KASHIFAAD: Yaab iyo wax uusan fileyn oo wasiirka Gaashaandhiga Somalia ku qabsaday magaalada Baydhaba.

Wasiirka gaashaandhiga Somalia,  ayaa maalmihii dhowaa safar ku  bixiyay gobolada Dalka Somalia, isaga oo ku sheegay safarkiisa indha indheen xaga arrimaha ciidamada iyo amniga ah, islamarkaana ciidamada goballada jooga mushaar u qaybiyay.

Safarkiisii ugu dambeeyay ayaa waxa uu ku gaaray magaalada Baydhaba ee caasimada gobalka Bay, oo uu kasoo laabtay khamiistii.

Hadaba wasiirka iyo waftigii la socday ayaa safarkoodi waxay kala kulmeen wax aysan marnaba fileyn, yaab iyo amakaagna ku noqotay.

Wasiirka iyo waftigiisa,  ayaa waxaa garoonka ku soo dhaweeyay saraakiil itoobiyaan ah, islamarkaana meel kasta oo waftigu tago la socday una diiday inay si qaas ah u arkaan maamulka iyo saraakiisha ciidamada Soomaalida ah. Ciidamada Itoobiya waxay kale oo wasiirka u diideen inay saraakisha Soomaalida ah ay war bixin siiyaan, taas badalkedana waxaa war bixinta gobalka bixiyay saraakiil Itoobiyaan.

Waxaa kalo yaab iyo amakaag noqotay in saraakiisha Itoobiya ay si amar aad moodid ay wasiirka iyo waftigiisa ugu sheegeen in saraakiisha Itoobiya lagu soo wareejiyo mushaharka ciidamada, sidaas daraadeed ayaa ciidamada dawlada Itoobiya waxay kula wareegeen lacagtii ciidamada Somalia.

Marka laga reebo xoogaa lacag ah oo intii wasiirku kormeer ku marayay ciidamo tobabar loogu soo xirayay duleedka Baydhabo loo qabiyay, ma jirto  cid og halka lacagta inteeda kale ay ku dambaysay.

Arrintan ayaa noqotay qaran jab ku dhacay umada Soomaaliyeed, madaama wasiir dhan oo umada Soomaaliyeed matalaya ay noqotay inuu amar ka dhagaysto askari Itoobiyaan ah. Hadaba Umada Soomaaliyeeed, ha ogaadaan in dalka Somalia ay itoobiya qabsatay oo ayna umada Soomaaliyeed dan ugu jirin askarta Itoobiyaanka ah ee magaalooyinkeena haysta.