Kaalin intee la eg ayuu Shariif Xasan ku leeyahay xallinta khilaafkii ansixinta wasiirada

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa lasoo gabagabeeyey Khilaafkii ka taagnaa ansixinta golaha wasiirada kaasoo u dhaxeeyey madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo, Ra’isulwasaaraha iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka.

Haddaba waxaa la is waydiinayaa kaalin intee la eg ayuu Shariif Xasan ku leeyahay xallinta Khilafkaas, maadaama Xildhibaanada kasoo horjeeday ay intooda badan kasoo jeedaan Maamulka Koonfur Galbeed.

Haddaba Shariif Xasan ayaa kaalin weyn oo muuqato ka qaatay xalinta Khilaafkaas, waana sababta ugu weyn ee keentay inuu si deg deg ah kusoo gaaro Magaalada Muqdisho.

Shariif Xasan oo loolan siyaasadeed kula jiro Guddoomiyaha Baarlamaanka oo ay isku meel kasoo jeedaan ayaa ah shaqsi lagu baxsado xilliyada ay siyaasadda isku milmato, waxaana dalab rasmi ah u diray madaxweynaha iyo Ra’isulwasaaraha.

Shariif Xasan ayaa kulamo gaar gaar ah la qaatay Xildhibaanada Maamulka Koonfur Galbeed ugu jiro Baarlamaanka Soomaaliya, wuxuuna la dalbaday inay joojiyaan khilaafka ay ku hayaan golaha wasiirada isla markaasna wuxuu kula taliyey inay fiiriyaan xaaladda uu wadanka hadda ku jiro.

Shariif Xasan ayaa la aamisan yahay inuu siyaasad ahaan Jawaari markii horaba kaga guuleystay magacaabista golaha wasiirada, inkastoo Jawaari uu isana horey Shariif Xasan ku garaacay kursiga Guddoomiyaha Baarlamaanka oo uu isaga ku guuleystay

Sidoo kale waxaa arrintaan ka shaqeeyey guddi ka tirsan Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya oo culeys ku saaray Jawaari inuu joojiyo Khilaafka isla markaasna uu ka shaqeeyo ansixinta golaha wasiirada iyo in la hor geeyo Baarlamaanka Soomaaliya.

Haddaba waxay xogta sheegeysaa in golaha wasiirada berri ay heli doonaan aqlabiyadda Baarlamaanka Soomaaliya, waana arrinta ku dhiiragelisay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmajo inuu u dhoofo Jordan si uu uga qeybgalo kulanka Jaamacadda Carabta halkaas uga furmayo.

Madaxweynaha ayaa markii hore qorsheenayey inuu ka baaqdo kulankaas maadaama uu heystay culeys adag oo kaga imaanayey ansixinta golaha wasiirada, balse markii uu xaliyey Khilaafka isla markaasna loo damaanad qaaday in la ansixin doono ayuu go’aansaday inuu ka qeyb qaato kulankaas ay yeelanayaan Jaamacadda Carabta.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com