Tababaraha xulka Brazil Mano Menezes ayaa cadeeyey inuu bisha soo aadan kulanka ay la ciyaarayaan xulka Colombia ku dari doono ciyaaryahanka qadka dhexe ee kooxda Real Madrid Kaka.
30 jirkaan ayaa markiisii ugu horeysay xulka loogu yeeray kulamadii bishii October ay la ciyaareen Japan iyo Iraq wuxuuna xulka intaan ka hor ka maqnaa ilaa koobkii aduunka ee 2010kii wuxuuna tababarihii hore ee Corinthians maanka ku haaya in kusoo darintaanka xulka ee Kaka ay siin doonto cabbir dheeraad ah oo dhan kasta ah.
“Isku darka Oscar iyo Kaka waxay na siineysaa taatikooyin badan oo kala duwanaansho ah,” ayuu Menezes u sheegay saxaafada isagoo xaqiijinaayey xulkiisa uu magacaabay.
“Aad ayaan u dhameytirneyn kulamadeenii dhowaanahaan. Hada ma qiyaasi kartid weerarka xulka sida uu yahay. Waan ku fiicaneyn inaan guusha kubada kusoo laabano aana sidaan sameyno. Waxaan codsanay ka qeyb galka qof walba, marka lagu daro Oscar iyo Kaka.”
Xulka Brazil ee la magacaabay waa sida tan :-
Magaca | Kooxda |
Goolhayeyaasha: | |
Diego Alves | Valencia |
Jefferson | Botafogo |
Daafacyada: | |
Adriano | Barcelona |
Dani Alves | Barcelona |
David Luiz | Chelsea |
Fabio Santos | Corinthians |
Leandro Castan | Roma |
Rever | Atletico Mineiro |
Thiago Silva | Paris Saint-Germain |
Qadka dhexe: | |
Arouca | Santos |
Giuliano | Dnipro Dnipropetrovsk |
Kaka | Real Madrid |
Lucas | Sao Paulo |
Paulinho | Corinthians |
Ramires | Chelsea |
Sandro | Tottenham Hotspur |
Thiago Neves | Fluminense |
Oscar | Chelsea |
Weerarka: | |
Hulk | Zenit St Petersburg |
Leandro Damiao | Internacional |
Neymar | Santos |
W/Q: Ahmed Jaangoan
E-mail: jangoan@hotmail.com
Mogadishu, Somalia.