KALA BOOBOOBA BAAL II REEBA: Yaa Somalia gacanta ku dhigay?

Meesha maanta ay arrimuhu marayaaan waa meel aad khatar u ah oo dalkaani ku sugan yahay marxalada cinwaanka oo ah KALA BOOBOOBA EE BAAL II REEBA. Waxaa loola jeedaa in Somaliya ay gacanta u gashay dad u soo xeytay inay dalkaan ka qaataan wixi ay heli karaan, kaddibna isaga dhoofaan iyagoo helay waxay ku noolaadaan…dadka maanta hardamaya oo ku legdamaya sidii ay hogaanka dalka u qabsan lahaayeen waa kuwo boqolkiba 85% ka yimid dibadaha oo hamigoodu yahay wax ka tacbo. Qaarkood waa la soo maalgeliyay si ay xildhibaan u naqdaan uguna adeegaan danaha kuwa soo maalgashaday, wax dan umadeed ahna aan shaqo ku lahayn.

Sidoo kale kuwa u tartamaya darajada ugu sareysa dalka waa dad u adeega danaha dalal qaarkood deris nala ah qaar kale kalena ay soo dirsadeen dalalka khaliijka qaarkood oon Soomaali wax dan ah u heyn inay laqdabo u maleegaan maahee. Intaa aan sheegayo iyo in kaloo aan la magacaabin waxaa looga dacwooday UN,EU, AU iyo ururo kale , sida aad ku arki doontid maqaalka ku lifaaqan oo looga dacwoonayay inay Somaliya qas ka wadaan wax wanaag ahnaysan ummda u heyn. Bal isku day inaad akhrisoi maqaalka ”AN OPEN LETTER TO UN.EU,”. Waxaa ku xusaN dadka aad arki doonto markaad akhrisoi iyadoo ay ka mid yihiin Cumar Cabdirashiid, Shariif Xasan, Cali M.Gheedi,Cali Galleyr iyo qaar kale oo intaba u tafaxeytay inay Kenya soo gasho Somaliya iyadoo ka tirsan AMISOM taasoo beesha caalamka siiba Mareykanka uu ka biyo diiday inay dalalka deriska nala ah looo oggolado inay soo galaan dalka.

In Somaliya ay tahay DAL AAN DAD LAHAYN ( Nobody’s land) waxaan ku soo bandhigayoo isna ku lifaaqan halkan ee bal fiiriya ciddi ay dan ka heyso inuu dalkaan sii jiro.

Dadka ku hardamaya jagada ugu sareysa dalka, haddii laga reebo laba iyo seddax ruux, waa dad diyaar u ah in Somaliya ay burburto haddii ay danahooda waayaan, wax wanaag ah lama jecla dalkaan waana cadaawada ugu weyn ee jirta oo loo soo wakiishay inay hogaanka qabtaan. Haddii aan qaar ka magacaawno waxaa ka mdi ah Cumar Cabdirashiid oo aabihiis u saxiixay Kenya warqaddi (Memorandum of Understanding) ee lagula wareegay NFD, isagina wuxuu ka soo billaabay badda kaddibna waxaa ku xigi doona, hadduu talada dalka wax ku yeesho –Alla nooma qaddaree- inuu Dalka faraheyna ka bixi doono.

Waxaa soo raaca Shariif Xasan oo aad ugu dheereeya xagga khiyaanada, qof la saaxiibtay oon ka shallayn ma jirto, dadka qofki ugu dhaw ee aaminta ow khayaanaa—u maleyn maayo inuu Kitaab ku dhaartay weligii, sida kuwa barlamaanka soo galay qaarkood oo mooa inay waxay doonaan oo khiyaano ah sameyn karaan mar haddeysan kutub gacanta saarin.

Marna ha u maleyn inay jiraan xildhibaano mabda’ wax ku dooranaya. Nin waliba calooshiisa ow ku fac yahay, ninki wax badan siiyeey dooranayaan, sida laga wada dheregsan yahay- Ma filaayo inay jiraan qaar wax ku dooran doona danta dadka iyo dalka.—waayoo waa dad dalkaanu beec u yahay oo dhaafsnaya xogaa lacag ah oo la siiyo si ay uga tanaasulaan xataa jinsiyada Somalida. Qaarkoodna sida hadda muuqata waxba kama qabaan in dalka lala wareego haddii iyaga la siinayo xoogaa ay ku noolaadaan. Arrintaani waa mid hore loo saadaaliyay oo soo bannan baxday, waana arrin la hubsaday inaanu ka mideysan nahay shacab iyo xukuumad.

Midkoodna ma laha shucuur wadaninnimo haddii laga reebo in yar oo fara ku tirisa oo Ilaahey ku manneystay iimaan lehna aqoon diineed iyo dareen wadaninnimo. Dalkaan waa mid sii baaba’aya oo ay duul kale la wareegi doonaan goortey naqataba. Waxaa nahay dad aan isu oggoleyn inay aqoonsadaan wixi wanaag ah oo qof naga mid ah sameeyay, waxaan nahay dad ku dheereeya inay dhgeystaan inta eedeynta iyo laqadabada ka shaqeeya, oon jecleyn inay maqlaan wax wanaag ah oo qof naga mid ah sameeyay. Sidee guul lagu gaari karaa?

W/: Axmad Calasow

 

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.

Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com