KALA GEEYE-CUQDAD AABAHEED!! (Sheeko siyaasadeed taxane ah)

Qeybtii 1-aad 

Hordhac 

Haddaan nahay ummada Soomaaliyeed, maanta dalkeenii wuxuu ku suganyahay burbur, dadkeenana qaar madfac ayaa ku da,aaya, qaar gaajeey daadsanyihiin, in badan waa naafo, waxaan ku dhamaanaa mar walba badaha, wadamada qaar waa nalagu gowracaa, dhaliyaradeenii in badan ayaa madaxa laga badalay oo lagu shubtay mabda,a aan dhibka naga korinayn, in waa qaxooti waxeey daadsanyihiin aduunka dacaladiisa waxaa mar walba na qabta dal tabyo, ma awoodno in aan u gurya noqono dalkeena, sababtoo ah waxaa wali ka taagan dhibtaan uga soo cararnay, hadaan halkaan qarniyo  qurbaha sii joogno ma naqaan ubadka nagu abtirsan doona diinta ay qaadan doonaan iyo waxa ay u danbeeyn doonaan, aduunka meel waloo aan ka joognana ma mideeysnin, ma jirto tuulo boqol qof soomaali dagantahay oo jaaliyad mideeysan leh , waxaan leenahay dad aad u kala geeya ummada, arintaas ayaa igu kaliftay in aan hal abuuro sheekadaan.

Kala geeye- Cuqdad aabaheed! 

Waxaa sheekadaan hogaamin doona, oday aan ula baxay magacan kala geeye, waa qas wade cuqdadi ka buuxdo ma aha Indheer garad alle yaqaan ah, waase aftahan sheeydaanku ku shaqeeysto, qof walba oo isku hor gudba midnimada iyo wax wada qabsiga bulsho islaam ah, wuxuu qilaafsanyahay amarka eebe ee umadaha islaamka faray ee ah in ay midoobaan.

Sheekadaan waa toosin iyo tilmaamid waxa wanaagsan iyo kareebid xumaanta, waa mid u daneeynaysa dhamaan ummada soomaaliyeed, waxeey si gaar ah xumaan uga sheegaysaa inta xun, waxeey wacyi galinaysaa bulshada waxeeyna fareeysaa midnimo iyo in aan lakala maarmin. Qaybsanaan waxa ay nabaday qof waloo xalaal ah marqaati ayuu iiga yahay.

FG qof xun meel walba waa laga helaa, dad wada xuna ma jiraan waxaan aaminsanahay in soomaali idilkeed ay ehelkeeyga yihiin, mana laga yaabo in aan guruub si gaar ah ugu xad gudbo, dhanka wanaagsan ka eeg sheekada.

Muuqaalka koowaad 

Waa magaalo kamid ah magaalooyinka yurub, waxaa in mudo ah Safar ku maqnaa dhanka afrika ninka ay sheekada ku socoto, (kala geeye- cuqdad aabaheed) waxaa garoonka diyaaraduhu caga dhigtaan kusoo dhoweeynaaya wiil uu adeer u yahay oo la yiraah C/fataax iyo saaxiibkiis oo la yiraahdo (Igu aqri), oo ah nin aad uga danbeeya warkana ka qaata kala geeye- cuqdad aabaheed.

Waxaa soo caga dhigatay diyaaradii siday kala geeye, si fiicana ayaana la, isu marxabeeyay waxaanay usoo dhaqaaqeen dhanka gaariga, salaam iyo caafimaad is wareeysi kadib waxaa la soo fuulay babbuurkii.

Waxaa hadalka bilaabay (Igu aqri)

Igu aqri: kala geeyoow ilaah maku nabad keena?.

Kala geeye: Saaxiibkeeygii qaaliga ahaa (Igu aqri) alxamdu lilaah

Igu aqri: wadankii ka waran xaalladu sideey aheeyd?

Kala geeye: wax qayr ah oon kuu sheego ma haayo

Igu aqri:- Haddaadan kheyr ii heyn khasaaraha igu caawi.

Kala geeye:- qaran bey sheeg sheegayeene sow qabyaaladda kama wanaagsana?

Igu aqri:- ( qosol yar ka dib ) waa runtaa qabyaaladu qabiilkey quweysaa ee qaran muxuu tari.

Kala geeye:- sax waad fahamtay xaqiiqada ee mar walba iga sahay qaado.

Igu aqri:- waa hagaag sxb, waa inoo mar kale ee bal iska naso.

Maanta waa biloow lasoco maalin walba oo sabti ah (insha allaah)

Qore Abwaan Cllaahi Bashiir Nuur nasr2014@hotmail.com