KASHIFAAD: Dhul boobka Muqdisho & musuq maasuqa maxkamadda sare

Ammaanka Muqdisho oo wax weyn oo uu iska beddelay iyo horumar daba socda ayaa ku qasbay dad badan inay db ugu laabtaan magaalada oo ay nolol cusub ka billaabaan.

Hase yeeshee dad badan, ayaa markii ay magaalada tageen oo ay ka war dooneyn guryahoodii ay ka maqnaayeen muddo, waxa ay ugu tageen milkiyad cusub iyo dad aysan garaneyn oo dhex fadhiya.

Muqdisho iminka waa ay ka dhammaatay “ANAA KAA XOOG WEYN” iyo “REER HEBEL”, waxaase naxdin leh in wax ka darran taasi ay magaalada ka socdaan.

14_JAN_2013 copyMaxakamadda sare ee fadhigeedu yahay magaalada, ayaa gacanta la galeysa kiisas badan oo ku saabsan muran dhuleed iyo guryo la isku qabsaday, oo inta badan ku yaalla koonfurta magaalada.

Dad badan ayaa guryahoodii waayay kadib markii maxkamadda sare ay u sharciyeysay dad kale, mana jirto wax ay ka qaban karaan.

Caasimada Online ayaa ogaatay in maxkamadda ay kumanaan dollar ku qaadaneyso gurigii ay milyakaddiisa sharciyeyso, ayada oo aan si dhab ah ugu kuur galeen qofka leh.

Dhacdadii ugu yaabka badneyd ayaa ka dhacday xaafadda Laba Dhagax oo ka tirsan degmada Wardhiigely, iminkana loo bixiyay Warta Nabadda, halkaasi oo dadka xaafadda ay inoo sheegeen in qof aysan weligood arag la siiyay guri ay og yihiin qofka dhab ahaan u leh.

Cabdullahi Cali Axmed, oo degan xaafadda oo Caasimada Online uga sheekeeyay dhacdadaas ayaa yiri “Laba nin baa isku qabsatay dhul banaan oo halkan ku yaalla, oo maxkamadda dacwo iska geeyay, waxaana markaa kadib maxkamadda ay soo dirtay guddi la hadla dadka xaafadda, si loo kala saaro, waxaana dhammaan odayaashii xaafadda ay u sheegeen dadkii guddiga ahaa in dhulka la isku heysto iyo guri ku dhegganba uu lee yahay oday la yiraahdo Xasan Jaamac, oo muddo dalka ka maqnaa, islamarkaana aysan garaneyn qof kale ee sheeganaya weligoodna aysan arag. markii guddigu baxeen waxaan moodnay in Xasan Jaamac la siin doono dhulkiisa, waxaase yaab nagu noqotay in loo xukmiyay ninkii kale, ayada oo aan wax caddeyn ah uusan heysan, balse sida la sheegay uu bixiyay laaluush.’.

Waxaa sidoo kale jira dhacdooyin kale oo badan, oo noocaas la mid ah, ayada oo magaalada iminka uu ka socdo dhul boob baahsan.

Horey ayaa maamulka gobolka Banaadir uu uga digay dadka guryaha iibsanaya iyo kuwa iibinayayba inay joojiyaan, illaa inta maamulka awood uga yeelanayo inuu kala sharciyeeyo arrimahan isku wada dhex qasan, haddii kale suurta gal ay tahay in qof laga iibiyo hantida dad kale, halkaasna ay lacag uga lunto.