Kaalin intee la’eg ayay DF ka qaadatay guusha garsoore Cabdulqawi Axmed Yuusuf ?

Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda Qaramada Midoobay ayaa mar kale Garsoore Cabdulqawi Axmed Yuusuf u dooratay inuu noqdo garsoore ka tirsan maxkamadda cadliga adduunka ee loo yaqaan ICJ.

Cabdulqawi Axmed Yuusuf, ayaa muddo badan ka shaqeynaayay Maxkamada, waxaana xusid mudan in sanadii 2015kii loo doortay guddoomiye ku-xigeen.

Garsoore Cabdulqawi Axmed Yuusuf, waxa uu sidoo kale Maxkamada ka tirsanaa tan iyo 2009-kii, waxaana lagu amaanaa inuu leeyahay khibrad fog.

Safiirka Somalia u fadhiya QM, Abuukar Daahir Cusmaan ayaa sheegay in Garsoore Cabdulqawi uu ku guuleystay cod aqlabiyad leh.

Safiirka waxa uu tilmaamay in guusha Cabdulqawi ay si wada jira u bogaadiyeen dhammaan wakiillada 193-ka waddan ee ka qayb galay doorashadaasi.

Sidoo kale, Garsoore Cabdulqawi horay usoo ahaa Guddoomiye ku xigeenka,waxaana lagu wadaa in horraanta 2018-ka uu noqdo Guddoomiye sida uu sheegay Amb:Abuukar Cusmaan.

Geesta kale, Wasiirka arrimaha dibadda Somalia Yusuf Garaad Cumar ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook ku sheegay in Cabdulqawi Axmed Yuusuf uu heerkaasi ku gaaray aqoontiisa, isla markaana dowlada Federaalka ah ee Somalia ay ku bixisay Juhdi.

Yuusuf Garaad waxa uu carab dhabay in dowlada Federaalka ah ee Somalia ay cadaadis diblomaasiyadeed saartay 193-ka waddan ee ka qayb galay doorashadaasi.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com