Kala geeye – Cuqdad aabaheed! (4)

Muuqaalkii 6aad.

Waxaa Muuqaalkan ku kulmaaya, Odayaasha kala ah, Oday maxaan cunaa,Oday danteeyda ka hadal,Oday hal beel deeq iyo Oday saadaq, waxeeyna aad uga careeysanyihiin hadalka ka soo yeeray kala-geeye ee ku saabsan dhisida maamul goboleedka ( Alfu-layl wa layl) waxaana dhex maraaya sheekadaan.

Oday danteeyda ka hadal: – Maanta anigaa idiin yeeray, waxaana rabaa in aan ka hadalno, damaca gaarka ah ee kala-geeye iyo maamul goboleedka uu rabo in uu ku dhawaaqo, waxaana rabaa maadaama aan nahay odayaashii in aan ka qaadano go, aan mideeysan.

Oday hal beel deeq: – waa arin wanaagsan oo aad loogu baahanyahay in aan ka qaadano mowqif mideeysan, hadaan ku hormaro fakarkeeyga, arinkaas arin la qaadan karo ma aha, waayo waad la socotaan, taariikhda kala-geeye ma aha nin ku sifoobay wanaag waana qaaraan diid caadeeystay in uu kala tuuro isku xirnaanta, mana la aqbali karo fakarkiisa.

Oday maxaan cunaa: – Waa aduun waxaan laga fileeyna ma laha, waligeey isma lahayn kala-geeye ayaa inta uu bulshada soo hor istaago la imaanaaya fakar asaga lagu raaco, aniga waxaan aaminsanahay ninkaas in aan iska qabano.

Oday saadaq: – Aniga waxeey ila tahay idinka iyo asagaba in eeydaan waxba is dhaamin isla markaana aan la idinku aamini karin masiirka umada, waxaana hubaa in eeydaan bulshada u hadleeyn oo aad tabeeysaan oo kaliya danihiina gaarka ah, waayo mar horaan idinku daalay aniga, waxaana hubaa in uu kala-geeye idinka fushan karo wuxuu doono sababtoo ah waan is naqaan.

Oday maxaan cunaa: – Oday saadaq mar walba waxaad ku hadashaa hadal taag taagan waadna naga soo hor jeesataa waxaan ku dhihi lahaa, dagaalkan adiga kuu gaarka ah jooji.

Oday saadaq: – Aniga dagaal ma wado runta se waa qaraartahay, anna ma dhaafi karo, waxaana hubaa haddii dantiina gaarka ah la saxo in aad la, imaan doontaan waji kale.

Oday danteeyda ka hadal: – Marna lagama yaabo in aan wax la qabano kala-geeye xataa haduu la yimaado, buuro dahab ah, ee Oday saadaq ma nagu raacday?

Oday saadaq: – Aniga waa idinku raacsanahay, waxaana eegi doonaa arintan iyo waxa ay ku danbeeyso.

Qaybtii 7aad. 

Muuqaalkan waxaa ku kulmaaya Hodan iyo Mulki, waxaana dhex maraaya sheekadaan.

Mulki: – Sxb adeerkaa waa talaabsaday, wuxuuba u gudbay in uu noqdo madaxweeyne maamul Goboleed ka waran arintaas!?

Hodan: – Runtii wuu ii sheegay arinkaas aadna waan uga naxay! 

Mulki: – Waxaan maqlay xataa in odayaashii joogay wadanka ay ka caroodeen isla markaana ay ka soo hor jeedaan, arinkiisana wuxuu iila egyahay in uu fashilmay!

Hodan: – Waa fiicnaan lahayd in uu fashilmo waayo dan umadeed ma wado, laakiin waxaan kuu sheegaayaa, maanta ma aha maalintuu ninka xun fashilmaayay! 

Mulki: – Maxaad ka wadaa saaxiib!

Hodan: – Maanta Nin walba oo xun dunidaa taageersan oo raadineeysa in ay garab istaagto, Odayaashana hadaan astaan kaa siiyo (eey habeen dhafray dantiisuu u soo jeeday Kan lehna wuxuu moodaa in uu isaga ilaalinaayo) waxeey raadinaayaan oo kaliya dhunjis!

Mulki: –  Ma waxaad I leedahay kala-geeye arinkaan waa u mareeysaa!

Hodan: – Waxaan aamin santahay in uu siduu doono ay noqoneeyso.

La soco qaybta 5aad

W/Q Abwaan Cllaahi Bashiir Nuur nasri2014@hotmail.com