Kadib qaraxii Zoobe Erdogan oo shaaciyey waxa Turkiga uga duwanaadeen dalalka kale

Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Turkiga oo sheegay inuu wadankiisa yahay dalka kaliya ee kasoo baxay waajibaadka gargaarka Qaraxii Soobe

Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdoğan ayaa ka hadlay Qaraxii Zoobe ka dhacay iyo sida ay dowladda Turkiga u garab istaagtay Shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa hadalkaan ku aadan Soomaaliya ka sheegay khudbad meelo badan taabaneysay oo uu jeediyey.

Madaxweynaha Turkiga ayaa khudbadaas kusoo dhex qaatay Musiibdii ka dhacay Isgoyska Zoobe ee hadda loo bixiyey 14 October.

” Turkiga Kaliya ma wajihi doonaa ururka argagixisada ee Fetullah Terrorist Organization (FETÖ), balse waxaan wajihi doonaa kooxo badan oo argagixiso ah” ayuu yiri.

“Waddanka kaliya ee fuliyay waajibaadkiisa Bini-aadannimada kadib weerarkii argagixisanimada ee Soomaaliya waa Turkiga. Waxaan had iyo jeer taageeri doonaa dhibanayaasha iyo dulmiga, “ayuu yiri Erdogan.

Halkaaan kasoo yeeray Erdogan ayaa muujinayo muhiimada ay u leedahay inuu garab istaago shacabka Soomaaliyeed.

Dowladda Turkiga ayaa 40 qof oo dhaawac daran ahaa u qaaday dalka Turkiga, kadib markii ay usoo dirtay Diyaarad Militari, waxayna noqotay dowladdii ugu horeysay ee saacado uga jawaabto Musiibadii ka dhacay Muqdisho.

Sidoo kale dowladda Turkiga waxaa lagu xasuustaa sidii ay Soomaaliya u garab istaagtay sanadkii 2011 markaas oo ay Soomaaliya ka dhacday Abaaro lixaad leh, wuxuuna madaxweyne Erdogan Muqdisho imaaday iyadoo wadamada kale ay sheegayaan inaan la tagi karin arrimo amni awegeed.

Waqtigaas waxaa la xasuustaa in madaxweynaha Turkiga iyo Xaaskiisa ay booqdeen xirooyinka barakacayaasha, waxaana sawirkii ugu soo jeedashada badnaa noqday markii ay Ilmo yar yar oo abaarta saameysay ay dhabta ku qabsadeen.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com