KASHIFAAD: Sirta socdaalka hanti doon ee Fowsiya Yuusuf Xaaji Adan

Dawladda Soomaaliya ayaa ka shaqaynaysa qorshe ay dib ugu soo ceshanayso hantidii ay xakameeyeen dawladaha ajnabiga ah iyo hay’adaha taniyo markii ay dawladdii dhexe dhacday sanadkii 1991.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya Fawsiyo Yuusuf Xaaji ayaa bilowday safar ay dhawr waddan ku kala tagayso usbuucan si ay u soo diiwaan galiso hantida maaliyadeed ee Soomaaliya ee ku jirta bangiyada dibadda, iyo sidoo kale hantida maguuraanka ah ee ganacsiga, safaaradaha, diyaaradaha iyo maraakiibta.

Waxa ugu horeeya ee qorshaheeda ku jira waa safarro ay ku tagayso Isutaga Imaaraadka Carabta, Talyaaniga iyo Boqortooyada Midowday ee Ingiriiska.

“Waxaan qaban doonnaa dib u eegid aad u fiican oo aan ku eegayno hantida Soomaaliya ee adduunka ee qaaradaha adduunka oo dhan, sidoo kale waxaan la tashanaynaa la taliyalaal xagga sharciga maaliyada oo Soomaali iyo ajnabiba ah,” Fowsiya ayaa sidaas sheegtay Diseembar 27-deedii. “Dawladda Soomaaliya ayaa codsan doonta soo celinta lacag ay hayaan masuuliyiinta Swiss, iyo sidoo kale maraakiibteena iyo diyaaradaheena yaala Jarmalka, Talyaaniga iyo Yaman.”

Hay’adda Kormeerka Suuqa Dhaqaalaha ee Swiss ayaan wali cadaynin baaxadda xisaabaadka bangigii dhexe ee dawladda Soomaaliya iyo wada shaqayntii ka dhaxaysay bangiyada Swiss iyo madaxdii Soomaalida ee muhiimka ahaa oo hantidoodii la xanibay.

Qalalaaasihii ka dambeeyay burburkii dawladdii dhexe ee Soomaaliya markay socdeen, ayaa dhawr ka mid ah dawladaha ajaanibta ah ay xanibeen keydadkii rasmiga ahaa ee lacagta dawladda Soomaaliya si ay uga ilaaliso in si khalad ah loo isticmaalo. Laakiin, in badan oo hantidii maguuraanka ahayd ee dawladda ee dibadaha taalay, kuwaas oo ay ku jiraan dhismayaashii safaaradihii hore, waa la maalmul xumeeyay ama lamaba hayo.

Sida ay sheegayso warbixin Qaramada Midoobay ka soo baxday oo si hoose loo faafiyay Luuliyo, si xun u maamulidda hantida caamka ah waxay socotay xilligii Dawladda Federaalka Ku meel gaadhka ah, iyada oo 70% dakhligii lagu dhunsaday musuqmaasuq, xatooyo, iyo khasaaro. Inta badan lacagtaas waxaa la tuhunsan yahay in dibadda loo diray.

Wasiirka Maaliyadda Maxamuud Xasan Sulaymaan ayaa ka codsaday in bahda caalamku ay la shaqeeyaan Soomaaliya si ay uga kaalmeeyaan helitaanka hantidoodii oo dhan.

“Kama laba labaynayno in aan dib u soo ceshano lacag si sharci daro ah loogu xawilay kaydad ajnabi ah, kuwaas oo ay ku jiraan kaydadkii bangiyada ee dawladihii hore, iyo [kuwa laga xaday] gargaarkii lacageed labaatankii sano ee la soo dhaafay,” Sulaymaan ayaa sidaas sheegay. “Waxaan qorshaynaynaa barnaamijyo aan kaga codsanayno jaalayaasheena Soomaalida ah, kuwaas oo ay ku jiraan madaxdii hore ee maaliyadda, [in ay sii daayaan] waraaqaha daba galaya lacagahaas.

Nofeembar, golaha wasiirrada ayaa codsi rasmi ah u diray Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay iyaga oo ka codsanaya in ay ka caawiyaan dib u helidda lacagaha iyo hantida dibadda ku maqan.

Isku-dayadii hore ee dib u helidda hantida dibadda

Diseembar 2009, ayaa madaxwaynihii hore Sheekh Shariif Sheekh Axmed uu u magacaabay guddoomiyihii hore ee Bangiga Dhexe ee Soomaaliya Cali Cabdi Camalow inuu noqdo la taliyihiisa dhinaca maaliyadda si uu u soo celiyo boqolaal milayn oo doolar oo la rumaysan yahay in lagu shubay kaydad bangiyada ajaanibta ah, ayna ku shubeen madax hore oo ka tirsanaa dawladihii hore ee 21-dii sano ee la soo dhaafay.

“Doorashada iyo u magacaabista Cali Camalow xafiiskiisa iyo masuuliyada la saaray waxay ahay mid muhiim ah, toosan iyo waliba tallaabo muhiim ah, laakiinse madaxwaynihii hore lama uusan tashanin [maamul goboleedyada] Puntland iyo Somaliland mana uusan u haysanin awood buuxda arrintan isaga oo [aan ahayn madaxwayne dawlad rigli ah],” Idman Daahir Cawaale, oo ah baadhe Soomaaliyeed oo xaga maaliyadda ah ayaa sidaas yiri.

“Xaaladda ayaa sii xumaatay kaddib markii uu shaqaalaysiiyay hay’ad [Maraykanka saldhigeedu yahay] la yiraahdo Shulman Rogers si ay u noqoto la taliye dhinaca sharciga ah ayna kaalmayso guddoomiyhii hore ee Bangiga Dhexe ee Soomaaliya,” ayuu yiri. Heshiiskan muranka dhaliyay wuxuu siin lahaa Shulman Rogers $50,000 iyo 3.5% oo ka mid ah hanti kasta oo Soomaaliyeed ama kaalmo lacageed oo ay ku guulaystaan inay soo dhiciyaan.

Isha: Sabahi Online