Taleefonadii madaxweyne Xasan oo u gacan galay Kenya (Xog halis ku jirta)

Nairobi (Caasimada Online) Ilo xog ogaal oo ka tirsan safaaradda Soomaaliya ee Nairobi ayaa u xaqiijiyay Caasimada Online, in dowladda Kenya ay gacanta ku dhigtay taleefono uu watay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamud kuwaasoo looga tagay diyaarad uu la socday oo uu ka soo raacay Nairobi.

Taleefonadan ayaa la sheegay in uu madaxweynaha uga tagay diyaarad dhawaan uu ka soo raacay Nairobi markii uu ka qaybgalay shirkii madaxda urur gobaleedka IGAD.

Taleefonadan ayaa la sheegay in ay ku jireen sirar badan oo ku saabsan qaranka Soomaaliya, mana cadda haddii ay baareen hey’addaha ammaanka Kenya iyo in kale.

Ilaha warkan aan ka xiganay ayaa noo sheegay in taleefonada 13-saac kaddib dib loogu soo celiyay madaxweynaha.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay labada dowladood oo ku aadan warkan ku saabsan in taleefonadii gacanta ee madaxweynaha Soomaaliya in looga tagay diyaarad madaxweynaha ka keentay Kenya.

Waxaa arrintan ka sii horreysay markii madaxweynaha iyo wafdi la socda ay gaareen Nairobi wax mas’uul ah aysan garoonka ku soo dhaween.

Dhowr bilood ka hor ayay ahayd markii protocol xumo lagu qeexay, markii lasoo awiray madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh oo uu telefon hor-yaallo, taasi oo dad badan ku dhalisay su’aal ah sababta madaxweyne telefon u dhiibtay, oo aanay xoghayntiisa u hayn telefonada.

xasab iyo farax mobile

 

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

Caasimada@live.com