiopia, halka gudaha Soomaaliya uu isaga tallaabo seddex gobol oo kala ah Hiiraan, Shabeellaha dhexe iyo Shabeellaha hoose.

Webiga Shabeelle waa webiga ugu dheer ee dalka Soomaaliya.

Gudaha dalka Soomaaliya, Webiga Shabeelle waxa uu dhirrkiisu gaaraa ilaa 1500 km. waxa uuna maraa magaalooyin, degmooyin iyo tuulooyin farabadan oo ku kala yaalla koonfurta iyo bartamaha dalka, waxaana ka mid ah :

1-              Beledweyne

2-              Buulo Burte

3-              Jalalaqsi

4-              Mahadaay

5-              Jowhar

6-              Balcad

7-              Afgooye

8-              Sablaale

9-              Qoryooley

10-           Bariire

11-           Awdheegle

12-           Mubaarak

13-           Jannaale

Webiga Shabeelle oo ah roob suge, si la mid ah waxa uu helaa qulqul biyo oo joogta ah oo kaga yimaada dhowr webi oo ku taalla gudaha dalka Ethiopia.

Webiyadaas ayaa waxaa ka mid ah Era “Ere River”, Galetti “Galetti River” iyo Wabe “Wabe River”.

Webiga Era waa webi si joogta ah u shubma, kuna yaalla bariga Ethiopia, waxa uu ka soo kacaa meel u dhow Magaalada Harar, waxa uu ku qul qulaa dhanka koonfureed illaa uu la midoobo Webiga Shabeelle.

Webiga Galetti waa webi ku yaalla bariga Ethiopia, waxaana lagu tiriyaa mid ka mid ah biyo qul qullada uu helo Webiga Shabeelle.

Webiga Wabe waa webi ku yaalla koonfurta iyo bartamaha Ethiopia, waa mid ka mid ah biyo qul qullada uu dhanka bidix ka helo Webiga Omo “Omo River, si la mid ah waxa uu ku qul qulaa Webiga Shabeelle.

Webiga Fafen “Fafen River” waa webi ku yaalla bariga Ethiopia, waxa uu u dhaqaaqaa dhanka bari ee Magaalada Harar, kadibna waxa uu u leexda jihada koonfur bari oo ku teedsan Webiga Shabeelle.

Webiga Fafen waxa uu ku biiraa Webiga Shabeelle xilliyada roobab xoogan ay ka da’aan dalka Ethiopia, inta badan qul qulka biyihiisu waxa ay dhammaadaan kahor inta aanu gaarin webiga.

Webiga Shabeelle waxaa hareereeya geedo waa weyn oo dhif iyo naadir ah, lehna dugaal la harsado.

Webiga Shabeelle waa mid dhuuban oo aad u dheer, balaciisu yar yahay, hoosna uma qodna, gudihiisa waxaa ka baxa geedo yar yar oo ay dugaashadaan jeerta iyo yaxaaska.

Webiga Shabeelle waxa uu marar kala duwan ku fatahay tuulooyin ku yaalla jiinka webiga, waxaanu horseeday geeri, barakac iyo bur bur hantiyeed.

Dadka Arsi “Arsi Oromo” oo ka mid ah Qowmiyadda Oromo iyo Dadka Sidamo “Sidamo people” oo loo yaqaan Shacabka koonfurta Ethiopia waxa ay weyneeyaan Webiga Shabeelle oo ku hareereysan geedo waa weyn oo dadkaasi ay tixgeliyaan, wax ayna ku sheegaan in sanadkii 1951 geedahaasi la xurmeeyo ay hoos-tagayeen maamulka nin Muslim ah oo ka soo jeeda Arsi.

Sanadkii 1989, Mengistu Haile Mariam, oo ahaa Gudoomiyihii Derg, Hogaamiyihii Golaha Milatariga Shuuciga, Madaxweynihii Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Shacbiga Itoobiya ” People’s Democratic Republic of Ethiopia”, ayaa isaga oo kaashanayay injineerro ka socday Midowga Jamhuuriyadaha Hanti wadaagga Soofiyeet-ka “Union of Soviet Socialist Republics” ayaa waxaa ay ka dul dhiseen biyo xireen dab dhalin ah oo loogu magac daray “Melka Wakena dam” ilo biyoodyada burqada ee Buuraha Bale ee ku hoora Webiga Shabeelle.

Biya xireenkaasi dab dhaliyaha ah oo lagu magacaabo “Melka Wakena Hydroelectric Power Station” waxa uu leeyahay awood dab dhalin oo gaareysa 153 megawatts oo u dhiganta (205,000 hp) waa in ku filan in ay koronto siiso 100,300 guri.

Buuraha Bale “Bale Mountains” waxaa kale oo loo yaqaanaa “Urgoma Mountains”, waxa ay ku yaallaan gobolka Oromia ee koonfur bari Ethiopia, koonfurta Webiga Awash “Awash River”, waa qeyb ka mid ah buuraleyda Ethiopia. Waxaa sidoo kale ka mid ah “Tullu Demtu” oo ah Buurta labaad ee ugu weyn dalka Ethiopia (4377 meters) iyo Buurta Batu (4307 meters).

Howl socotay muddo ka badan laba “2” sano, bilowgeediina uu lahaa Ra’iisul wasaarihii hore ee Ethiopia Meles Zenawi ayaa Bishii March, 2016 Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya -DDSI- (The Ethiopian Somali Regional State) oo kaashaneysay Wasaaradda Beeraha ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Dimoqraadiga Itoobiya (Federal Democratic Republic of Ethiopia) waxa ay sheegtay inay dhammeystirtay dhismaha biyo xireen weyn, ayna dayactirtay mashruuca waraabka ee galbeedka Goday oo ku fadhiya dhul dhan 14 km, waxaana ay ku sheegtay in mashruucaasi ay ka faa’ideysan karaan 27,000 qoys , iyadoo dad badan oo xoolo dhaqato iyo beeraley ah dib u dejin loogu sameeyay degmada Beer Caano oo ku dhow degmada Goday, iyadoo ujeedka mashruucaasi lagu sheegay in lagu daboolayo baahiyaha nololeed, laguna hiigsanayo kobac dhaqaale oo lagaga baxayo saboolnimada iyo gaajada.

Shirkad fadhigeedu yahay Magaalada Addis Ababa, lana yiraahdo – Metals and Engineering Corporation “METEC”- iyo Wakaaladda dhismaha howlaha biyaha ee Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa waxa ay leexiyeen Webiga Shabeelle, iyagoo ka sameeyay halkaasi afar kannaal oo waa weyn oo waraabinaya dhul ku dhow 4000 Hectare oo ah beeraha bariiska, beeraha dadka dib u dejinta loo sameeyay, beeraha cilmi barista iyo beeraha iskaashatada.

Mashruucan ayaa sanadkii 2016 waxaa ka faa’ideystay dad gaaraya 4000 qoys, waxaana il biriqsigiiba uu soo tuuri karaa 46,000 litre oo biyo ah, iyadoo laga saaray caro ka badan 690,000 (cubic metre).

Mashruucan biya xireenka ah, laguna rakibay diinamooyin waa weyn ayaa dhaliyay dab koronto ah.

Labada biyo xireen ee Dowladda Ethiopia ay ku sameysay Webiga Shabeelle, ayaa caqabad ku ah xoolo dhaqatada iyo beeraleyda dalka Soomaaliya, iyada oo webigu guro si aan hore looga baran, waxaana taasi lala xiriirinayaa biyaha webiga oo la xiro bilo si loo buuxiyo biyo xireennadaasi.

Dowladaha Ethiopia iyo Soomaaliya oo ka dhaxeeya xiriir diblomaasiyadeed iyo iskaashi dhinacyo badan leh, weli kama wada hadlin in ay hab siman oo cadaalad ah uga faa’ideystaan biyaha, lana joojiyo isku day kasta oo lagu xanibi karo qulqulka biyaha.

Waa Hinqaastii : Ali Abdi Ali Hoshow

Twitter: @AliHoshow

Email: alihoshow@gmail.com