Kaneecada iyo Qur’aanka (Mucjisada Qur’aanka Kariimka ah)

Haddii aad maqasho kaneeco durba waxaa kugu soo dhacaysa inay tahay noole yar, oo kamid ah noolaha Ilaahay uumay ka ugu yar. Bal’ ee haddii tusaale laguugu soo qaato noolahaasi xataa aad baad u yaabi lahayd, oo waxaad oran lahayd ”Maxaa loola jeedaa tusaalahan”?

Xayawaankani (noolahani) xasharaadka ah Qur’aanka kariimka ayaa lagu xusay magaceeda. Ilaahay kor ahaaye wuxuu yiri

إن اللهَ لَا يَسْتَحى أن يَضَربَ مَثلًا مَا بَعُوضَةً فَمَا فَوقَهَا فأما الَّذيَنَ امَنُوا فَيَعْلمُونَ اَنَّهُ اْلَحُق مِنْ رَبّهِم وأما الَّذيَن كَفَرُوا فَيَقُولُونَ مَاذَا أراد اللهُ بِهذَا مَثَلًا يُضِلُّ بِهِ كَثيراً وَيَهدِى بِه كَثيراً وَمَا يُضِلُّ ِبِه إلا الفَاسِقيَن

(سورة البقرة 26).

TURJUMADA AAYADDA:

”Ilaahay kama xishooda inuu usoo qaato tusaale kaneeco iyo wax kasii weyn (xagga yaraanta, macnaha wax ka sii yar), kuwii rumeeyay (Alle iyo Nebiga S.C.W), way ogyahiin in uu yahay xaq (Qur’aanka iyo tusaalaha Eebbe usoo qaatayba), ka yimid xagga Rabbigood, kuwiise gaaloobay, waxay oranayaan Muxuu ula jeedaa Alle tusaalahan, in badan buu ku lumin, in badanna wuu ku hanuunin, kuna lumin mahaya faasiqiinta mooyaane cid kale”. Al Baqrah: 26d

Ilaahay tusaalaha kaneecada wuxuu usoo qaatay ma ahan inay tahay noole liita oo yar, balse waa xikmad aanay ogeyn cid kale isaga mooyaane. Inta aynu ka ogaanno oo uu isaga inoo saamaxa inaan garanno mooyaane, in kaloo badan oo aynaan ogayn ama aaynaan ogaan karin ayuu isagu Alle ogyahay kala dan leeyahay tusaalahaasi uu inoosoo qaatay.

Afar iyo toban qarni kahor ayay aayadahaasi kusoo degeen Nebi Muxammad (S.C.W), waxaase maanta casrigan tiknoloojiyada la iktishaafay arrin cajiib ah oo ku saabsan abuurka kaneecada. Culimada Sayniska ee casriga ayaa waxay qarnigan soo saareen daraasaad laga diyaariyey noolaha kaneecada. Waxayna sheegeen in kaneecadu ay tahay noola cajiib ah oo leh.

Waxay yiraahdeen

– Kaneecadu waxay madaxeeda ku leedahay 100 indhood.
– Waxay afkeeda ku leedahay afartan iyo siddeed (48) ilig.
– Waxay leedahay 3 qalbi, qalbi kastaana wuxuu leeyahay labo dhinac- bidix iyo midig.
– Waxay leedahay labo calool- midig iyo bidix.
– Khartuumkeeda (irbadka afkeeda) waxay ku leedahay lix sakiinood, sakiin kastaana waxay leedahay shaqo gaara.
– Darafyada jirkeeda cidhifkastoo kamid ah waxay kuleedahay saddex baal.
– Waxay leedahay jihaas ay ku taxliiliso dhiigga, si aanay uwada liqin.
– Waxay leedahay jihaas kale oo ay ku kala saarto dhiigga.
– Waxay leedahay jihaas kale oo ay ku uriso dhididka qofka, kaasoo ay awood u leedahay inay kasoo uriso masaafo dhan 60 km.
– Waxay kaloo leedahay jihaas xaraari ah oo quwad ileys ah siiya habeen iyo maalinba.
– Waxay kaloo leedahay jihaas cajiib ah oo xanuun joojin ah, kaasoo ay adeegsata marka ay dureysa shaqsi qof ah, si aanu u dareemin inay sakiimaheeda la dhacaysa illaa ay dhiigga ka miirta ama kushubto dhiig kale isagoonan dareemin.

Waxay yiraahdeen ”Xanuunka iyo cuncunka uu dareemo qofka marka ay qaniinta kaneecadu, taasi waa natiijadii ka dhalatay dhiiggii lagu shubay ama laga miirey, wuxuuna xaalladaasi dareemaa mar ay kaneecadu howsheedii dhan bogatay.

Run buu sheegey Illaahay markuu tusaalaha usoo qaatay kaneecada, oo ku xusay magaceeda aayad Qur’aani ah, cilmigiisa iyo aqoontiisana Alle lama koobi karo, dadkuse goordambe bay ogaan doonaan waxa kan ee Qur’aanku inuu yahay mucjisada ugu weyn ee Alle koonkani uu keenay.

Sidoo kale aqri qormooyin kale oo ku saabsan mucjisada Qur’aanka.

W/Q: Mohammed Dahir Abdi

Email: mohamed1@live.fi
Xafiiska Caasimada Online, Finland